Dadweyne farabadan ayaa saaka isugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil si ay uga qayb galaan xuska munaasibada 18may maalintii ay somaliland xornimadeeda la soo noqotay.
Sikastaba ha ahaate manta ayey dadweynaha reer berbera u dabaal degeen si aad u qurux badan ooh ore loo soo bandhigin farxadaasi oo dadka reer Berbera u dheerayd murugo kale taasi oo ahayd Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Deegaanka Berbera oo geeriyooday shalay Subaxnimadii abaaro 7:30 sida la sheegay Marxuum Maxamed Cumar Yasir (Bitiile) habeen hore abaaro 10kii habeenimo ayuu koomo galay subaxnimadii manta waa uu geeriyooday iyadoo aad looga naxsanyahay oo khudbadkasta lagu xusayey ayaa xagana laga dabaaldagayey aduunku waa hadhkaas labadiisa galine.
Madashii saaka ayaa kulmisay madaxda Gobolka Saaxil sida Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Deegaanka Berbera Siciid Daa'uud Cilmi, Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, taliyayasha Ciidamada bada iyo qeybta saaxil, Ururada Bulshada, Culimada, iyo dadweynaha reer Berbera oo idil.
Saaka waxa madasha ka Hadlay culimada Magaalada qaarkood sida Macalin Muuse oo aad ugu dheeraaday in diinta la xejiyo laguna daqmo isla markaana sheegay inay Somaliland tahay muqadas lama taabtaan ah, waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Siciid Daa'uud Cilmi oo ku dheeraaday jiritaanka Somaliland inuu yahay mid lama taabtaan ah waxaana uu yidhi "Runtii maanta gobolkan aynu ku noolahay waa xasaasi waxyaabo badan baa kusoo kordhay halka la inooga soo bu'aayo waad arkaysaan in Xamar Cabdilaahi Yuusuf kasoo hanjabayo waxyaabo badan buu kusoo dhuumanaya cadowga Somaliland oo uu soo siyaasadeynayo, markaa waxaan leeyahay waar khilaafka dhexdeeno waxba maaha qoluun baa sax noqon doonta, isla markaa ayaanu khilaafku ama mucaaradadu noqonin mid wax dumayi oo wax ina yeelaa kaasi maaha khilaaf ee waa mu'aamarad".
Gudoomiye Siciid Waxa uu ku dheeraaday in la difaaco qaranimada Somaliland oo manta cadowyadii ugu badnaa iska leh isagoo arimahaasi bayaaminayana waxa uu yidhi “ Somaliland manta codowgeedu aad buu usoo tafa xeydanyahay markaa waxa la doonayaa inaynu inaguna u tafo xaydano difaaceeda ayaa la doonayaa oo la dhaafo waxa dhexdeena ah oo aan lagu fogaan khilaafka oo la noqdo sidii sided iyo sideedtan kii iyo 1991 kii xiliyadaasi oo aynu dalka usoo marnay dagaal qadhaadh iyo halgan dheer”.
Duqa Degmada Berbera oo Siciid Daa'uud Cilmi oo ka hadlaya geerida ku timid gudoomiye kuxigeenkiisa marxuum Bitiile ayaa yidhi “waxa saaka geeriyooday alle ha unaxariistee bitiile oo ahaa gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka Berbera oo runtii ah geeri ina wada sugaysa balse aad aynu uga wada naxnay maadaama uu ka baxay reer Berbera iyo qoyskii & qaraabadiisaba oo aan u rajaynayo in illaahay ka siiyo samir iyo iimaan inaga iyo iyagaba”.
Maayarku ugu danbeyntii waxa uu hambalyo u diray dhamaan shacbiga reer Somaliland kan reer Berbera waxaanu yidhi “waxaan hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha ciidan manta u diryaaa shacbiweynaha Somaliland guud ahaan gaar ahaan kan reer Berbera anigoo ku hadllaya magaca Golaha Deegaankla Berbera, shaqaalaha Dawlada Hoose dhamaan shacbiga Berbera waxaan leeyahay illaahay ciidan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo”.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilaahi Maxamed waxaana hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi "marka hore waxaan aad uga xumahay geerida maayar kuxigeenka Berbera marxuum bitiile waanuna ka tacsiyadeynaynaa dhamaan reer Berbera iyo qaraabadiisiiba isagoo ahaa nin in badan inoo soo shaqeeyey haduu u ahaa nin ganacsade ah oo uu cashuurta bixin jiray iyo markii u danbaysay ee uu ahaa maayar kuxigeenka aad na waanu uga xunahay".
Waxa kale oo uu badhasaabku ka hadlay dhoofka xoolaha ayaa sheegay oo yidhi “baryahan danbe waxa jiray muran ka taagan dhoofka xoolaha oo niman baa is eryanaya waana niman baayacmushtari ah oo macaash doon ah niman nin waliba doonaya inuu caalamka isagu saaro garabka hadaba danteenu waxa weeyo danta dalku waa in dhaqdhaqaaq xoolaha ah la helo, waxaan soo maray xeryihii aad ka yaxyaxaysay ee raga iska hoos hurdeen oo aan qof joogin nin waliba xooluu doonay ama wuu raacay ama wuu soo iibinayaa markaa waa lakala dhaqaaqay oo dhaqdhaqaaqa noocaas ahi dalka oo dhan ayuu faa'iido u yahay inagana waa inoo faa'iido oo waa tii bahal busaaradi baryahan inagu habsatay iminka tii shaaha iibinaysay baa dhaqaaqday tii qaadka iibinaysay baa dhaqaaqday markaa inagu hadaynu reer Berberanahay waxay danteenu ku jirtaa inaynu soo dhaweyno dhaqdhaqaaqaas xoolaha ee aan soo dhaweyno nabad galyadana aan ilaashano”.
Badhasaabka oo ka hadlaya sanadkan waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore ayaa yidhi “sanadkan waxaad moodaa inuu ka duwanyahay kuwii hore oo Dawlada Hoose ayaa wax badan ka qabatay Wadooyinkii iyo laydhkiiba runtii Maayar Siciid aad buu u dadaalay waxaan odhan karaa waa ninkii mudada yar ee uu joogay ugu wax qabadka badnaa markaa cidii ka hortimaadana anagu shanta calaacalood baanu saaraynaaye sidaas ogaada”.
Waxa kael oo uu ka hadlay badhasaabku warshada Laydhka waxaanu yidhi "waxay warshadii laydhku inoo furmi doontaa bisha lixaad ee june ama bilowgeeda ama dhamaadkeeda mid uunba laydhna waad heli doontaa waxaanan filiyaa inuu noqdo mid jaban oo kan ka jaban hadii xooluhu sidaas usii socdaana waxaynu helaynaa faraj oo nina nin eegi mayo”.
Badhasaabku waxa kale oo uu ka hadlay arinta cisbitaalka Berbera waxaanu yidhi "meel baanu u tag weynay hadaanu nahay deegaanka, Gobolka,wasaarada Caafimaadka meeshaasna waad garanaysaan oo waa cisbitaalka runta marka aynu usoo noqono ugu yaraan waxaan dadaalayn dhakhaatiirtii yar yarayd ee joogay meesha todoba shil baa ka dhacay wadooyinka mararka qaarkood baa la waayaa wax dhiig joojin baa laga waayaa oo aqbali mayno dhakhtarkii ma joogo marka qof dhaawaca la keeno markaa ma yeelayno in dhakhtarku iska maqnaado waananu joogtaynayna kormeerka dhakhtarka”.
Ugu danbeyntii waxa uu u baaqay bulshada reer Berbera iyo tijaarta waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dadweynaha reer Berbera dhakhtarku in la isugu tago ayuu u baahanyahay, waxaan leeyahay tujaartana waydinka caawinaya dhakhtarada boosaaso iyo kuwa kaleba ee waxa la yidhi ahlu bayt axaq ee kan ayaa idiinka baahan caawimo oo haluu furo sanduuq wax loogu uruuriyo”.
Xafladan ahayd xuska ayaa waxa kale oo hadalo kala duwan oo ay ku muujinayaa shucuurtooda ka jeediyey halkaasi gudoomiyayaasha Urarada bulshada ee DANGARAD, HALGAN, MURUQ & MASKAX, SANDAY, ILWAAD, iyo qaar kale oo badan kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Caasha Hinda oo aad ugu dheeraatay xornimadii Somaliland iyo Faadumo Cali oo sheegtay in loo baahanayahay in la ilaaliyo jiritaanka Somaliland, ururadaasi dhamaan waxay soo bandhigeen astaano ay ku muujinayaan qaranaimada iyo jiritaanka Somaliland siday muqadaska u tahay dhinaca kale Dawlada Hoose ama Golaha Deegaanka Berbera oo maayarku horkacayo ayaa soo sameeyey garamaan ay ku xardhanyihiin Somaliland waa muqadas sidoo kalena uu ku sawiranyahay calanka Somaliland.
Somaliweyn Media Center (SMC) Hargeysa
pictures
http://www.somaliweyn.com/pages/news/Ma ... may25.html
Magaalada Berbera oo si weyn looga xusay munaasibada 18 May
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 841 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 1 Replies
- 580 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 420 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 489 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 2 Replies
- 528 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 0 Replies
- 741 Views
-
Last post by daba_gaale
-
- 1 Replies
- 1008 Views
-
Last post by quark
-
- 2 Replies
- 623 Views
-
Last post by theyuusuf143