Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG oo Hambalyo u diray dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.
15. Maj 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka Maajo oo ku beegan 64-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, u diray dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkiisa ku yiri "Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hambalyo qiimo badan oo ku aaddan munaasabaddaan u diro shacbiga Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaa nasiib wanaag ah in 64-guurada SYL ay ku soo beegantay xilli ay xukuumadda fedaraalka Soomaaliya gacanta ku wada hayso dalka, iyadoo welina ku hawlan sidii ay u soo celin lahayd amniga iyo kala dambeynta".
"13-kii dhallinyarada ahaa ee aasaasay SYL, waxay ahaayeen waddaniyiin aan abaalkooda Soomaali halmaami doonin, sida ku caddeyd warqadda aqoonsiga ee Xisbigaasna waxay ahaayeen kuwo ka fayow qabiilka iyo kala qeybsanaanta, waxaana dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligan looga baahan yahay inay ku daydaan 13-kaas dhallinyarada ahaa, oo ay qayb ka qaataan nabadeynta, dib u dhiska iyo hawlaha kale ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalkiisa sii raaciyey inuu shacbiga Soomaaliyeed u rajeynayo inay munaasabaddaan teeda kale ku gaaraan nabad, horumar iyo barwaaqo.
Dhinaca kale waxaa gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan xarumaha dowladda KMG ah ee Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtay munaasabado kala duwan oo lagu weyneynayo qiimaha ay 15-ka Maajo u leedahay shacabka Soomaaliyeed, waxaana galabta magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad weyn oo uu ka soo qeybgeli doono wasiirka dhalinyarada iyo Sport-ga Mowliid Macaane Maxamuud iyo xubno kale.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
C/YUSUF OO HAMBALYO U DIRAY DHALLINYARADA IYO SHACABKA SOOMA
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: C/YUSUF OO HAMBALYO U DIRAY DHALLINYARADA IYO SHACABKA SOOMA
TAARIIKHDA HALGANKII SYL (Tacab, Tacliin iyo difaaca dowladda Federaalka.)
15. Maj 2007
Mudadii uu socday dagaal weynihii labaad ee adduunka waxaa soo ifbaxay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka ee dalalka Africa, Aasiya iyo Laatiin Ameerika, dhamaadkii dagaalkaasna waxaa curtay tabarna yeeshay dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka.
15-kii Maajo 1943-kii oo ku beegneyd dhamaadkii dagaal weynihii labaad ee adduunka ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga aas aasay urur siyaasi ah oo u habeysnaa qaab dhaqdhaqaaq gobonimo doon, kaas oo loo bixiyay ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) ururkaas waxaa aas aasay 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, waxayna magacyadooda kala ahaayeen-
C/qaadir Sakhaawadiin
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake
Sayid Xirsi Nuur
Maxamuud Cusmaan Baarbe
Daahir X Cusmaan Sharmaarke
Xaaji Muxumed Xuseen
Khaliif Hundow Macalim
Muxumed Faarax Hilowle
Muxumed Cabdulle Xayeesi
Cusmaan Geedi Raage
Dheere X Dheere
Muxamed Cali Nuur
Cali Xuseen Cali
Dhalinyaradaas oo ka duuleysay lana jaan qaadayey halganadii dhaqdhaqaaqyada gobonimo doon ee dalal badan oo gumeysi ku jiray. wuxuuna ururkaas lahaa xeer iyo barnaamij uu ku caddaa ujeedooyinka toosan ee SYL u halgameysay.
Waxaa xusid mudan in SYL barnaamijkeeda uu ku qeexnaa ka xorreynta dalka Soomaaliya gumeysiga, midnimada dalka, la dagaalanka qabiilka, qorista farta Soomaaliga, kor u qaadista iyo dhowrista hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo qodobo kale.
Ururka SYL wuxuu mudo yar gudaheed ku faafay oo uu laamo ku kala yeeshay gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna xiriiro iskaashi iyo saaxiibtinimo la sameystay dhaqdhaqaaqyadii asaagiisa ahaa ee gobonimo doonka Afrika, kuwa Carabta iyo qaar ka tirsan xisbiyada siyaasiga ah ee dalalka Yurub.
Bacdamaa baaqii ugu horeeyay ee SYL ay ku qeexneyd midnimada dalka Soomaaliya, iyo la dagaalanka qabyaaladda, ayaa waxaa warqadda aqoonsiga ee ururkaas ku qornaa erayo caddeyn u ahaa arintan, kuwaas oo u qornaa sidan:
“Ururkan kuma jiro kala sooc qabiil iyo dariiqo, hase ahaatee Soomaali oo dhan waa u siman yihiin, waana walaalo”.
Waxaa kale oo ku qornaa warqadaas aqoonsiga ah heestii ay caanka ku aheyd Leegada ee aheyd:
Kani waa ugaas
Kani waa addoon
Waa inaan ilownaa
Soomaaliyeey sare joogsada
Sinnaan baan heleynaa
Sida ari dadkii la ilaalin jiray
Waa ka caqliyeysanee
Heesta iyo erayada ku daabacnaa warqada aqoonsi ee SYL waxay muujinayeen in qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta ay ahaayeen hubka ugu weyn ee Gumeysigu u adeegsado bulshada si uu u wiiqo ujeedooyinkii SYL.
Nasiib wanaag gumeystihii kuma uusan najaxin ujeedooyinkiisii, waxayna Leegadu shacabka gaarsiisay in la helo walaaltinimo iyo maskax ka fayow qabiilka. Markii ay SYL xaqiijisay in shacabka Soomaaliyeed uu ka tegay qabyaaladii iyo kala qeybsanaantii ayey waxay u gudubtay iney si bareer ah uga hortagto Gumeysigii, waxayna SYL horseetay ilaa heer ay dumarka Soomaaliyeed alaabadooda u xaraashaan, dhaqaalaha ay ka helaanna ku taageeraan halgankaas gumeysi la dirirka ahaa.
Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuu kaloo gacan ka heli jiray jaaliyadihii Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Yurub ku noolaa, kuwaas oo xisbiga u sahli jiray in ay ergooyin u dirsadaan shirarka umadaha Midoobay iyo kuwa kale si ay ugu soo sharaxaan Khadiyada gobonimo doon ee dadka Soomaaliyeed.
Qof ka tirsanaa SYL oo magaciisa ku saxiixneyn waraaq la qoray 1945-kii sababo xaga amniga ee waagaas jiray darteed, ayaa warqadaas erayadii ku qornaa ay u dhignaayeen Sidan:.
Kombaanyo (Jaalleyaal), Dow bey igu tahay inaan idiin xusuusiyo, idinkana digo hadeer laga bilaabo ineysan kafaayo aheyn inaan ku hadaaqno xoogaa af Ingiriis ah, af Talyaani ah iyo Carabi, oo aan aqoon is bidno, waxaa loo baahan yahay aqoon dhab ah oo ah hubka ugu weyn ee afafkaas ku dhex jira, waad ila og tihiin sida aan qabo in hadii la doono in la helo hoggaamiye, madax iyo maamuleyaal in loo baahan yahay sannooyin dheer oo waxbarasho.
Halgankii gobonimo doon ee SYL waxaa kale oo aan marnaba la halmaami karin kaalintii firfircooneyd ee fanka iyo suugaanta kaga jireen, waxaana xusid mudan Heesihii, gabayadii, Guurowyadii iyo buraaburadii doorka weyn kaga jiray kicinta qiirada iyo xamaasadi dhiigga wadaninimo ee shacabka Soomaaliyeed.
Xaalka si kastaba ha ahaadee shaki kuma jiro in dhalinyaradii aas aastay SYL ay ahaayeen kuwo ay maskaxdooda ka fiyooweyd cudurka qabiilka ee maanta kala qoqobsanaanta ku beeray dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligan joogta, waxaana ayaandaro ah in dhalinyarada maanta ee Soomaaliya gaar ahaan kuwooda maran habowsan ee xaabada joogtada ah looga dhigay hurinta dagaalada iyo duminta dowladda sharciga ah ay yihiin kuwo uu garaadkooda ka hooseeyo 64 sano kuwii aas aasay ururkii SYL.
Hadaba dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney ku daydaan geesiyaasha SYL oo magacooda iyo taariikhdooda ay ku waari doonto qaluubta dadka Soomaaliyeed oo dhan.
Tacab, Tacliin iyo difaaca dowladda Federaalka.
Waxaa Qoray Maxamed Muxiyaddiin Cali
Tifaftiraha Wargeyska Panorama
mmneero@yahoo.com.au

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1214 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 4 Replies
- 568 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 0 Replies
- 295 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 427 Views
-
Last post by zingii
-
- 26 Replies
- 1759 Views
-
Last post by zingii
-
- 21 Replies
- 155 Views
-
Last post by Captain24
-
- 2 Replies
- 318 Views
-
Last post by maryandagan
-
- 15 Replies
- 3699 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 473 Views
-
Last post by Jimbie
-
- 1 Replies
- 459 Views
-
Last post by UkMan9