Hablahi Ugu Horeeyay Ee JAAMACADA BURCO Ka Qalin Jebiya...

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Hablahi Ugu Horeeyay Ee JAAMACADA BURCO Ka Qalin Jebiya...

Post by LiQaaye_TDH »

http://togdheernews.com/index.php?name= ... le&sid=524



Wasiirka k/xigeenka W/waxbarshada Somaliland Ismaaciil Muxumed Madar ayaa Maanta shahaadooyin gudoonsiiyay26Arday oo haween ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada Burco,kuwaasoo dhamaystay qaybta Tababarka Macalimiinta.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyaygudoonsiinta shahaadooyinka Ardaydaa qalinjabisay oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada burco ayaa Wasiir ku xigeenka Waxbarshadu ka cadeeyay in 26Arday ee dhamaysatay Qaybta Tababarka Macaliinta ay qaadatay Wasaaradu oo ay ka midnoqondoonaan Maclimiinta Wasaarada Waxbarshada kana hawgalidoonaan dugsiyada.




Inj.Xuseen Maxamed Xandule oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Burco oo ka hadlay Munaasibadaas ayaa tilmaamay in ay Maanta ay goobjoogka yihiin Xafladan Madaxdii Jaamacadaha Somaliland,Taasina ay muujinayso iskuxidhnaanta Bahda waxbarshadu “Waxa maanta muuqanaysaa midaysnaanta waxbarshada.”Ayuu yidhi Inj.Xandule.




Waxa Gudoomiyuhu ugu dambayntii kula dardaarmayardaydii ka qalinjabisay Jaamacada inay noqdaan kuwo u faaiideeya bulshada.

Gudoomiyaha Jaamcada Caamud Prof.Saleebaan Maxamuud Guuleed oo ka hadlay Xafladaa Qalinjabinta ayaa sheegay in Jaamacadaheenuyihiin kuwo ka dhashay aragtida shacbiga ee aanay ku iman aragti kale,Waxaanu intaas ku daray in Wadan aan la ictiraafin,oo dhaqaale badan lahayn,hadana heerkan marayaa ay tahay wax lagu faano.




Prof.Saleebaan oo la dardaarmaya ardayada qalinjabisay ayaa waxa uu yidhi “Shaqada Macalinku waa mid dhib badan oo hadana lacag badan lahayn Balse waxa uu yeeshaa Macalinku Saaxiib badan halka Siyaasigu ka yeesho Cadow badan.Ayuu yidhi.

Waxaanu ku gunaanaday hadalkiisii waxa kaliya oo hawshaa adag lagaga bixi karaa waa dadaal badan oo la sameeyo,waxaanu amaanay horumarka wanaagsan ee degdega ah ee ay ku talaabsatay Jaamacada Burco.

Axmed Jaambiir oo ka socday Jaamacada Hargaysaoo Munaasibadaa ka hadklay ayaa sheegay in Oday wayn ayaa isagoo dardaarmaya Yidhi “Waar Caafimaad haysku halaynina,Ana waxaan leeyahay Siyaasad haysku halaynina”.waxa uu intaas ku daray in Sadex dheertahay Burco dalka kuwaas oo ah Maxamuud Aadan Dheri,Maxamed Xuseen iyo Hadraawi.

Dr.Siciid Axmed Xasan oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Golis ayaa si weyn uga hadlay faaidada ay leedahay aqoontu ,tahayna waxa kaliya ee qofku isku halayn karo “Nin faash sitaa ma waayo Xaabo,Nin Waxbarsho sitaana waxba ma waayo”Ayuu yidhi Dr.Siciid.

Gudoomiyaha Gudiga Jaamacada Burco Maxamuud Aadan Dheri ayaa isaguna goobtaa ka xusay in Jaamacadaha Caamud iyo Hargaysi ay gacan weyn siiyeen Jaamacada Burco kuwaasoo naga horeeyay,anaguna aanu gacansiinay Jaamacada Golis oo aanu ka horaynay.

Waxa MaxamuudMunaasibadaas Shahaadooyin ka gudoonsiiyay Shirkada Dahabshiil oo uu sheegay inay lacagtii u horaysay ee ay ku bilaabeen siiyeen,sanadwalbana siiyaan Lacag,Wasirka waxbarashada Somaliland Md.Xasan gadhweyne,Candlelight,iyo Wsaarda H/Reermiyiga ee Burco.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi) ayaa isaguna tilamaamay in Maclinka looga baahan yahay inuu ku sifoobomid ka madaxbanaan Tusaalooyinka Xunxun oo dhan Waayo “Waa Muraayadii ardaydu isku daawanaysay”Ayuu yidhi.

Maxamed Aadan Waraabe oo ah Madaxa qaybta Tababarka Macalimiinta ayaa faahfaahin ka bixiyay in ay qaybtoodu tahay mid soosaarta Mcalimiin wax ka dhigata Dugsiyada Dhexe iyo kuwa sareba,Islamarkaana ay gacan ka siiyeen Hayadaha SCF/UK iyo Candlelight.waxaanu intaas ku daray in cida qaybtan Maclimiinta dhigtaa ay yihiin haween kuwaasoo loogu talagalay in mudo laba sano ahqaataan waxbarshada ka dibna la siiyo Shahaadada Diploma.
Wasiirka k/xigeenka W/waxbarshada Somaliland Ismaaciil Muxumed Madar ayaa Maanta shahaadooyin gudoonsiiyay26Arday oo haween ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada Burco,kuwaasoo dhamaystay qaybta Tababarka Macalimiinta.

Sidoo kale Caasha Cali qabiile oo u hadashay Ardaydii qalin jabisay ayaa si weyn ugu mahadnaqday Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacada,Iyadoo sheegtay inay rajaynayso inay noqdaan kuwo buuxindoona kaalintii Haweenku ku lahaayeen Waxbarshada.

Waxa iyana Munaasibadaa ka hadlay Hinda Maxamed Jaamac oo ka mida Maamulka Jaamacada,Gudoomiyha Gobolka,Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka,Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xubno kale oo badan.

Munaasibadan ayaa ahayd mid kulmisay Martisharaf badan oo ka kala yimi Gobolada Dalka islamarkaa ay ka muuqatayin Siweyn loo soo agaasimay.

Kayse Axmed Digaale

TogdheerNews

Kdigale@yahoo.com

Burco.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Hablahi Ugu Horeeyay Ee JAAMACADA BURCO Ka Qalin Jebiya...

Post by LiQaaye_TDH »

mansha allah,,,,,
Fale
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Fri Oct 13, 2006 7:45 pm
Location: Guriga

Re: Hablahi Ugu Horeeyay Ee JAAMACADA BURCO Ka Qalin Jebiya...

Post by Fale »

up up up
AYUUB Isaaq
Posts: 37
Joined: Thu Aug 09, 2007 5:17 am

Re: Hablahi Ugu Horeeyay Ee JAAMACADA BURCO Ka Qalin Jebiya...

Post by AYUUB Isaaq »

waaw maasha Allah baan leeyahay hablahena jaamacada ka qalin jabiyey waxaan idin rajeynayaaa guul mar kasta wadankana ka war hayaa idinkaa joogee halkaa kaga sii wada libaaxyadii dalkoooy
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”