Ethiopia Oo Ciidamo Kusoo Daabulaysa Gobolka Dhagax Buur

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ethiopia Oo Ciidamo Kusoo Daabulaysa Gobolka Dhagax Buur

Post by Hiiraan boy »

(Dhagax-Buur}5.05-07
Gobolka Dhagax Buur ayaa la sheegaya in ay yimaadeen ciidamo xoogan oo Ethiopian ah kana socda dawladda dhexe oo ay wheliyaan illaa 6 diyaarahada oo kuwa qumaatiga u kaca ah....................................

imaan shahaha Dhagax Buur ee ciidamada Ethiopia oo ay wheliyaan illaa 6 diyaarahada qumaatiga u kaca ayaa yimi kadib markii jabhada Xoraynta ee ONLF ay hawl galo miletry ka fuliyeen qaar kamid ah deegaanka somali galbeed.

Ciidamadan Ethiopian ka ah oo lagu soo warramayo in ay si degdeg ah hawlgalo ay ugu magac dareen sifeynta gobolka ee jabhadda ONLF kawadaan dhammaan degmooyinka gobolka Dhagax Buur ee ay ku sugan yihiin xubnaha jabhadda Xoraynta Ogadenia ee ONLF.

Wararkii ugu danbeeyay ee haatan ka imanaya Gobolka Dhagax Buur ee Deegaanka Soomaalida Galbeed ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan jabhadda ONLF ay aagag iyo saldhigyo milatery ka samaysteen deegaanka Higlalay isla markaana ay difaac adag galeen.

Waxa wararka laga helayo gobolada Deegaanka Soomaali galbeed ay sheegayaan in dawladda dhexe ay aad u soo kordhisay ciidamada ku sugan Deegaanka.

Ujeedada xoojinta ciidamada Ethiopia ka ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii dagaal loogu qaadi lahaa xubnaha jabhadda ONLF ee gobolada deegaanka Soomaalida jooga.

Madaxda Deegaanka Soomalida iyo kuwa dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa sheegay in si dhakhso ah ay ugu hawlgeli doonaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ciidamada jabhadda ONLF

Jabhadda ONLF ayaa dhawaan weerarro ay ku qaadday goobo shidaalka laga baadho oo ku yaalla aagga tuulada Cobolle ee gobolka Dhagax Buur ku laysay dad tiradoodu kor u dhaaftay 65 oo isugu jiray shaqaalaha shirkadda shidaalaka iyo 9 qof oo iyana u dhashay dalka Shiinaha.

kuwaas oo ay jabhadu ku eedaysay inay bili liqaysanayeen khayraadka dalka isla markaana ay baa bi'inayeen dhul baaxadleh oo oo ay jarayeen dhirta

Widhwidh Online News Desk..Media Center
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Ethiopia Oo Ciidamo Kusoo Daabulaysa Gobolka Dhagax Buur

Post by The_Patriot »

they always said this since 1994 Cool
ONLF will karbashid those Xaraamists.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”