Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, kuna biiray Isbahaysiga cusub ee lagu dhisay dalka Eriteria

Mogadishu, Arbaco, June 20, 2007

Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaaarinta ee DFKMGS, Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa”, ayaa si kulul u beeniyey Warar maalmahan soo baxayey o lagu sheegay inuu ka goostay Dowladda Fdederalka, kuna biiray Isbahaysiga ay xubnihii Golaha Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaanaddii laga eryey Barlamaanka Federalka ku asaaseen Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.

Prof. Ismaaciil Buubaa, oo ay Idaacadda Somaliweyn xalay wareysatay isagoo ku sugan Magaalladda Nairobi, waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin Wararka ay Warbaahinta Caalamka qaarkood iyo kuwa Soomaalida ku sheegeen inuu ka goostay DFKMGS, kadib, markii laga qaaday Xilkii Wasiirka Arrimaha dibedda ee uu horey u hayn jirey.

“Isbedelka Dowladda, waa mid caadi ah, waana ku qanacsanahay Xilka Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta, oo ah Xil qiimo weyn ku fadhiya, isla markaana muhiimad ballaaran u leh Xilligan adag ee la marayo” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Buubaa, oo wax laga weydiiyey inuu aad uga xun yahay Wasaaradda loo dhiibay.

Mar wax laga weydiiyey waxa ka jira Wararka sheegayo inuu xiriir-hoosaad la yeeshay Xubnihii GMIS iyo Xildhibaanaddii laga saaray Barlamaanka Federalka ee la magaca-baxay Barlamaanka Xorta ah, waxa uu gaashaanka ku dhuftay inuu wax xiriir ah la sameeyey Kooxda lsbahaysiga Asmara, ee mucaaradka ku ah Dowladda Federalka, isagoo tilmaamay inuusan marnaba ku naalloonin Han-siyaasadeed noocaasi oo kale ah.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu ku eedeeyey inay xubno ka tirsan DFKMGS oo uusan magacaabin inay ka dambeeyeen hadalladda Borobogaandada ee lagu sheegay inuu isagu ku biiray Isbahaysiga Asmara, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu dhawaan ku soo laaban doono magaaladda Muqdishu, inakstoo uusan sheegin in Sharciga la tiigsan doono xubnaha uu ku sheegay inay isaga ka been-abuurteen.

Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta ee DFKMGS, Prof. Buubaa, oo muddooyinkan ku sugnaa Magaalladda Nairobi, ayaa Wareysigiisa ku sheegay inuu Hawl-qaran u joogo Nairobi, isla markaana uu Madax ka tirsan Hay’adaha QM iyo kuwa Caalamiga la kulmay, oo uu kala hadlay sidii ay Hay’adahaasi gacan uga geysan lahaayeen Horumarinta Waxbarashadda ee dalka Somalia.

Md. Ismaaciil Buubaa, oo ah Siyaasi ka soo jeeda Beelaha degga Goballadda Waqooyiga-galbeed ee dalka Somalia, ayaa waxa uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda ka soo kala qabtay Dowladdii TNG ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan iyo Dowladda TFG ee Madaxweyne C/llaahi Yusuuf Axmed, inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi xilkaas ka qaaday dhow bilood ka hor.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by DR-YALAXOOW »

buubaa IDIOTKA muu HARGEYSA isaga goosto yiraahdo jamhuuriyada somaliland waa muqadas. ma dhargo miyaa tuuga..

wali lacag uu xado ayuu raadinayaa. dawladii cabdiqasim lacag baddan ayuu ka xadey. ka dibna wuxuu ka qeyb qaatey xasuuuqii axmaarada ay xasuuqdey shacabka xamar. ka dibna waa la eryey.

hadana wali wax kale ayuu raadinayaa qaldaanka bantuuga u eg Confused Confused
*Arabman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2297
Joined: Fri May 04, 2007 2:17 pm

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by *Arabman »

Buubaa reminds me of John Kerry; flip flopper.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by The_Emperior5 »

buuba wa nacas waxa la ga dhigay wasiierka wax barashada
xilkii walaga qaaday

yuu wax barayaa ma meydka Laughing
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by The_Emperior5 »

hore baa loo yidhi ninku caqli xuma ma ciidangalla
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

warye he's a professor Confused

and ur mom is ciidagale so what are u sayin?
BERBERAWI
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 396
Joined: Tue Mar 23, 2004 7:00 pm
Location: Somaliland and muuse cabdale lad

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by BERBERAWI »

Oi dunt say anythink abt ciidagale, lol they are garxajis, remember the strong man faysal cali waraabe is ciidagale, if he wins the election he is gonna build a barrier wall
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by The_Emperior5 »

sxb dee anigu dee hooyaday ku ma aabtiirsado any way ninku waa iska nooc kalle dee

yuuu wax barayaa ma meydka mogadisho yaala Laughing Laughing Laughing
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Prof. Ismaaciil Buubaa oo beeniyey inuu DFKMGS ka goostay, k

Post by Executive »

[quote="BERBERAWI"] if he wins the election he is gonna build a barrier wall [/quote]

Talk is cheap. He won't survive and we will not allow that to happen. Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”