


Ergooyinkii Somaliland Oo Soo Gaadhay Muqdisho
Jul 21, 2007 By:
Muqdisho(Jidbaale.com):-Maamulka fallaagada ee lamagac baxay Somaliland, badi dadka Soomaaliyeedna ay u yaqaaniin SNM (Soomaalida Neceb Midnimada), ayaa ku guul-daraystay in uu is-hortaago ergooyinka uga qaybgalaya shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ee ka socda magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Maamulkan oo ka arimiya gobalka Waqooyi Galbeed iyo qeybo ka mid ah gobolka Togdheer ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, ayaa hore uga dhawaajiyay in cidii ka qaybgasha shirkaas lagu qaadi doono khayaamo qaran isla markaana ay mudan doonaan xadhig.
Ergooyin ka badan 20 xubnoon ayaa maanta ka dhoofay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug iyaga oo kusii jeeeda madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya halkaasi oo ay uga sii horeeyeen in kabadan 80 xubnoon oo kasoo jeeda ismaamulka Somaliland. Haatan In ka badan 100 xubnood oo kasoo jeeda Hargaysa, Burco iyo Berbera ayaa shirka qaran ku matalaya Ismaamulka Somaliland. Waxaa hubaal ah in tani ay dhabar jab ku noqonayso Somaliland oo mar walba ku howlan kala jar jarka wadanka Soomaaliya. Sidoo kale ka qaybgalka shirkani waxa uu meesha ka saaraysa riyadii ahayd gooni isku taaga Somaliland, isaga oo isla markaana xoojinayaa midnimada wadanka iyo kan ummada Soomaaliyeed.
Shirka oo looga qaybgalayo hab-beeleed ayaa waxaa hore usii joogay ergooyin matalaya gobolada Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland ay sheegato laakiin si toos ah u hoos yimaada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale beesha dagta Gobolka Awdal ayaa iyaguna mar hore iska soo xaadiriyay madasha shirka.
Isku soo wada dooboo, Isku dayga ay Somaliland ku rabtay in ay ka hor istaagto ergooyinkan (ee suurtoobi waayay), waxa ay muujinaysaa sida ay maamulkan uga go’an tahay ka hortaga Soomaali isku timaada isla markaana uu heshiis dhex maro. Sidoo kale Maamulka Somaliland in ka badan 15 sano ayuu ku ducaysanayay in Xamar dagaal uusan ka istaagin iyaga oo burburka, dhaawaca iyo dhimashada walaalahood ku raadinayay ictiraaf siyaasadeed.
three_cs@hotmail.co.uk
Xigasho: Allsanaag.com