now they are begging somaliland please stop the war
Issimada Puntland oo baaq nabadeed ka soo saaray magaaladan Boosaaso
Kulan maanta ay ku yeesheen magaaladan Boosaaso qaar ka mid ah Issimada Puntland ayaa waxaa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ka kooban 5 qodob oo ay u jeediyeen dowladda federaalka, maamul goboleedka Puntland iyo maamulka Soomaaliland.
Kulankan ka dhacay xarunta gobolka Bari ee magaaladan Boosaaso ee ay Issimadu yeesheen waxay diiradda ku saareen xiisadaha colaadeed ee ka aloosan dalka gaar ahaan Muqdisho iyo gobolka Sanaag.
Issimadu waxay hoosta ka xariiqeen in nabadu ay tahay mid ay dani ugu jirto cid kasta haddii ay xasilooni darri timaadana aysan dhibtadeeda cid gaar ah ku koobnaaneyn.
Issimadu waxay ku eedeeyeen maamulka Soomaaliland inuu abaabul colaadeed ka wado degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka tirsan issimada gobolka sanaag ayaa wuxuu akhriyay baaq ka kooban 5 qodob oo ku jeeda dowladda federaalka, Puntland iyo Somaliland.
In Somaliland ay joojiso abaabulka dagaal
In shacabka Soomaaliland iyo issimadooda ay la hadlaan maamulkooda inuu colaada joojiyo
In dowlad goboleedka Puntland ay xooga saarto talaabo nabadeed, isla markaana ay si adag u difaacdo shacabka iyo dhulka Puntland
In la ilaaliyo midnimada Qaran ee Soomaaliya
In la taageero lagana qeybgalo shirka dib u heshiisiinta qaran
Garaad C/laahi Cali Ciid wuxuu sheegay in Issimadu ay diyaar u yihiin inay sidoo kale la hadlaan oo ay gogol lawada fariistaan Issimada Somaliland si nabadda looga wadashaqeeyo.
Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah issimadii baaqan soo saartay ayaa isagana ka hadlay sida issimadu ay uga soo horjeedaan wax haba yaraatee colaad la yiraahdo.
Isku soo wada duuboo baaqan ay soo saareen issimada Puntland wuxuu ku soo aadayaa xili maamul iyo shacabba ay si weyn u hadal hayaan xiisadda ka aloosan gobolka Sanaag
C/qaadir Maxamed Nuunow
SBC Boosaaso

