__________________
Dahabshiil maxay Somaliland ugu ogolaan weyday BANGI
Hashim Goth, ANN =
UAE/Somaliland, 29 Aug. 2007-- Shirkada Xawaalada Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha ugu da'da weyn shirkadaha xawaaladaha ee Soomaalidu leedahay, Isla markaana waa meelaha faro ku tiriska ah ee iftiimaya wadankii Soomaaliya, lana odhan karo waa talaabo horumar leh oo ay dad shacab ah sameeyeen. Sida maanta ay u socotana waxaa dhici karta in ay noqoto Bangigii u horeeyay ee Soomaali leedahay ee ka hirgala Caalamka.
Inkasta oo Dahabshiil haysan Dawlad dhiiri gelisa, isla markaana ay hore u burburtay dawladii Soomaaliya, hadana Koonfurta Soomaaliya waxay uga shaqeeyaan ama u diiwaan gashan tahay BANGIGA DAHABSHIIL. Dahabshiil wuxuu xarumo Bank ku leeyahay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, Dahabshiil waxay leedahay ku dhawaad 400(Afar boqol) oo xarumood oo ku kala yaala daafaha dunida iyo wadanka gudihiisa, waa shirkad magaceedu gaadhay miyi iyo magaalo Soomaaliya.
Dahabshiil waxay u qabataa dadweynaha iyo ganacsatada adeegyo dheeraad ah oo ka baxsan Xawaalada, marka aan fiirino Somaliland oo ay uga hawlgasho sidii xawaalada, waxa dheer iyada oo ah meel la dhigto lacagta sidii BANGIGA, waxay u furaan Ganacsatada, Hayadaha Caalamiga, NGOyada iyo Shirkadaha kaleba Accont Number, ay dadku lacagta dhigtaan, taasi waxay dad badan u sahashay in ay lacagtoodii meel amaana u helaan. si fududna u helaan adeeg fiican.
Dahabshiil waxa intaas u dheer oo ay ka qayb qaadataa Gargaarka degdega ah marka meeel masiibo ka dhacdo iyo ka qayb qaadashada horumarka sida Adeegyada bulshada, waxay taakulo siiyaan Waxbarashada (Jaamacadaha) Caafimaadka, Jidadka, Warbaahinta qaarkood, Dhiirgelinta dhalinyarta ciyaaraha IWM ah.
Dad badan ayaa isweydiinaya hadaba sababta shirkada Dahabshiil dawlada Somaliland ugu ogolaanweyday in ay noqoto BANGI Madax banaan, ma Dahabshiil ayaan rabin ? Ma shuruudaha ayay buuxin waayeen Dahabshiil ? Ma Sharcigii Bangiyada gaarka looleeyahay ayaan la soo saarin ? Maxaa hortaagan Dahabshiil in ay noqoto Bangi Somaliland waa Suaal aan cidii ay khusayso aan u dhaafayo ?
Aragtida maqaalkaygani xambaarsan yahay ayaa ah mid taageeraya meel kasta oo sare u soo socota isla markaana uu ka baxayo Bidhaan iftiin oo horumar leh.
Bangiga loo ogolaado Dahabshiil wuxuu wadanka iyo bulshada inta u keenayaa faa'iido iyo horumar dheeraad ah, Waxay isku xidhmi karaan Bangiyo caalami ah oo la aqoonsan yahay, taas oo wadanka u soo jiidi karta in la barto ama la maalgashado, Ganacsatada ayuu u sahli doonaa in LC yada wadamada kale ay ka furanayaan ka furtaan Dahabshiil. Waxaan ku soo gabagabaynayaa waxaa Nasiib daro noqon karta in K/Soomaaliya uu Dahabshiil Bangi ka qornaado, Wadankiisii Soomaalilandna uu ka waayo ogolaansho.
Shirkada Dahabshiil waxaa laga su***aa in ay noqoto mid isku diyaarisa sidii ay Bangi u noqn lahayd, waa in ay ka dheerataa cudurada dilay ama baabiyay bulshada Soomaaliyeed iyo Ganacsigooda oo ah Qabyaalad, Musuqmaasuq iyo Daacadnimo la'aan.
Dahabshiil waa in ay ka dhisataa Xarumo magaalooyinka W/weyn ee Somaliland iyo Soomaaliya, si ay dadku ugu aaminaan in ay hantidooda dhigtaan, mar hadii ay u qalanto in ay noqoto BANK. Xarumaha magaalooyinka waaweyn ee Somalilandna kordhiso. Tababarka Xirfada Shaqaalaha ayaa wuxuu gaadhsiiyaa Shirkadaha iyo ganacsiga horumar iyo in ayna hoos u soo noqon.
--------------------------------------------------------------------------------
© 2007 Awdalnews Network


