Dhaawacyada Askar Ethiopian ah oo xalayto ku dhaawacantay Is

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dhaawacyada Askar Ethiopian ah oo xalayto ku dhaawacantay Is

Post by Hiiraan boy »

Ilo Wareedyo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay xaqiijiyeen in tiro ka tirsan Askarta Ciidamada Ethiopia oo dhaawac ah ayaa loo duuliyay Magaalada Addis Ababa.

Askartan ayaa la tilmaamay in ay ku dhaawacmeen Isku dhacii Xooganaa ee xalay ka dhacay Xaafada Ex Ctrl Balcad, halkaasoo ay isaga horyimaadaan Kooxo aan la garaneyn oo soo weeraray Xerada ay ku jireen ee Warshadii Paastada.

Warka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa 4 ruux oo dhaawacooda aad halis u ahaa laga qaaday Garoonka, kuwaasoo loola cararay Magaalada Addis Ababa.

Xalay ayaa mar kale Magaalada Muqdisho u aheyd habeen argagax iyo naxdin lahaa kadib markii dagaal socday saacado uu ka dhacay inta ku teedsan Wadada Warshadaha oo fariisimaha ku leeyihiin Ciidamada Ethiopia.

Qoriga Baasuukaha, rasaasta fud fudud iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa ahaa kuwo xalay wheel u noqotay Magaalada.

Dadka ku dhaqan Xaafada Ex Ctrl Balcad ayaa sheegaya in ay dib usoo xasuusteen Dagaaladii April ee aad u qaraaraa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”