BIG THINGS WILL HAPPEN NEXT WEEK. READ HERE

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BIG THINGS WILL HAPPEN NEXT WEEK. READ HERE

Post by Hiiraan boy »

FIRST ERITREA WILL ATTACK ETHIOPIA

THEN ONFL IYO OROMO LIBERATION WILL ATTACK ETHIOPIA FROM KILINKA 5NAAD.

ICU WILL ATTACK ETHIOPIA IN MUQDISHIO AND OTHER CITIES.

AND SOMALILAND ARMY WILL ATTACK FROM TOGDHEER.

Topnews today:- Dagaalo qaraar oo la qorsheeynayo in Itoobiya looga qaado Ereteria,Oroma,Ogaadeniya,Somaliland.

Casmare,Arbaco, Septembar ,12, 2007 Waagacusub.com

Dowlada Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in dhamaadka
bisha Ramadaan ay wajahaan duulaano aad u culus oo
ay iska kaashanayaan qoowmiyada dhalashadoodu tahay Muslim iyo Gaalo sida lagu helayo ,ila wareedyo Melleteri.

Qorshe Melleteri oo ay iska kaashanayaan Saraakiil sare
oo Somali,Ereterian iyo Oromo u dhashay ayaa la soo gabagabeeyay,waxaana la xaqiijiyay in bisha Ramadaan
kadib uu qarxi doono dagaalkii u dhaxeeyay Ereteria iyo Itoobiya,sidoo kalana waxaa gudaha dalka Itoobiya
dagaalo qaraar ka bilaabi doono Xoogaga Orromada iyo qoowmiyado kale oo Muslim u badan,halka dhinaca
kalana ay guluf nuucaasa Itoobiyaanka ku sugan gudaha Somalia ay ku qaadayaan Xoogaga isbiirsaday ee
Casmara uga dhawaaqday Isbahaysigga Xoreynta iyo
dib u soo nooleeynta Soomaaliya.

Saraakiil sare oo Soomaaliya ayaa sheegay inay gobolo
ka tirsan Somaliland isku aruursanayaan xoogagii ugu
badnaa ee Somali u dhashay,kuwaas oo doonayo inay
jiidaha ugu dhaw ee Somaliland la wadaagto Itoobiya ka weeraraan.

Deb rid xoogan ayey kooxo hubaysani ka sameeyeen
duleedka Laascaanood meel 5 KM kaga beegan,waxaana kooxdaas la sheegay inay saldhig Ciidan ku leeyihiin
Buuraleey lama galaana,waxaa kale oo dhaqdhaqaaqyo Melleteri oo lagu taageerayo Shirweynaha Casmara laga dareemayaa Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Jabhada Ogaadeeniya ee gilgilay Xukumadda Melles
Zenaawi ayaa iyadana markii ugu horeysay,waxay heshay saanad Melleteri oo dal ka mida dalalka Carabta uu
gaarsiiyay dhawaan.

Jabhada Ogaadeeniya waxaa uu istiraatiijiyadeeda
dagaal yahay inay beegsato dhulka Somali Galbeed ee ay Xukumadda Itoobiya maamusho.

Dowlada Jabuuti ayaa la soo weriyay inay Isbahaysiga Casmara u ogolaatay Isticmaalka Garoonka iyo dekada Caasimada dalkaas ee Djabouti,taas oo ay dabagal
xoogan ku hayaan Sirdoonka dalka Itoobiya oo rumaysan
in Jabuuti ay maraan madaxda golaha Maxaakiimta,sida Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xilli ay Itoobiyaanka ka baadigoobayeen gudaha Somalia ka dhex arkeen muuqaalkiisa,ergada Shirweynaha Casmara.

Colaadaha ay isugu birtumanayaan Itoobiya iyo
Garabyada kale ee Isbahaystay ayaa aad looga cabsi
qabaa inay ku fidaan guud ahaan dalalka Afrika,maadama
ay shidayaan dowlado kale oo siyaasada iyagana isaga soo horjeeda.

Dowlada Mareykanka ayaa taabacsan Xukumadda
Melles Zenawi ee Itoobiya laakiin dalal badan oo
Carbeed,sida Iiraan iyo Masar ayaa gacan aan la
dhayalsan Karin,waxaa la aaminsan yahay inay
siinayaan Isbahaysatada Casmara.

Si kastaba ha ahaatee,dagaalkaan ayaa laga yaabaa
in loogu magac daro dagaalkii sedexaad ee aduunka .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”