Iska hor'imaad xoogan oo ka dhacay agagaarka qabuuraha Barakaat ee Muqdisho.
Mogadishu ,23, September 2007 (HornAfrik Media)Kooxo hubeysan ayaa caawo goor hore weerar kadis ah ku qaaday fariisimo ciidameedka ay ciidamada xukuumada federaalka ay ku lee yihiin qabuurahaasi Barakaat.
Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in dagaalkaasi uu dhexmaray kooxo hubeysnaa oo la aaminsan yahay in ay yihiin kooxaha hubeysan ee inta lagu gudajiro xiliga habeenkii wax weerara iyo askar ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo saldhig ciidan ku leh nawaaxiga deegaankaasi uu iska hor'imaadku ka dhacay caawo.
Iska hor'imaadkaasi ayaa la wariyay in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan sida wararka halkaasi ka imaanaya ay sheegayaan iminka.
Dagaalka ayaana si weyn u saameeyay qaybo dhowr ah oo ay ka mida deegaamada ku teedsan aagaasi la isku farasaaray, gaar ahaan isku socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee inta u dhaxeysa suuqaasi Towfiiq ilaa iyo deegaanka Carafaat.
Ilaa iyo iminkana lama garanayo qasaaraha rasmiyan uu geystay dagaalkaasi abaaro maqribnimadii caawo waqtiga maxaligaa ee Muqdisho.
Wararka ugu dambeeya ee aan halkaasi ka helayno ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu soo idlaaday daqiiqado ka gadaal markii uu soconayay.
Iska hor'imaad xoogan oo ka dhacay agagaarka qabuuraha Barak
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Iska hor'imaad xoogan oo ka dhacay agagaarka qabuuraha Barak
Dabadhilif maantaa waa la laayay,etoobiyaankiina waa baqay uma soo gurman,ayaga naftoodaa qatar ku jira

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1253 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 330 Views
-
Last post by Gamadid.
-
- 0 Replies
- 456 Views
-
Last post by adanboy
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 4 Replies
- 715 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 0 Replies
- 448 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 560 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 483 Views
-
Last post by adanboy
-
- 2 Replies
- 749 Views
-
Last post by Somali-Transporter