Gudoomiyaha Golaha Shuurada MMI Sh Xassan Daahir Aweys oo Qo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Gudoomiyaha Golaha Shuurada MMI Sh Xassan Daahir Aweys oo Qo

Post by Hiiraan boy »

Gudoomiyaha Golaha Shuurada MMI Sh Xassan Daahir Aweys oo Qoraal u diray QM
Posted to the Web May 04, 18:38


Nairobi:-Gudoomiya Golaha Shuurada ee MMI Sh Xassan Daahir Aweys ayaa qoraal u diray QM kaas oo uu kaga waramayo waxqabadkii MMI iyo Taageerada Mareykanku la garab taagan yahay dalka Itoobiya oo ay ciidamadeeda xaq daro ku joogaan haatan Muqdisho iyo gobalada qaarkood.

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa qoraalkiisa waxa uu sii Mariyey website IslamToday oo uu Ishraafo Sh Salmaan Bin Fahad Al Cowda

Qoraalka ayuu Sh Xassan waxa uu ku sheegay in reer galbeedka aysan u ogoleyn Muslimiinta in ay si xoriyad leh iyo karaamo u noolaadan ama ay naftooda difaacaan isaga oo intaa raaciyey in Muslimiinta haday iska difaacaan loogu yeero in ay yihiin argagixiso isaga oo Shiikhu si gaar ah u tilmaamay dalalka Falastiin iyo Afgaanistaan.

Sh ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in reer galbeedka ay taageero xoogan siiyaan dalka Itoobiya oo ku soo duulay soomaaliya si xaqdaro ah oo aan xitaa waafaqsaneyn xeerarka ay dhigteen gaaladu.

Sh Xassan ayaa sheegay in aysan xal noqon doonin joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Afrikaan ah iyada oo aan la xalin arimaha Soomaaliyeed

Gudoomiya golaha Shuurada MMI ayaa sheegay in DF aysan awood u lahayn in ay maamusho dalka ayna tahay mid taag daran shacabkana aan taageero u hayn,waana mid u shaqeysa cadawga Soomaaliya,lagamana sugayo khayr in ay dhibaato hor leh ay abuurto mooyee waa sida uu Shiikhu hadalka u dhigay.

Gabagabadii ayaa Sh Xassan daahir Aweys waxa uu sheegay waxa uu xalku yahay isaga oo ka digay in Qm ay u soo dirto ciidamo ay leedahay sida loogu badalo kuwa Afrikaanka waxa uuna sheegay in xalku yahay in kuwa daneynaya arimaha Soomaaliya ay isigu yimaadaan wadan dhexdhexaad ah iyo meel aamin ah ka dibna umada ay hishiisu lana fuliyo waxa lagu hishiiyo iyada oo uu hishiiku yahay mid madax banaan oo aan qolana soo fara galin
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”