Gobolka Gedo oo ay ka dhaceen Banaanbaxyo lagu taageeray Nab

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Gobolka Gedo oo ay ka dhaceen Banaanbaxyo lagu taageeray Nab

Post by Alta Vista [Bot2] »

Gobolka Gedo oo ay ka dhaceen Banaanbaxyo lagu taageeray Nabada.


Kumanaan qof oo taageeraysa shirwaynaha Maamulada Degmooyinka Gobolka oo ka socda magaalada G/Haareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa maanta ay isugu soo baxeen wadooyinka Degmooyinka waa wayn ee Gobolka Gedo.

Dadwaynihii ugu badnaa waxaa ay isugu soo baxeen Magaalooyinka Baardheere, Baledxaawo iyo G/Haareey waxaana ay luxayeen Boorar ay ku qoranyihiin halkudhagyo ay ku taageerayeen nabada iyo maamul wanaaga iyo in la soo afjaro colaadihii sokeeye ee ka taagnaa Gobolkaas.

Banaabaxyada maanta oo lagu tilmaamay kuwii ugu tirada iyo dadka badnaa ee ka dhaca Gedo ayaa waxaa ay daba socdeen kullan muddo labada todobaad ay xarunta Gobolka gedo ee G/haarey ay ku lahaayeen gudoomiyeyaasha 7da Degmo ee Gobolkaas ayna qaban qaabisay hay’ada Oofinta Mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNOPS.

Shirka ayaa waxaa lagu waramayaa in looga dooday qaabka is dhexmarka dadka, dhismaha maamulada iyo isku xirnaanta hanbka wadashaqaynta ee degmooyinka kala gadisan ee uu ka kooban yahay gobolka ay dagaaladu la dageen ee Gedo.

Gudoomiyaha Degmada G/haareey Axmed Cabdille Magan ayaa sheegay in kullanka uu maanta ku soo gabagaboobay magaaladaas lana filayo in saraakiil ka tirsan dawlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ay maalmaha soo socota ka qaybgalaan Munaasibad looga dhawaaqayo maamulka Degmooyinka Gobolkaas.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”