Sheikh Shariff speaks out

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Sheikh Shariff speaks out

Post by LiQaaye_TDH »

Listen to the BBC 11.00 He is a joker....




Shariif Xasan “Waa nasiib daro in guul lagu sheegto xasuuqii iyo barakicii Shacabka Soomaaliyeed loogu geystay Muqdisho”

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmaara ee dalka Eritreya ayaa cambaareeyey hadal uu ra’isul wasaare Geeddi ka sheegay magaalada Muqdisho maalintii Khamiistii kaasoo ahaa iney ka guuleysteen kooxihii ka soo horjeeday, wuxuuna Shariif Xasan sheegay iney la yaab iyo nasiib daro tahay in guul la sheegto, laguna faano wax uu ugu yeeray xasuuqii iyo barakicii loo geystay shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii laga adeejiyey ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan hub aad u cul-culus iyo madaafiic, kuwaasoo uu tilmaamay iney cadaawad qoto dheer kala dhexeyso shacabka Soomaaliyeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya aysan maanta wax dowlad ka jirin, ka dib markii sida uu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka soo bixi weysay shuruud uu sheegay in jiritaankeedu uu ku xiran yahay “Dowlad ma jirto waayo? Dowladda federaalku waxaa ku taala dastuurka iney dhaceyso haddii labada sano iyo barka ugu horeeya jiritaankeeda ay ku soo dhisi weyso nidaamkii federaalka iyo doorashooyinka, dowladda waxay sii jirtaa hadda in ka badan 3 sano, nidaamkiina ma eysan sameyn” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya markii ay qabsadeen magaalada Muqdisho iney falal aargoosi ah ku kaceen iyagoo buu yiri dilay, qaar kalena kaxeystay dadkii ay ugu tageen deegaanada ay la wareegeen, wuxuuna sidoo kale sheegay iney ku kaceen falal isugu jira boob iyo biliqo ay u geysteen hantidii shacabka Soomaaliyeed ee goobahaasi tiilay, wuxuuna xusay in qofkii laga dareemo magaalada Muqdisho diin iyo wadaniyad ay ciidamada dowladdu dilayaan ama ugu yaraan xirayaan, wuxuuna tilmaamay Shariif Xasan in xalka Soomaaliya uu ku jiro in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka Soomaaliya, shacabka Soomalaiyeedna aayahiisa ka tashado.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: Sheikh Shariff speaks out

Post by Hiiraan boy »

he's not a joker....
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Sheikh Shariff speaks out

Post by LiQaaye_TDH »

Waxu yidhi Dowladi ma jirto, Geedi ma Aqoonsanin, xiligiisi dhaama.....

Geedi waxu ku Faanaya Inu Mogadisho Dadki Xasuuqay..........runti
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Sheikh Shariff speaks out

Post by Hyperactive »

Too late. He should speak up long time into yemen dawarsanayay.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”