Goor maqrib ah ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo bartamaheeda dhex marayay labo dhalinyaro oo saaxiibbo ah oo dadka magaalada dagan ka mid ah, iyagoo sheekeysanaya sheekaduna meel fiican u marayso ayaa aadaankii salaadda maqrib lagu dhuftay. "Allaahu Akbar Allaahu Akbar......................................
Markii mu'addinku marayo {XAYA CALA SALAAT XAYA CALAL FALAAX} ayaa mid labadoodii ka mid ah weydiiyay kii kale:
"War heedhe Cali Salaad garanaye, waa nin reer Khalaf'e, Cali Falaax kumuu ahaa?"
Kii kalaa ku jawaabay; " War amuu Hawiye yahay, iyagaa Fallaax iyo waxaan la aqoon la bixi jiraye."
AFKA DAY



