

Beelihii ku dagaalamay deegaanka beerxaano oo gaaray heshiis
Click here to find this article in English
Mogadishu 23, July 07 ( Sh.M.Network) Waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda beelo dhowaan dagaal uu ku dhex maray deegaanka Beer-xaano ee gobolka J/hoose ayaa maanta heshiis nabadeed ku kala sixiixday deegaanka Beer-xaano.
Kulan ay isugu yimaadeen labada dhinac oo ka dhacay maanta deegaanka Beer-xaano ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ku aadanaa sidii loo dhameyn lahaa dagaalada dhex maray beelaha Sade iyo Gaaljecel sida uu shabelle u sheegay Cabdi Baalleey oo ka mid ah siyaasiyiinta beelahaasi.
Waxa uu sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid tahay in xalay dhalay laga soo qaado dhamaan waxyaabihii horey u dhacay ee qasaara ah oo ay sababeen dagaaladii dhex maray labadani beelood, isla markaana lagu wada dhaqmo shareecada islaamka oo lagu wada xaliyo wax kasta oo khilaaf ah.
Waxa uu sheegay in heshiiska ay gaareen beelahaan gogosheeda ay dhigtey hay'adda cilmi baarista iyo wadatashiga CRD isla markaana ay isku keeneen dhamaan odayaasha iyo waxgaradka beelaha ku dagaalamay deegaanka Beerxaano.
Dagaaladii ka dhacay deegaanka Beerxaano ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac aad u baahsan.
Click here to find this article in English
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net