Ethiopian atrocity in Ogaden;torturing pregnant somali women

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Ethiopian atrocity in Ogaden;torturing pregnant somali women

Post by adanboy »

elder and children in Dhagaxbuur region..A whole village is massacred Mad

Ciidamada Tigreegga oo Xasuuq ba'an u gaystay dadkii degganaa Tuulada Higlaley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur.

KismaayoNews:Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay xasuuq ba'an u gaysteen dadkii degganaa Tuulada Higlaley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur, Ciidamda Itoobiya ayaa dadkii tuuladaas degganaa ugaystay Ciqaab tii ugu xumayd iyagoo waliba ugu daray xadhig dhammaan dadkii ay Jidh dishay oo u badnaa Odayaal iyo dhalinyartii tuuladaas sidoo kale waxaa ku jiray dadkaas Sad haween badan oo xitaa qaarkood ay Uur lahaayeen Maddadkan ayaa aad looga dayrinayaa xaaladooda kadib jidh dil naxariis daro oo markii horaba ay ugu gaysteen tuulada dhexdeeda.

Sidoo kale waxay Ciidamda Itoobiyaanku tuuladaas ka qaateen dhammaan wixii hub ahaa ee yiilay ee ay dadka tuuladaas dagani lahaayeen , hubkan ayaa tiro ahaan gaadhayay dhawr iyo toban qori oo u badnaa Aka 47 qoriga loo yaqaano, dhibaatadan iyo xasuuqan ayaa ah mi dhamaan shacabka dagan dhulkaas ay qabaan, waxaana uwaheliya cunaqabatay lagu soo rugay dhamaan dhulka la gumaysto ee S/galbeed , dadka reer S/galbeed ayaa ganacsigoodu waxa uu ku xidhinaa dalka Soomaaliya , gobaladiisa iyo dakadiisa kala duwan gobalada Konfurta ayaa ku dhintaa ganacsi ahaan konfurta Somaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdishi halka gobalada dhexana ay ku xedhnaayeen gobalada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dakada Boosaaso, gobaladda galbeedka ayaa iyana ku xidhanaa gobalada waqooyi galbeed gaar ahaan dakada Beerbera.

Gobaladda iyo Dagmooyinka ayayna jirin wax gaadiid ah oo ukala socda qiimaha raashinka daruuriga ah ayaa cirka isku shareeray inta badana magaalooyinka waxaa gabaabsi ku ah raashinka Daruuriga ah, Gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan ciidanka gumaysigu shacabka S/galbeed ayaa sii xoogaystay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii dhex maray Ciidamadii Maxkamadaha iyo kuwa Macatab udirirka ah ee qabsaday dalka Soomaaliya.

KismaayoNews.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”