Muqdisho(HWN)Dagaal u muuqday mid abaabulan ayaa fiidnimadii xalay lagu qaaday saddex goobood oo fariisin u ah ciidamada dowladda Embegathi ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaas oo ka kala dhacay Saldhiga Booliska degmada Hodan, Warshaddii hore Taraqa iyo Sigaarka iyo Xeradii Guulwadayaasha oo intuba ay ku sugnaayeen ciidamo ka mid ah kuwa Embegathi ayaa maqribnimadii xalay xilliga salaadda Maqrib ee dadka Muqdisho isu diyaarinayeen afurka ku argagexeen shanqadha hubka culus iyo kuwa fudud.
Dagaalkaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaan tiro ahaan si rasmi ah loo sheegi Karin inta ruux ee ku dhimatay, waxaase aroornimadii hore ee saalay xaafadaha ku dhow dhow saldhiga Booliska lagu arkay meydadka 5 askari oo ka mid ah ciidamada Embagathi ee saldhigaasi ka howl galayay, iyadoo sida la sheegayna saldhiga gurihiisa ilaa 4 askari oo meyd ah loogu yimid markii ciidamadu dib ugu soo laabteen saldhiga, kooxihii weerarka ku soo qaadayna ay isaga laabteen goobihii ay ka soo weerar tageen.
Sidoo kale Gaari kuwa dagaalka ah ayaa lagu gubay weerarkaas, halka wararka qaar ay sheegayaan in dhismaha Saldhiga degmada Hodan qeyb ka mid ah uu ololay kadib markii uu dab ka dhashay rasaasta ka dhacda qoriga Baasuukaha oo lala helay Fuusto shidaal ku jiray.
Waxaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogaanin khasaaraha dhimasho, dhaawac iyo hanti kale ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay fariisimada ciidamada ee Taraqa iyo Sigaarka iyo Xeradii Guulwadayaasha oo iyagu ku yaala meel gees ah, isla markaana u badan meel ay dadku ka barakeceen oo ciidamadu ku badan tahay.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Embagethi ayaa qiray in weerarkii xalay lagu soo qaaday fariisimada ciidamadooda uu ahaa weerarkii ugu cuslaa ee abid lagu soo qaado ciidamadooda, wuxuuse sheegay in labo qof oo mid dhaawac yahay ay ka qabteen kooxdii weerarka ku soo qaadday ciidamadooda, iyagana dhankoodana 2 askari waxyeelo ka soo gaartay.
Dhinaca kale ku dhawaad dhaawaca 50-meeyo ruux oo isugu jira Ciidamo iyo dad rayid ah ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo badankood dagaalladii xalay wax ku noqday, iyadoo dhaawacyada dadkaasi qaarkood ay yhiin kuwa halis ah.
***********************
=Ciidamada dowladda Embagahi oo saakay xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho
Muqdisho(HWN) Ciidamo aad u fara badan ayaa ka mid ah ciidamada dowladda Embagathi ayaa aroornimadii hore ee saakay xiray Waddooyin ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo Gaadiidka.
Waddooyinka ay ciidamadu xireen oo ay ka mid yihiin Isgoyska Km4 ilaa Tarabuunka iyo sidoo kale waddada dheer ee Wadnaha iyo qeybo ka mid ah waddada Warshadaha gaar ahaan agagaaraha Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga, Guulwadayaasha, Taraqa & Sigaarka iyo goobo kale ayaa waxaa loo diiday maritaanka dadka iyo Gaadiidkaa, iyadoo waddooyinkaas waxa kaliya ee lagu arkayaa ay yihiin ciidamo aad u hubeysan oo feejignaan dheeraad ahi ay kawada muuqato.
Xirnaanshaha wadooyinkan ayaan la ogeyn ujeeddada rasmi ahaan ka dambaysa, waxaase jira kulan xarunta Nabadsugidda ee magaalada Muqdisho ay ku leeyihiin labada nin ee ugu sareysa dowladda Embagathi oo khilaafkooda lagu xalilayo, halka warar kale ay sheegayaan in xiritaanka waddooyinkaas ay salka ku hayaan dagaalladii culsaa ee xalay lagu qaaday ciidamada dowladda Embagathi ee khasaaraha ugu badani gaarsiiyey ciidamadaas.
*******************
=Maxaabiis si qasab ah looga sii daayay saldhiga Booliska degmada Hodan oo bannaanbax farxadeed ka dhigay Muqdisho
Muqdisho(HWN) Fiidnimadii xalay ayaa waddooyinka ku dhow dhow saldhiga Booliska degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo dagaalka aad u culusi uu ka dhacay waxaa buux dhaafiyey Boqolaal dad ah oo u badnaa Maxaabiis ay kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG sida qasabka ah uga sii daayeen saldhigaas kadib markii ay weerarka hubeysani ku qaadeen.
Maxaabistaas oo waddooyinka ku dhow dhow Saldhiga socod ku marayay iyadoo weliba ay dhacayso rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Embagathi iyo ciidamada dowladda ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ah “Allaahu Akbar iyo ha dhacdo dowladda Embagathi ee xaqdarada ku socota”.
Maxaabiistaas oo ay ku soo biireen dhalinyaro degaanka ahaa ayaa Sawaxanka iyo buuqooda oo is qabsaday waxay dadka degaankaasi u malaynayeen ciidamada Muqaawamada ee ka soo horjeeda dowladda, waxayna dadka qaar u maleeyeen xooggaga Muqaawamada oo ay markaasi la yaabeen tiro badnidooda oo kuwana ay dagaalamayaan kuwana ay caawinayaan oo Allaahu Akbarta u jiibinayaan.
Ciidamada Booliska ee laga qabsaday Saldhigaan ayaa saakay dib ugu soo laabtay Saldhigaa, waxayna isla markiiba bilaabeen inay baaritaan ka sameeyaan xaafadda ku dhow dhow saldhiga agagaarihiisa, iyagoo xabsigii xalay laga faaruqiyey dad kale oo aan waxba galabsan ka buuxinaya, kuwaasoo saakay ay xaafadaha ka qabqabteen iyagoo aan wax dambi ah lagu heynin.
*******************
=Madaxweynaha Embagathi iyo Ra’isal wasaarihiisa Geeddi oo kawada qeyb galay kulan arrintooda looga hadlayo
Muqdisho(HWN) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kawada qeyb galay kulan ka dhacay xarunta Nabadsugidda oo ay leeyihii Golaha wasiirada dowladda Embagathi.
Kulankaa oo ay goobjoog ka yihiin wasiiradii ugu badnaan ee dowladda Embagathi ayaa waxaa loo diiday saxaafadda, waxaase la sheegayaa in lagu dhameynayo khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisa, iyadoo si weyn looga wada hadlayo xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare.
Kulankan oo qorshihiisu yahay in lagu dhammeeyo khilaafka soo jiitamayay ee u dhexeeya labada mas’uul ayaan la ogeyn wax natiijo ah ka soo baxay, iyadoo waddooyinka gala Xarunta Nabadsugidda ay buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Khilaafka Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isal Wasaare Geeddi u dhexeeya oo gaaray meeshii ugu khatarsanayd ayaa sida uu sheegay Ra’isal wasaare Geeddi kulan ay dhawaan ku yeesheen xarunta madaxtooyada sheegay in lagu dhammeeyay khilaafkooda, kulanka maanta xarunta Nabad sugidda ka socdana lagu sheegay mid khilaafkooda looga arrinsanayo iyagoo weliba goobjoog
Dead Puntland soldiers everywhere in Mogadisho!!!!!!!!!!!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 530 Views
-
Last post by Coeus
-
- 8 Replies
- 1649 Views
-
Last post by guhad122
-
- 24 Replies
- 1340 Views
-
Last post by MrSinister
-
- 0 Replies
- 327 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 488 Views
-
Last post by highclass
-
- 1 Replies
- 585 Views
-
Last post by Males_Zenawe
-
- 1 Replies
- 482 Views
-
Last post by sahal80
-
- 125 Replies
- 11549 Views
-
Last post by Basra-
-
- 10 Replies
- 1381 Views
-
Last post by Dionysus
-
- 7 Replies
- 18 Views
-
Last post by abdisamad3