correctness just read on
(Muuqaalka dadkii mudaharaadayey)
hadhwanaag 2007-09-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN):-
Mudaharaad Balaadhan oo lagaga soo hor-jeedo Xadhiga Madaxda Urur Siyaadeedka Qaran ayaa shalay lagu qabtay maanta Xaaafada Shacabka ee Gobolka Hargeysa
Mudaharaadkaas oo ay ka soo qeybgaleen Gudida Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Qaran, dadweyne tiro badan, Hogaanka, Gudida Fulinta iyo Dhexe-ba ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE iyo Dhalinyaro yar yar.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo hadal ka jeediyey Mudaharaadkii lagaga soo hor-jeeday Xadhiga Hogaanka Ururka Qaran ee ku xidhan Xabsiga Mandheera, ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qeyb-galo Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Ururka Qaran iyo Shacbi weynaha Hargeysa oo dhan, haddii ay yihiin Xisbiga KULMIYE.
“Hawshan abaabulkeeda iyo gacan ku qabashadeeda iyo hogaaminteeda waxa lahaa Ururka Qaran” ayuu yidhi Siilaanyo oo ka hadlayey cida ka danbeysay inuu dhaco mudaharaadku.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Maanta waxa xidhan oo xoriyadoodi laga qaaday dad waaweyn oo sharaf huwan oo magac leh oo ummadan u soo halgamay, oo hadii bini’aadamku iyo dadku wax qiimaynayo uu maanta kuwan oo nool taalooyin u sameyn lahaa, ayaa maanta Xabsiga aayar loo taxaabay kuwa u taxaabayna waa kuwa aynu garanayno waxay yihiin”
“Welina waxaan qabaa haday is-leeyihiin shacbi weynahaa ayaad ka baxsanaysaan ama SNM ayaa meel ku liqaansanayn, Samadiidow qoolbaa kuu qodan lagugu dili doono, way nagu tijaabinayaa haday maanta taasi ku socotana way galaysaa” ayuu yidhi Siilaanyo
Axmed Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Xukuummada Madaxweyne Rayale oo uu yidhi “Iyagaa sharciga iyo Dastuurkaba jabiyey”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Ergadu xukuntii ay Xukuntay yaa diiday Rayaale, yaa ka hor yimi Rayaale”
“Waxaanu leenahay dadkaa [ Hogaanka Ururka Qaran] waa in xoriyadoodi oo buuxda loo soo celiyaa” ayuu yidhi.
Cali Axmed oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Qaranka oo isna mudaharaadka ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa aanu ku dhibanahay ee aan ku xidhanahay waxa weeyaan Dastuurka dalka ee aynu dhiganay waxa uu noo ogolanaaya inaanu Urur Siyaasiya Sameysano”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka mid aaha raggi asaasay Ururkii SNM, raga sidaas oo kale sameeya ummada ay ka dhashaan taalo ayey u dhisaan,”.
Cali Axmed isaga oo ka hadlayey waxa ay ku xidhan Yihiin hogaanka Ururka Qaran waxa uu yidhi “ Maanta Maxamed Xaashi iyo raga la midka ahi jeel ayey ku jiraan, waxaana dhigay Jeelkaas kuwii markaynu wadankan [Somaliland] xoreynaynay ee aynu soo Galnay qoriga haystay ee aynu ugu soo galnay ee aynu saamaxnay ee aynu Madaxtinimada u dhiibnay ayaa jeelka dhigay Waar ma garbaa,.. Waar ma garbaa”
“Waxaanu Rayaalow ku leenahay Gar-diid Waa Alla diid, imika Madaxweynahayagii ayaad tahay oo waanu ku saamaxnay oo na xukun ayaanu ku leenahay” ayuu yidhi Cali.
Isaga o o hadalkiisa sii watana “Waar ma ninkii Mujaahid ahaa ee ku yidhi wax kale sameyn maayo ee wadankayga ayaan taladiisa ayaan ka qeybgalayaa ayaad u diidaysaa, Rayaaloow taa kaa yeeli mayno”
Mujaahid Muuse Bixi Cabdi oo ka mid ah Gudida Fulinta Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE oo si kullul uga hadlayey Mudaharaadkii lagaga soo horjeeday Hogaanka Urur Qaran ee Xabsiga Mandheera ku jira waxa uu yidhi “Dad badan ayaa odhanayaa il-maadeerayaal buuqa iyo rabshada naga daaya oo Magaalada ha naga Xumeynina”
“Magaalada Waxa xumeynayaa ninka birmageydada Ummada xidhay, waxa kale oo xumeynayaa ninka arrinta gardarada ee dhacday ka hadli-waaya ee ku raaca” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi
“Dadku birma geydo ayuu leeyahay, Dawladu waa tii dadka xidha ee nidaamka ilaalisa, laakin Birma geydada Dawladu ma taabato, raga xidhan waa birmageydadii [Hogaanka Ururka Qaran], intaa ay xidhan yihiina waa laydunku samray” ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi. “Nimanka wax la weydiinayow nimanka wax idinweydiinaya ee idiin cabanaya waad arkeysaane sharaf waxa idiinku filan inaanu idiin soo ergeyno hadaad garataan weeyaane, shalay waxaad diideen ergadii Culimada iyo Abwaanada ahayd, anaguna intaanu mikirifoonkan yar qaadano ayaanu gidaarkan yar idinka leenahay Waar walaalayaalow soo dayaa”
Muuse Biixi waxa ku dooday Madaxweyne Rayaale hadii uu khaldamay tol qabta miyaanu lahayn,“Ina Rayaale la yaabi mayo, ee waxaan layaaba ninku tol qabta miyaanu lahayn, Xisbi Qabta miyaanu lahayn, Golo Wasiirada oo qabta miyaanu lahayn” ayuu yidhi.
“Waar Ragga kuu cabanaya waad garanaysaa, Ragaad xidhayna Waad Garanaysaa, intaas ayaa faan iyo sharaf kuugu filan” ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi.
Cali Marshaal oo ka mid ah Gudida Fulinta ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE oo isna ka hadlay Mudaharaadkii ayaa waxa uu yidhi “Walaalayaal maanta isugumaynaan iman Sadexda halyey ee Xidhan [Hogaanka Ururka Qaran], ee waxaynu isugu nimi Xukun xumida maanta dalkeena ka jirta, sixir bararka, Musuq-maasuqa iyo xumaanta ka jirta”
Mar uu Cali Marshaal la hadlayey Shacbiga reer Somaliland waxa uu yidhi “ Beri ayeynu u dareeraynaa Doorashadii ee yaanu codkaagu Cadow kugu noqon”
Maxamed Jaamac Cumar [Ab-gaal] oo ka mida Masuuliyiinta Sar sare ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE oo isna Mudaharaadka ka hadlay waxa uu yidhi “Madaxweyne [Rayaale] intaa dad hadashay aniga ayaa kuugu xiga, waxaan maanta Madaxweyne ku odhan lahaa ha aqbalin mid jar kaaridaya, ha aqbalin beenalaha,ha aqbalin nin aan dalkan dan ka lahayn madaxweyne intaa kula hadashay waa intii dalka daneynaysay”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Maanta hadaad nasiib u heshay aniga oo inaadeerkaa ah intaa oo Isaaqa inaan kaala dhex hadlo,”
“Waxaan kaa codsanayaa Madaxweyne inaad mil-gaha qaadato, dariiqa Boorame iyo Hargeysa u dhaxeeyaana waa raf ee orod hanagu kalifin oo noomaad Sameynin” ayuu yidhi Abgaal.
,Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe Janaale]
Reporter Hadhwnaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
