Shicibka reer Laascanood oo ku gadooday ciidamda Puntland, iyo dhimasho iyo dhaawacyo ka dhacay agaasi
Hal qof ayaa ku dhintay midkalena waa ku dhaawacmay ka dib markii dagaal ku dhexmaray magaalada laascaanood maleeshiyo gadoodsan iyo ciidankii puntland ee hore ugu sugnaa degaankaasi.
Maleeshiyadan gadoodsan oo maalmahanba isku urursanayay goobta lagu magacaabo Waqdari oo duleedka laascaanood ah ayaa ka la sheegayay inay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidanka puntland,inkastoo marxuunka dhintay oo lagumagacaabo Faarax Galoose ayaa ka mid ahaa Maleeshiyada gadoodsan halka ninka dhaawacmay ka tirsan yahay Maleeshiyada Puntland.
Waxa wararku intaas ku darayaan in maleeshiyada gadoodsan ee ku sugan haatan togga Waqdari ay ku soo biirayaan maleeshiyoon kale oo badan oo ku hubaysan tikniko iyo qoryaha culus,iyadoo la sheegayo in ciidankii puntland ay ka sii baxayaan goobihii ay hore ugu sugnaayeen,halaka wararka qaarkood tibaaxayaan inay kaba baxeen magaalada laascaanood.
Todobaadyadan u dambeeyay waxa magaalada laascaanood laga dareemayay cadhada bulshadu u qabto Maleeshiyada puntlan ee ku sugan halkaasi kuwaasoo dhibaatooyin badan ku hayay dadka degaankaasi kuwaasoo dhowrmaalmood ka hor tacshiirado rasaas ah ku furay magaalada dhexdeeda.
Kooxahan hubaysan ee gadoodsana ayaa u badan rag dhalinyaro ah iyadoo la sheegayo inay yihiin kuwo taageersan dhanka Somaliland.
Xaalada laascaanood ayaa ah mid kacsan oo aan degnayn,walaacbadana ku dhalisay shacbiga laascaanood maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee rabadaan.
Dagaaladani wax lug ah kuma laha ciidamada qaranka Somaliland oo goob aan ka fogayn ku sugan magaalada Laascanood, hase ahaatee colaadan hada gudah'a Laascanood ka aloosan ayaa ah mid u dhaxaysa dadka shicibka ah ee reer Sool iyo ciidamada xooga iyo xaaraanta ku haysta degaankaasi, dhanka kalena ciidamada qaranka ayaa sidoodaba had iyo jeeraale iskaga jira heegan culus iyada oo ay xagaasi ku sugan yihiin awood ciidan oo aad u laxaad leh oo ay leedahay Somaliland, ciidamadan hada gadoday ee iska kicinaaya ciidamada Puntland ayaa ah kuwo iyagu iskood isu soo abaabulay, oo awood xoogan sheeganaaya, umana eeka in ciidamada Puntland oo horeba xoogagoodii meesha uga qaatay ay iska caabin karaan, shicibkan gadoodsan
Ciidamada qaranka ee Somaliland ayaa ilaa todobaadkanba dadweyanah reer guuraaga ah ee agaasi degan siinaayay raashin ay ka mid yihiin timirta iyada oo xiligan lagu jiro bishii ramadaan, dhanka kalana magaalada Laascanood ayaa maanta subaxdii hore ay istaageen dhamaan adeegyadii bulshadu, waloo ay ilaa hada xidhanyihiin goobihii waxbarashada iyo meelaha muhiimka ah ee magaalada, shicib weynaha reer Laascanood wax cabsi ah kama qabaan cidamada qaranka Somaliland oo aan ka dheerayn magaalada Laascanood madaama oo ay ciidamda qaranku yihiin qaar aad iyo aad ugu naxariis badan shicibka walaalahood ah, iyo iyada oo ay cidamada qaranku gaadhsiiyaan adeegyo fiican shicibka ay dhex joogaan ee gobolka Sool, taasi oo sumcda ciidamada qaranka Somaliland ee aagaasi kor u soo qaaday, xaga ay ciidamda Puntland kula kacaan shicibka ay haystaan tacadiyo aad u fool xun oo dhawr jeer dhacay.
Sida ay doontaba ha ahaatee xaalada aaga Laascanood iyo hareeraheeda ayaa ah mid aad u kacsan oo la isugu jiro abaabul colaadeed oo hor leh kuwaasi oo u dhaxeeya shicibweynaha reer Sool oo ku gadooday ciidamda Puntland oo hada sii guranaaya waxii kaga hadhsanaa aagagaasi, waxana agagaasi lag maqlayaayay maanta galinkii danbe rasaas xoogan oo laga maqlaayo gudaha magaalada Laascanood, taasi oo ay wararka qaar sheegayaan in maeeshiyada Garoowe ay goosteen in ay gabi ahaanba iskaga baxaan gobolka Sool intii uu daadan lahaa dhiig faro badani, lamana hayo tirada dhabta ah ee dhimashada ee maanta galankii danbe dhacday.
Qarannews
shicib reer laascaanood ah oo ku gadoodey maamulgobleedka m/
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Posts: 43
- Joined: Thu Aug 02, 2007 11:20 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 55 Replies
- 3672 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 6 Replies
- 561 Views
-
Last post by malakumod
-
- 11 Replies
- 1435 Views
-
Last post by Bandit
-
- 3 Replies
- 723 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 19 Replies
- 1299 Views
-
Last post by original dervish
-
- 5 Replies
- 645 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 3 Replies
- 340 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 2 Replies
- 436 Views
-
Last post by original dervish
-
- 38 Replies
- 3211 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 5 Replies
- 414 Views
-
Last post by Gubbet