Howl gal Indha shareerka looga fiiqayo gabdhaha

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Howl gal Indha shareerka looga fiiqayo gabdhaha

Post by Lacageylacag »

Xukumada islamdiidka ah ee hoostagda nidamka Itobia ayaa saaka ka bilaabay isgoyska Howl wadaag howl gal ay indha shareerka(niqaabk) kaga fiiqayaan gabdhaha muslimaatka ah ee saaran baabuurta wadadaasi marta.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa si xoog ah indha shareerka uga qaadayey gabdhaha muslimaatka oo u wata dar Alle iyaga oo dhoobay indha shareerka isgoyska bartamihiisa.

Lama oga ilaa iyo hadda waxa keenay in gabdhaha muslimaatka ahi xoog looga qaado indha shareerka ay wataan; waxaase lagu wadaa in arrintan ay tahay mid qorshaysan ee lagula dagaalamayo shicaarka diinta Islaamka.

Arrintan ayaa waxay lidi ku tahay diinta Islaamka waxaana loo baahan yahay in ay cullimada Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaalida ka fatwoodaan halka dhalinyaradana laga doonayo in ay la jihaadaan dadka diintooda wax u dhamiya.

Indha shareer fiiqidan ayaa ka dambeysay ka dib markii Cabdi Qeybdiid laga dhigay taliyaha ciidanka Booliska dowladda KMG iyo Maxamed dheerana loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Benaadir iyaga oo labadooduba horey uga tirsanaayeen Isbahaysigii la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyada oo xilligaas Cabdi Qeybdiid uu bilaabay in uu gabdhaha muslimaatka ah indha shareerka ka qaado halka Maxamed Dheerana inta uu xooga ku haystay Jowhar uu diiday in ay gabdhaha muslimaatka xirtaan indha shareerka.

Dagaalkan cusub ee lagu dagaamayo diinta ayaa ah mid qorshaysan oo lagu doonayo in lagu fasahaadiyo shacabka Soomaaliya oo 100% muslimiin ah, iyada oo ay ciidamada Itoobiya ka dhigteen musqul masjid ku yaala xaafada Cali Kamiin halka kuwa kale oo badana ay burburiyeen.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Howl gal Indha shareerka looga fiiqayo gabdhaha

Post by Hyperactive »

War moaning waxba tari mahaye, hawdka ma galna or mountains and fight like Osama. Cool
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”