Wadaad Salaadii Taraawiixda Ku tujiyay Quraan Uu Ku Duubay Mobile-kiisa
(Qaasimiya}28.9-7
Waxaa arin mucjiso leh ay ka dhacday Degmada Qasiimiya ee dalka Saudi Arabia kadib markii Masaajidka weyn ee AL-Asyaah uu Imaamkii Masjidkaasi ka tujinayay Salaadda Taraawiixda uu Qur'aanka ka akhrinayay Taleefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka, halkii uu si caadi ah u akhrin lahaa. ..............................................
Wargeyska “Al-Wadan” ee ka soo baxa dalka Saudi Arabia oo warkan soo daabacay ayaa dadkii salaadda ku tukanayay Masjidkaasi ay arrintani ku baraarugeen wixii ka dambeeyay habeenkii 3-aad ee Bishan Barakeysan ee Ramadaan, iyagoo xusay in sababta ay arrintani ku dareemeen ay tahay dhaq-dhaqaaqii faraha badnaa ee uu samaynayay Imaamka oo mar walba gacanta la aadayay Jeebka.
Arrintani ayaa markii la ogaaday kaddib waxa ay muran xooggan ka dhex dhalisay dadkii ku tukanayay Masjidkani oo qaarkood tilmaamay in Imaamkani uu khiyaamay, caqligoodana siray, isagoo isugu muujiyay in uu yahay nin Qur'aanka Xifdisan iyo sidoo kalena lagu murmay in arrintani uu ku kacay Imaamkani ay tahay mid bannaan iyo in kale.
Dhinaca kale madaxa Masaajidka Jaasir Abdirahman Jaasir oo ka hadlayay arrintani ayaa waxa uu xaqiijiyay in Imaamkani uu Qur'aanka akhrintiisa u adeegsan jiray Taleefoonkiisa gacanta inta lagu guda jiray Salaadda Taraawiixda, isla markaana Imaamkani uu ahaa nin Tabarucaad ahaan kaga noqday Imaam Masjidka, balse uusan ahayn Imaam ay soo xusheen Maamulka Masjidkani cusub oo dhismihiisa dhowaan la dhameeyay illaa iyo haatanna aan loo sameyn Imaam rasmi ah.
.
:::Widhwidh Online News Desk Media Center

