SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by fagash_killer »

what did i told you guys

Shacbiga Somaliland Dib Ma U Dooran
Ali D, Yassin — --------- — 11 May, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Shacbiga Somaliland dib ma u dooran qof aan rabin in Somaliland Dawlad noqoto

Shacbiga Somaliland dib ma u dooran qof aan rabin in Somaliland Dawlad
noqoto(Never Again)

Hadii Riyaale iman Lahaa London shacbiga Somaliland ee degan carada
Ingiriiska waxay la sugayeen Mudaaharaad ay ku dhigaan Riyaale, nasiib daro
waxaa u digay guulwadayaasha London u joogah, si kastaba ha ahaatee shacbiga
Somaliland waxay filayaan in madaxweyne ku xigeenka imanaaya London ka
jawaabi doono suaalaha hoosta ku qoran oo kala ah:

1) Waa maxay sababaha maamulka Riyaale uga ilaalinaayo ciidanka Somaliland
inay tagaan xadka Somaliland la wadaagto majeerteenka.

2) Muxuu maamulka Riyaale uga soo celiyey ciidanka Somaliland markay tageen
xadkooda.

3) Sababtay majeerteenku u qabsadeen meel u jirta magaalada Ceerigaabo shan
( 5 ) kiloomitir oy calanka Somaliland ka dajiyeen, kana taageen calanka
majeerteenka.

Waxaa kaloo lawada ogyahay in wafdigii tegay magaalada Ceerigaabo ku
yidhaahdeen reer Ceerigabo, hadii dalka Somaliland shisheeye soo weeraro,
shacbiga Somaliland oo isku-duuban ayaa dalka difaaci, markaa su'aasha
meesha ku jirtaa waxay tahay, wafdigu dalkay ka hadlayaan ma Burco iyo waxa
galbeed ka xigaa, oo gobalka Sanaag ka mid ma aha Somaliland? Gobaka Sanaag
oo badankiisa majeerteenku gacanta ku hayaan maanta.

Waxa kaloo shacbiga Somaliland la yaabanyahay hadalada ka soo yeedhay,
wafdigii Riyaale u diray magaalada Ceerigaabo. Wafdigaasoo ku yidhi reer
Ceerigaabo, waxaanu idiin samayn doonaa, Radio, TV iyo dugsiyaal, markaa
reer Ceerigaabana waxaa laga rabaa inay ka ilaaliyaan dhibaato ka timaada
xadka u dhaxeeya Somaliland iyo majeerteenka, taasoo ku jirta danta reer
Ceerigaabo iyo ta Somalilandba.

Qodobkaa maamulka Riyaale ku taliyey, waxuu cadaynayaa in maamulka Riyaale
heshiis hoose lagalay dawlado shisheeya ah oo dantooda ilaashanaysa, kana
faa'idaysanaaya karti xumuda maamulka Riyaale.

Saddexda nin ee kala maamula Ethiopia, Djibouti iyo Somalia waxay balan ugu
qaadeen Riyaale inay is barbar taagi doonaan hiil iyo hooba si mar labaad
loogu doorto madaxweynimada Somaliland. Sadexdaa nin oo u arkay in dantoodu
ku jirto Riyaale oo ku soo noqda xukunka Somaliland inkastoo maamulka
Djibouti aanay isku calool furnayn nimanka maamula Ethiopia iyo Somalia hase
ahaatee sadexdaa nin waxay isku raacsan yihiin in Riyaale lagu hayo laguna
ilaaliyo in Somaliland uu madax uu ka ahaado.

Sidaa awgeed waa in shacbiga Somaliland indhaha furaan ooy hoos u eegaan
arrimaha Somaliland ee Riyaale darafyada ka fadhaayo si aanay Somaliland u
noqon dawlad buuxda.

Ali D, Yassin
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Re: SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by highclass »

Forget about Xadka British Somaliland, Current Somaliland is not the same thing as British Somaliland. Wa xaaq dhaaro hadi la sheegto Xadki Gumeeysiga. wa gardarada qaawan wana laga hortagaaya.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

highclass all the xads in the world are from gumeysigii are u gonna fight the whole world ?

Surprised Laughing Laughing
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Re: SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by highclass »

^ You didn't understand my point......We will fight against anyone that goes their and claiming it as their border. We are the people from both sides of that border. Because we dont support its xaaq dhaaro hadi la sheegto Xadki Gumeeysiga.

Adiga oo Hargeisa jooga, Maxa ka galaay waxa u dhexyo Boocame iyo Garowe, Baran iyo Bosaso?? U get my point now? Laughing
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by fagash_killer »

Laughingnow lets see how they will feel if a man from garoowe invades hargeisa and claims that it belonges to the republic of somalia cuss it could happen any moment Laughing the blue flag is already flying in burco berbera and hargeisa will be next Laughing
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN

Post by fagash_killer »

Rajo Wanaagsan Laga Qabo Sidii Ay Somaliland Dib Ugu Laaban Lahayd Midnimadii Soomaaliya
Somaliland.Org — Dubai, UAE — 11 May, 2007
--------------------------------------------------------------------------------




Wargeyska Al-khaleej: Olole diblomaasiyadeed oo Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku doonayaan Midnimo Soomaaliweyn




"Xubno ku dhowdhow dedaalka diblomaasi ee ka dhex socda Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland, ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo sidii ay Somaliland dib ugu laaban lahayd midnimadii Soomaaliya"




Maraykanka ayaa dammaanado waaweyn oo aan la shaacin u dhigay haddii ay [Somaliland] oggolaadaan in ay mar labaad dib ugu laabato midnimadii Soomaaliya, kana noqdaan mashruuca ay ku doonayaan madaxbannaani dhammaystiran inay helaan."


Wargeyska Al-khaleej



Addis Ababa (Jam/Al-Khaleej)- Dawladda Maraykanka ayaa oggolaatay inay dammaanad-qaadyo waaweyn ku siin doonto xukuumadda Somaliland haddii ay ka ayidaan inay dib ula midoobaan koonfurta Soomaaliya, isla markaana ka noqdaan rabitaankoodii ku wajahnaa in ay xornimo buuxda ka qaateen dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Sidaa waxa lagu sheegay war uu daabacay wargeyska Al-khaleej ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta cadadkiisii Khamiistii shalay, warkaas oo wargeysku sheegay in uu ka soo xigtay ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow diblomaasiyiinta dadaalku ka dhex socdo, "Kuwaas oo kala ah, " ayuu wargeysku yidhi; "Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland."


Waxa kale oo ilahaasi Al-khaleej u xaqiijiyeen in rajo wanaagsan laga qabo sidii Somaliland dib ugu noqon lahayd midnimadii koonfurta Soomaaliya.


Warka uu daabacay wargeyska Al-khaleej oo ku qornaa afka Carabiga oo aannu tarjunay waxa uu u dhignaa sidan:


"Xubno ku dhowdhow dedaalka diblomaasi ee ka dhex socda Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland, ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo sidii ay Somaliland dib ugu laaban lahayd midnimadii Soomaaliya, isla markaana ay maamulka Somaliland uga tanaasuli lahaayeen rabitaankodii ku wajahnaa inay xornimo buuxda ka qaateen dalka Soomaaliya.


Waxa kale oo ay hubaal ka dhigeen ilo xogogaal ah oo dhinacyadaas ku dhowdhow inay Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Hargeysa ee ku hawlan isu soo dhoweynta labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya], in dammaanado waaweyn oo aan la shaacin loo dhigay haddii ay [Somaliland] oggolaadaan in ay mar labaad dib ugu laabato midnimadii Soomaaliya, kana noqdaan mashruuca ay ku doonayaan madaxbannaani dhammaystiran inay helaan."


Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya, ayaa iyagu muddooyinkan dambe si weyn uga dhex muuqday xaaladaha siyaasadeed ee ka socday koonfurta Soomaaliya, isla markaana si gaar ah gacan ugu lahaa isbeddellada lixdii bilood ee u dambeeyey ka dhacayey Soomaaliya, ayaan la saadaalin Karin sida ay ugu hirgeli karto arrintaasi.


Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan waxay shaaca ka qaaday in aanay marnaba dib ula midoobi doonin koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, haseyeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrinta wargeysku daabacay oo ilaa hadda dhinaceeda ka soo baxay.


Xigasho: Jamhuuriya
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”