http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=7353
http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=7353
Dhaqtarkii ugu waynaa Puntalnd iyo Somaliland oo laga dhisay Buuhoodle oo lasoo
(Radio WidhWidh Buhoodle}27.5-7Isbitaalkii ugu waynaa Gobolada Puntland oo mudo dhismihiisu ka socday Magaalada Buuhoodle ayaa dhismihisii lasoo afmeeray Isbitaalkan ayaa waxaa Maalgashaday mid kamid ah dhalinyada u dhalatay Deegaanka SSC oo Qurba joog ah . Daawo Sawirada
Dhakhtarkan oo ah kan ugu weyn Gobolada Puntland ayaa ku fadhiya dhul dhan 800 Mitir, waxaanu ka kooban yahay Qaybo badan oo kala gedisan.
Qaybta Bukaan jiifka Raga (Male ward) ayaa ka kooban Labo qaybood oo midkiiba yahay 36 qol. Qabta Labaad ayaa ah Bukaanka Dumarka ( Female ward) oo isna ka kooban intaas in le'eg.
Waxaa kale oo iyana ka mid ah Qaybta Umulaha (Delivery Room) oo isna ka kooban 18 Qol, iyo Qaybta Qaliinka ( Operation theater) iyo Qaybta Daawoda (Pharmacy) Intaa waxaa dheer Qaybta Raajada ( X-ray ) iyo Qaybta ama Qolka Maydka.
Intaas waxaa raaca qayb kale oo aad u balaadhan oo ah qaybta Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka iyo Masaajid wayn oo loogu talagalay Salaada iyo Ciibaadaysiga iyo Qaybta Gargaarka deg deg ah ( Emergency Room)
Waxaa iyana jira Ceel Riiga oo hada laga bilaabayo Dhakhtarka dhexdiisa si aanay ugu dhicin baahi biyood Isbitaalka oo sida Masuuliyiintu sheegeen isticmaali doona biyo badan, khaasatan xaga Nadaafadda.
Mashruucan oo uu ku baxay Dhaqaale badan . ayaa noqday mid soo jiita indhaha beesha Caalamka iyo Dadka u dhashay gobolka si ay u maal gashadaan Dhulkooda hooyo.
Mar aan dhawaan booqasho ku tegay Isbitaalka ayaan wax ka waydiyay Masuul ka tirsan Shirkadii dhistay Isbitaalka, waxaanu ii sheegay in ay hada hawshii dhisme ee isbitaalku dhamaatay wixii kale ee lasugaana yahay keenista qalabkii iyo agabkii caafimaad ee loogu talagalay dhakhtarka iyo weliba dhakaatiirtii .
Dhanka qalabaynta Isbitalka ayaa la ii sheegay in la keeni doono qalab casri ah iyo dhaqaatiir heer Caalami ah, ugu danbayn bisha jun ee fooda inagu soo haysa uuna Isbitaalani noqon doono Isbitaal u shaqeeya si caalami ah.
Mar aan la kulmay Masuul ka Saamigan iskaleh Dhismaha Isbitaalkan ayuu ii sheegay in uu qorshuhu yahay in uu marka hore daboolo Baahida Bukaan ee Gobolka iyo Kilinka Shanaad ee Itoobiya oo ay deris yihiin iyo Goblolada kale ee Puntland iyo S/land.
Marka ay isbitaalkan u dhamaadaan Guud ahaan agabka shaqo iyo Dhaqaatiirtu waxaa hubaal ah in ay wax wayni iska bedeli doonaan Xaga Caafimaadka Gobolka Cayn iyo Gobolada ku hareeraysan.
Mar aan wax ka waydiiyay Dadka reer Buuhoodle Aragtidooda ku aadan Dhaqtarkan waxaa uu qof kastaaba kuu sheegayaa in uu si gaar ah ugu faraxsan yahay dhismaha Dhakhtarkan, uuna ka mid yahay wax yaalaha ugu mudan ee Gobolku u baahnaa.
cabdirisaq sanyare buuhoodle Radio WidhWidh Online
Dhaqtarkii ugu waynaa PL iyo SL oo laga dhisay BuHoDLe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 559 Views
-
Last post by Hotguyy
-
- 9 Replies
- 672 Views
-
Last post by snoop12
-
- 0 Replies
- 254 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 261 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 550 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 27 Replies
- 2016 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 5 Replies
- 10921 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 7 Replies
- 1082 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 1 Replies
- 405 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 0 Replies
- 672 Views
-
Last post by Murax