Maamulka Cusub ee Degmada Qoryaale oo Xilkii La Wareegay
Xaflad Balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose Degmada Qoryaalae ayaa waxaa ka soo qayb galay Odayaasha Degamada iyo Xoghayaha Fulinta Gobalka Togdheer Max’d C/raxmaan Xaaji Xasan xafladaas oo Xil wareejinteeda ay ka hadleen labada Gudoomiye ee Xilka la kala wareegeyey, ugu horeyn waxaa ka hadlay Gudoomiyihii Hore Xasan Maxamuud Maxamed oo isagoo sheegay in Dadweynaha Deegaanka Si fiican ula shaqeeyeen waqtigii uu xilka hayey iyo Shaqaalaha Maamulka Degmadaba.
Duqii Hore Degmada Qoryaale mar uu ka hadlay waxqabadkiisa intii uu xilka hayey waxaanu ku guulaysanay in aanu dhisano Xarunta Dawlada Hoose Qoryaale iyo isku xidhka Tuulooyinka Degmada Hoose Yimaada, Degmada intaan joogay waxaa soo degay laba hayadood oo wax ka qabtay dibu dhiska Berkada iyo ilaalinta Caafimaadka labadaas hayadood oo kala ah Havayoco, Swiss Group, dhinaca Xukuumada Si fiican ayuu noola shaqeeyey manta waxaa qalbi furan ah ugu wareejinayaa Gudoomiyaha Cusub waxaana u sheegayaa in hawsha Degmada ay marayso Meel fiican waxaana rajaynayaa in kor ugu sii socoto.
Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Qoryaale Cali Yusuf Nuur ayaa ugu mahad naqay sida wanaagsan ee Masuulka iiga horeeyey Xafiiskan Hawshiisa u gutay waana ku mahad san yahay, Hadaan u soo noqdo Hawsha Cusub ee aan Maanta la wareegay waxaan rajaynayaa in aynu wada jir u qabano hadaanu nahay Dadka Deegaanka Degmada Qoryaale, waxaana Samayn Doonaa Barnaamij Siyaasadeed oo cad oo aynu ku wada socona Shicib iyo Dawladba.
Xoghayaha Fulinta Gobalka Togdheer Maxamed C/raxmaan Xaaji Xasan oo goob joog ahaa xaflada xil wareejinta ayaa isku sheegay in dawlada dhexe u soo gudbiso Kabka Miisaaniyada Degmooyinka taas oo waxba ku baaqan Xukuumada, waxaamn idiin sheegayaa in Reer Qoryaalaw aad idinku gacmaha is qabsataan oo aad wada shaqaysaan.
Bishii Hore Badhtameheedii ayaa la soo Magaacabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada iyadoo ay jiraan in Dadweynaha Deegaan ay mar Walba isku qabtaan cidii hayn lahayd Maamulka
Degmada Qoryaale.
New Mayor for Degmada Qoryaale !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 614 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 772 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 9 Replies
- 839 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 9253 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 1002 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 443 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 0 Replies
- 493 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 319 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 5 Replies
- 1349 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 46 Replies
- 7282 Views
-
Last post by FarhanYare