Thread:Dagaalkii Xoreynta Eritrea 1961-1991.........

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Wiil_Soomaali
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 282
Joined: Wed Mar 07, 2007 4:46 pm
Location: Fighting Somalias enemy

Thread:Dagaalkii Xoreynta Eritrea 1961-1991.........

Post by Wiil_Soomaali »

Asalaamu calaikum.


Dagaalkii Xureynta Eritrea 1961-1991

Maalintii 1.september 1961 buuraha Adar oo ku yaala dhanaka galbeed qeybta dhulka kore (highlands) ,Galbeedka Eritrea kor ilaa Sudan ku aadan oo waxaa isku aruursaday koox yar oo qalab hub xun iyo baangada,falaaro iyo wax la mid ah ayaa waxey weerar ku qaadeen xarun boolis oy ku dileen tiro yar oo boolis ah oo badankood Ethiopian ahaay ,waxayna islameesha ka boobeen wixii keed oo hub ahaay yiilay..Waa halkaas meesha dagaalka dheer oo qaraar una dhexeeya Etoobiya iyo shacabha Eriteriya oo rabay Xurnimo iyo madax baaani..Laakiin taas ka hor ayaa dad ku nolol beeleen markii boqor Xaile Selaassi mamnuucay Ururka Shaqaalaha, oo ay dadka ku dhaqan Eritriya xeer soo jireen ah u lahaayeen ,iyo waliba dadka Etoobiya.Taasi wexey dhalisay fowdo iyo banaanbaxyo xoogan oo Xaile salaaiise gacan saaray dad badana ku laayay.Qiyaas 230 qof ayaa bil gudaheed booliska Etoobiyaanka ku dileen halkaas intii mudaaharaadka socday,wuxuuna mudaaharadyadaas xoogan iyo xasuuqaba ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Eriteriya.Tan wexey shacabka ku dhalisay oo ogeysiiisay inee yihiin wadan la heysto oo gumeesi ku jira,waliba ey hoos joogaan gumeesta xun oo arxan iyo naxariis midna u heyn.Gumeesigaas oo hogaanka u haayay nin waqtigiisa dhalinyarada uu ahaay ku caan baxay arxan daro iyo xaasidnimo (ruthless),markaas ayey shacabka isku dayeen in ey si nabad ah uga badbaadaan intii ey dad muslimiin ah ku howl jireen aasaaska ururka jabhada ELF ayagoo ku sugan Qairo ,dhulka Egypt sanadka markuu ahaay 1960.ELF oo ah -Eritrea Liberation Front oo ahaay urur hubeysan oo islaanimo ka muuqato. 1. september 1960 waxaa dhacay manaan bax ardayda qabatay oo ka dhacay magaalada madaxda ,Asmara.80 wiil dhaliyara arday ah ayaa lagu xasuuqay meesha ,waxaana geestay Etoobiya oo markaa wadanka xoog ku haysata ,kana talineysa.

Qabsashadii iyo La wareegii Eriteriya 13.-14.september 1962:

UN, qaramada Midoobay arinta wax uu ka qabtay haba yaraatee ma jirto,wuxuuna ka soo qaaday la wareegay normal ah oo ah wax Etoobiya horay u laheyd,laakiin waxeysa ogeyn meeshaa arintaan ku dambeyn doonto oo u horseedi doonto dagaalo iyo masiibo soco doonto 30ka sano ee soo socota..Ayadoo maamulka eritriya afduub lagu heesto,dil iyo handadaad joogta ah ,dabaabaad iyo kaara la hor dhigay shir walba oo u socday "ismaamulka"iyo waliba askar lagu hareereeyay.(waa mida maanta Moqdisho taagan, dowlad qori caaradiis madax looga haayo,wax walbana qasab iyo xoog ku saxiixayso).Masuuliyiintii shacabka Eriteriya soo dooratay maxaabiis ayaey noqdeen oo xitaa markey barlamaanka isugu imaadaan askar Etoobiyaan ah ayaa ku hareersaneed,oo dad madax banaan ma eheyn ,cabsi iyo argagax ayaa wehliyay.Masuuliyiintaas ayaa waxay saxiixeen in Eritriya lagu daro Etoobiya oo ay noqoto 14 . province ,gobalka 14aad taariiqda markey aheyd 13. september 1962 ,isla markaan ku dhawaaqeen in eey ka tana suleen wixii xaqauuqa ahaay oo ku saabsanaay Federation oo UN,Qaramada Midoobay siisay sanadka markuu ahaay 1952. Markii la maqlay warkaas maalintii ku xigatay oo dad weenahay gaaray ,waxaa dhacday caro Asmara oo waxaa isku soo baxay 50.000 oo shacab ah ,kuna dhaaqaajiyay dhanka baarlamaanka ayagoo ka careysan goaanka wadankood lagu dhacay.Waxa ey la kulmeen waxay noqatay xasuuq iyo xabad loo kal yeelin oo lala dhacay,waxaa si arxan daro ah u laayay dadkaas mudaaharaadaayay ciidanka Etoobiya...Qiyaas waxaa ku dhintay dadk ilaa 1000 gaaraya ,4000 wey ku dhaawacmantay halkaas.Xasuuqaas Asmara ka dhacay wuxuu bilaaw iyo horseed u noqday in qoomiyad walba oo Eriteriya ku nool ku kacdo oo la dagaalanto gumeesiga Etoobiya.

1961-1969:

ELF waxey kordhisay ciidamadooda xaqudirrirka 400 ilaa 2800 oo rag ah ,dhanka laanta siyasada ELF ayagoo wax tababar fiican heysan oo waliba dadka Kirishtanka Ereteriyaanka u arkaan ELF qatar ama dhib ka daran gumeesiga ciidamada Etoobiyaanka oo u dhaqmo si shufta iyo tuuganimo ah, ayaa waxaa dagaalka ELF ku ekaaday kaliya qeybta xuduuda Sudan.Laakiin 1967 ayaa ELF waxey ku darsamtay gobalka Tessenei ee koonfur-galbeed dhulka kore (highlands) ka dib markii ay qabsadeen magaalo yar,Karora, waa markaa marka Etoobiya bilaabeyso ineee fuliso "sweeps" ama "xaaqitaan" oo ku saleysnaay guryaha oo la baarodadka deegaanka oo la koontoroolo iyo raadinta jabhada -laakiin dishibiliinka iyo edebta ciidanka etoobiyaanka oo aad u xun ayaa bur bur ba an geestay oo wax faaiidaa keenin.60 tuulo ayey cagta mariyeen ,badankoodmna gubeeninta u dhaxeesay 1967-1968.Ilaa iyo markii la joogay 1969 waxaa ku naf waayay dad gaaraya 3200 dagaalka,laakiin ELF ayaa tageeraha ey heleyso baato ,oo xitaa kirishtanka ayaa bilaabay inee taageeraan oo nacay "ciidamada amaanka Etoobiya.

Dhacdadii Keren 16 .desember 1970 ilaa feebaraayo 1971:

Waa markii ugu horeysay uu aduunka arko dhibaatada Eritrea ka taagan markii diyaaradaha dagaalka ee Etoobiya ,oo u badnaay nuuca NATO ,sida F-84ada aa si argagax leh u duqeeyeen ,tuulooyin ,dagmooyin ka tirsan Keren iyo beero ku yaala dhulkaas ,duqeynta oo maalmo socotay oo aheyd aargoosi cad ,sababta ELF oo dishay jeneral iyo korneelo ku sugnaay Keren,kuwaa oo weere bambo la qorsheeyay lagu qaaday.. Aamarka Xaile salaasie waxaa lagu dilay 400-500 oo qof .Duqeynta ka bacdi ayey ciidamada lugta ee Etoobiya bilaabeen inee "sifeeyaan" taas oo bara kicisay 23.000 dad ah,hoy la aana dhigtay qaxna galisay..3800 oo la qafaashay ,iyo 1500-1600 na ladilay intuu iska hor imaadka socday,xasuuq ba'an ayaa ka dhacay.

Waxaa dhacday isla waqtigaas in kirishtanka eriteriyaanka ka baxaan jabhada ELF oo islaanimo ku dhisan badankeed ,sabata wexey arkeen dagaalyanada qaar EPLF oo ku xad gudbay dad kirishtanan iyo socialist ah ,kuna dhsan urur ka muuqato diin la aan (atheist) oo soo jiidanaayo dadka kirishtanka ah ,markaas la aasaasay looguna maggac daray EPLF (Eritrean People Liberation Front)markaasna taageera ka weyn helay midka ELF,gaar ahaan magaalooyinka waawyn..Ka dib waxaa bilaawday waqti jah wareer kaasoo oo ELF iyo EPLF isku dhaceen dagaalana dhax maray ilaa iyo feebaraayo 1972, intaasna ciidan gaaray ilaa 23.000 ayaa saldhig ka sameestay dhulkakore..1973 markey aheyd waxaa jiray 9.000 ciidan oo ELF ah,iyo 8.600 oo TPLF ah.

The battle of Sabel 1973

desember 1973 ayaa EPLF waxaa u suurta gashay dagaal qaraar oo 16 maalin socday ka bacdi ee ka qeyb qaateen 3000 oo rag in ey qabsadaan magaalada Sahel kadibne cagta mariyaan 2 kolonno militari ah oo isku dayay in ey magaalada dib u qabsadaan ,laakii EPLF oo isticmaaleysay taktik her saraa , oo ku saabsan in kollonad ciidanka Etoobiyaanka la hareereeyo oo O la galiyo jidka ayagoo maraayo,lana qybiyo markaana loo xasuugo gabigood qeyb qeyb. .3800 Etoobiyaan ayaa dib loo riixay lagan dilay 700 ilaa 900 ,waxaa na laga burburiyay 41 gaari oo xamuul ah ; 150 ilaa 200 EPLF ayaa halkaas ku naf waayay.

Intii EPLF xogeysaneysay tar maalinba maalin oo xitaa taageera Soviet heshay bilaawgii,waxaa yimid is badal weyn oo ku dhacay wadanka Etoobiya.Xaile salaasie ayaa dadkii naceen oo gasoo horjeesteen,waa shacabka Etoobiya kadib abaartii iyo gaajadii ka dhacday gobalka Wollo 1973-1974 oo ey ku dheinteen dad gaaraya 100.000-ilaa 200.000,. Shidaal laaan (oil crise) 1973 iyo dhaqaala daro ayaa ciidankii Etoobiya soo wajahday oo ku qasabtay inee af gambiyaan ,taariiqda markey aheyd 28.juni 1974. Gudigga cusub oo loo yaqaanay "Dergen" kana koobnaay 126 jeneral ayaa ka tuuray xukunka boqorka kaligii taliya ahaayoo galiyay xabsi guri markaana bilaabay siyaad qaab darn oo ku saleysaan quwad raadis ,qiyaamo badan,nin ninka kala dilaayay.Waxaa bilaawday waqtigii ugu mugdisanaa taariiqda Etoobiya...........

waa sii soco doontaa Insha Allah.......
User avatar
Wiil_Soomaali
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 282
Joined: Wed Mar 07, 2007 4:46 pm
Location: Fighting Somalias enemy

Re: Thread:Dagaalkii Xoreynta Eritrea 1961-1991.........

Post by Wiil_Soomaali »

Culeys ka yimid dhanka shacabka Eritrea ayaa wuxuu sababay in ELF iyo EPLF joojiyaan colaada dhax taala iyo dagaalka sokeeye oo socotay mudo 3 sano ,sabatayna dhimasha gaareysa kadi taariqda 21. feebaraayo 1975,mida kale ciidanka Etoobiya ayaa kor dhiyay "sweeps" oo socday mudo gaareysa 5 bilood kna dhacay Keren ,Afababet;barentu oo ay ka qey qaateen ilaa 18.000 oo askar Etoobiyaan ah.ELF iyo waxay jareen oo hoos u dhigeen tiradaas ilaa 2500 oo ay dileen.

Qasuuqii ka dhacay Omhager 1.august 1975:

Koox ciidan kor meer oo Etoobiyaan ah oo gobolka kusugnaay kuna aadan xuduuda wabiga koonfur-galbeed Eretria ayaa galay tuulada aygaoo bilaa saba .bilaabayna inee gubeen guryaha ,dadkana xasuuqaan ,kufsi ,dhac kadibna bara kiciyeen 450 ilaa 450 markey dileen 250 shicib ah ,taas oo noqotay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu xumay inta dagaalka socday..Tass waxaa sabab u ahaay ciiliyo jab ka soo gaaray kadib markii ugu dambeyn EPLF iyo ELF ayaguu taageera balaaran shacabka ka helaya weerar weerea kculus ku qaaday,jab xoogana u geystay ciidanada gumeesiga.

"The first battle of Asmara" 25. january 1975-juliy 1978.

Asmara oo qeyb jabhada hareereysay ka bilaaw 25. janaayo 1975 markii EPLF iyo ELF si wada jireen ah u qabsadeen hareeraha magaalada markaana jaray wax alla wixii jid ah ,intaa ka eheyn jidka Asmara-Massawa iyo Asmara-Ethiopia oo furnaay,isla waqtigaas waxaa jiray rabsho siyaasadeed , xasilnooni daro iyo aragagax ayaa wuxuu sababay barakac balaaran oo ka dhacaayay magaalooyinka waaweyn ,halkaas oo ey oo dganaayeen boqolaal kun rayid ah..100 ayaa ku dhimatay ,50.000 wexy u qaxeen qeybta EPLF/ELF.

May 1976 xukuumada Deg ayaa wexey bilaawday inee ku soo dhawaato socialsm ,waxeyna bilaabeen ,.Gaardisskii Beeraleyda Koowaad",oo ka kooban 4000 oo xoog lagu soo galiyay ciidanka ,beeraleey qoryo iyo hub loo qeebiyay looguna tala galay inee nadiifiyaan jidka dheer ee Asmara_Ethiopia isku xira..3000 ilaa 4000 ayaa laga xasuuqay ,jabhada ayaa badanaa dishay kuwa gadaal u laabtana waxaa laayay ciidanka Etoobiyaanka oo militariga saxda ah.

"Gaaardiskii Labadd ee Beerafalatada" kuna wajahnaay Dekamhare kana koobnaay 58.000 oo xoog lagu soo qafaalay si dagaalka loo galiyo ayaa wexey noqotey masiibadii ugu xumeed ee Etoobiya soo marta,taariiqda May 1977 ,markii ey beeraleydaas oo hubeysan galeen Eritrea kana soo galeen dhanka koonfurta oo gaareen Dekamhare sida ey jidaka jabhada qabsatay u faraan mar labaad..Waxaa dhaxaay xasuuq xad leheyn oo laga yaabo inuu ahaay kan ugu darnaay dagaalka 30ka sana socday,25-35.000 ayaala bireeyay inkastoo kumnaan isku dhiibeen EPLF/ELF.."Gaardiska Beeraleyda" oo dhan wuxuu socday 2 sitimaan.

7 july 1977 xoogaga EPLF waxaa u suurta gashay iney jaraan iney jaraan xiriika Asmara-Ethiopia ,marka ey qabsadeen meesha istaraateejiyada eheyd ee Dekamhare weerar ey ka soo qaadeen dhanka koonfurta-dhexe oo dhulka sare ,kadib markii Nakfa la qabsaday (gadaal ayaa laga faahfaahin) . Dhow sitimaan kadib ayaa Derg weerer culus qaaday oo ka kooban 10.000 ciidan oo Asmara ka ruqaansaday,laakiin dib ayaa loo soo dharbaaxay ,14 kaare ayaa laga gubay 1200 waa laga dilay.Hadda 35.000 ciidan Etoobiyaan ayaa go'doon galay asmara gudaheeda oo hal jid kaliya u furanyahay ,kaas oo ah dhanka waqooyo ee Massawa ,jidkaas oo wareera kala goeeyn ka socdaan.

20 oktober 1977 ayaa kolonyo ciidan Etoobiyaan ah oo 350 gawaari tikniko iyo xamuul isugu jira wata ayaa wexey galeen jidka wey o higwayga eh ,9000 rag iyo dhowr taangi ayey xitaa waten,markaa ayaa jidka loo galay waxaana ka qeybqaatay 4000 oo ciidan EPLF ah oo 3 bari gudahood ku xasuuqay kuna tirtiray ciidankaas ,ayagoo is ticmaalooyo taktikta "motti" loo yaqaano aan kor ku soo sheegnay.(kolnyada oo la go'doominaayo,markaa lakala qeebinaayao,qeyb qey loo tirtiraayo)waxaa halkaa ka dhacaay wax aan qarnigii lasoo dhaafay la arkin--300 fighters(magaca dagaalyanada eritreanka isuu yeeraan)ayaa la xajiijiyay in ku dhinteen,iyo 3000 etoobbiyaan ayyaa 3da bari lagu dilay,3000-4000 maxaabiis ayaa loo qabtay oo loo gudbiyay dhanka Sudan ey sugayeen ilaa 1991 inta laga sii deynayo..Hadda jidka Asmara-Massawa si sax ayuu u xirmayoo waxee qaatdatay dhowr bilood intii Asmara gurmad usoo gaaray markii ey EPLF/TPL dib u gurteen taariiqdii july 1978.

Dagaalkii Nakfa iyo Naro 17. november 1976- 22 mars 1977:

2300 ciidanka EPLF ayaa wexey weerareen magaalada israateejitada muhiimka ah ee oo surta galineysa in ey jid u furto kuli gobolada dhexe eedhulka sare si ey isugu fidiyaan konfur ,ayagoo ka imaanayay dhanka waqooyi oo aheyd saldhiga EPLF ,oo waxey ku qaadatay sitimaano badan intii ey ka baabinaayeen 4 xiri ,oo garison iyo 700 oo etoobiyaan halkaas ku sugneed. intii u dhexeysay waxy ku noqotay EPLF iney dib u riixaan weerar dhanka xeebta uga yimid 24 desember 1976 oo ka koobnaay 700 nin ,caawina ka helaayay helikoptaro iyo maraakiibta dagaalka. Iska horimadkaas wuxuu ka mid ahaay kuwa badan oo mudo 5 bilood gudahood ku dhaxmaray jabhada iyo etoobiyaan,oo add liigu wiiqmay,800 EPLF/ELF iyo 1300 ayaa ku dhimatay, isla markan dhowr gurmad ayaa lagu jabiayay.

14 diyaardo ,oo Mareykan iyo Soviet ah (Soviet wexey hadiyad "saaxiibtinimo" oo ka kooban MiG-21 iyo Mig-21 Etoobiya usiisay)ayaa waxaa soo roodiya ciidamada difaaca cirka ee EPLF oo wacdi dhigay ,xirfad iyo farsamo.Waa markaas markey EPLF heleen kaarayaashoodii ugu horeeyay ..Wax yar Nakfa ka dib gobalada dhexe ee dhulka sare waxaa la wareegay xoogaga xaq u dirirka Eritrea ,xarun ka xuran sida ey u qabsanaayeen,magaalo ka magaal gacanta ayeey u gashay.

Dagaalkii Afabet 30. maarso -6.april 1977:

2000 ciidanka xaq u dirika Eritrea ayaa wexey qabsadeen magaalada weyn ee ku taala jidka taga Asmara ,dagaal socday 8 maamood oo ay 250 ciidan etoobiyaan lagu dilay,215 looga qabsaday; 20 fighers eritrean kalya uga dhinteen isku dhacaas.

Dagaalkii Ansaba 2. April 1977:

800 ciidanka etoobiya ee qalabka sida ahan ayaa wexey isku dayeen in ey celiyaan weerar ELF/ELf ah oo ka dhacay waxey la kumeen xasuuq baan ,halkkas oo 280 eritrean iyo 500 ku dhinteen.labada dhinacba wexaa ka baabaay 2/3 isku dhacyadii ugu xumaay isku dhacaan.Wali qolof diyaaradii la soo riday barigaa ayaa taala goobta dagaalka.

Dagaalkii Tessenei april-may 1977:

ELF ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay magaaladaas marki ee dagaal xoogan sitimaano socday oo ay ku naf waayeen 500 ilaa 800 kabadan ku dhawacmeen..


sii socod Insha Allah.......
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: Thread:Dagaalkii Xoreynta Eritrea 1961-1991.........

Post by adanboy »

wow.where did you get all that info from??are you writing by yourself?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”