Gudoomiyaha Jubbada Hoose Oo Ka Diiday Wafdiga DFKGM Inuu Ku Soo Noqdo Kismaayo Iyo Itoobiya Oo Sheegtay Inaysan Dib Ugu Soo Laaban Doonin Kismaayo Iyo Saansaantii Colaadda Oo Cirka Isku Shareertay
May 01,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Iyadoo lagu waday barqanimadii maanta in uu soo galo magaalada kismaayo Gudoomiyaha Gobolka J/hoose lana dhameeyo khilaafkii sababay dagaalkii 23kii bishii tagtay ayaa waxaa lagu waramayaa in uu gudoomiyuhu diiday in uu soo galo gudaha kismaayo.
Masuul ka tirsan wafdiga dawlada KMG ah oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay Gedonet in saaka aroortii uu la soo xariiray gudoomiyaha gobolka xilli ay isu siyaarinayeen in ay soo dhaweeyaan uuna u sheegay in uusan imaanayn magaalda Kismaayo oo ay haystaan kooxo dawlad diid ah sida uu warka u dhigay.
Boqolaal dadwayne ah ayaa saaka tagay xarumaha mamaulka si ay u soo dhaweeyaan mas,uuliyiinta maqan oo shalay kula heshiiyay wafdiga in ay soo galaan kismaayo ka dib markii beesha Sade ay wafdiga ku wareejisay hubkii ay qabsatay iyo ciidamdeeda islamarkaana ay ogolaatay in xubnaha maqan ay dib u soo laabtaan. Diyaargarow xoogan ayaa maanta ka muuqanayay maleeshiyooyinka ku sugan magaalada kismaayo halka laga soo sheegayo gobolo ka baxsan Jubbada Hoose Col uruursi.
Magaalada caasimada ah ee muqdisho wararka ka imaanaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dawlada KMG ah ay isku diyaarinayaan Villa Somalia si ay u caawiyaan kuwa C/risaaq Afgaduud ee looga awood roonaaday gacan ku haynta Kismaayo.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadaha KMG ah qayb ka yihiin Col uruursiga ku wajahan kismaayo, hase ahaate waxaa uu xildhibaanku xaqiijiyay in saraakiisha Itoobiya aysan la dhacsanayn weerar lagu qaado dhinac ka mid ah tagaeerayaashii dawlada ee dagaalku dhex maray.
N D F-GEDI-NN-Kismaayo

