Dilalka ay Itoobiyaanku u geystaan dadka rayidka ah oo soo b

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dilalka ay Itoobiyaanku u geystaan dadka rayidka ah oo soo b

Post by Hiiraan boy »

Waxaa isa soo tarayay todobaadkii ugu dambeeyey dilalka ay ciidamada Itoobiyaanka ah u geysnayaan dadka rayidka ah, gaar ahaana kuwa xaafada Ex. Kontorol Balcad, degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho oo ay ku leeyihiin fariisinka ugu weyn.

Habeenkii xalay ayaa waxay ciidamada Itoobiya dileen nin rayid ah isla markaana wadaad ahaa, kaasoo xilliga salaada subixii ku sii jeeday Masaajid ku yaala meel ku dhow Ex. Warshadii Baastada, iyadoo ciidamada inta ay qabteen kadibna toogtay.

Dilka wadaadkan ayaa yimid sida ay sheegeen dadka degaankaasi Ex. Kontorol kadib markii uu soo maray wado ku dhow halka ay degan yihiin ciidamada Itoobiyaanka, taasoo ay dhigeen Astaamo gud-guduudan kuwaasoo cidii soo marta ay dilaan dadkuna ay aad u yaqaanaan, balse la sheegay in wadaadkaasi uu arki waayay calaamadahaasi.

Dhinaca kale, shalay ayay aheyd markii labo ruux oo rayid ah ay ciidamada Booliska dowladdu ka qaadeen isla goobta xalay lagu dilay ninka rayidka ah, iyadoo ay toogteen ciidamadaasi Itoobiya kadib markii lala beegsaday qarax fariisinkooda Ex. Warshadii Baastada.


Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”