Somaliland minister from awdal says reer lasanod love somali

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland minister from awdal says reer lasanod love somali

Post by The_Emperior5 »

Wasiir Buuni oo La Hadlay Reer Boorama



Boorama (QRN)- "Maanta haddii aan idhaahdo dadka Samaroonka ah ee Itoobiya ku nool ama Jabuuti isku isir baanu nahay oo Somaliland weeyaan iyana ma oggolaanayaan adduunyaduna iga oggolaan mayso, waayo laba dal baanu kala nahay oo xuduud wadaaga iyana way ixtiraan anana waan ixtiraamnaa, maamulka Majeerteeniyana waa inuu ogaadaa inuu dhamaaday wakhtigii ay sheegan jireen Kismaayo iyo gobolka Soolba." Erayadaasi waxa ay ka mid ahaayeen hadal uu wasiirka xidhiidhka golayaasha Md Cabdi Xasan Buuni ka jeediyay shir-jaraa'id oo uu habeenimadii Khamiistii ku qabtay hutelka Rays ee magaalada Boorama isaga oo ka hadlayay dagaalkii ay Maamul-goboleedka Majeerteeniya ku soo qaadeen degaanka Laascaanood iyo kulamo uu la qaatay qaybaha bulshada reer Awdal.

Wasiir Buuni oo hadda socdaal ku jooga Boorama kulamo kala duwana la yeeshay cuqaasha, salaadiinta iyo duqayda gobolka, ayaa shirkiisa jaraa'id ku faahfaahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen duqayda gobolka iyo duullaankii ay ciidama Soomaaliland ku galeen magaalada Laascaanood.

Wasiirka oo ah ruug-caddaa muddo dheer siyaasadda ku soo jiray waxa uu sharaxaad balaadhan ka bixiyay xuduudka dhuleed ee Somaliland oo ah mid caalami ah kuna eg deegaanku ku hoos jiri jiray mustacmaradii Ingiriiska, Maamul-goboleedka Puntland la baxayna uu tan iyo intii la aas aasay dhibaato ka wado arintaas oo ah mid dulqaadkeedii soo dhamaaday.

Wasiirku waxa kale oo uu u mahadnaqay dadka reer Laascaanood ee gartay in dhulkooda hooyo uu Somaliland yahay dhulkoodiina ka saaray kuwii dhibaatada ka waday ee dadkooda ka fogaynayay. "Waxaan ku faraxsanahay inaan dhiig ku daadan qabashadii ciidanka Somaliland ay ku galeen Laascaanood waxaanan arintaa uga mahadnaqayaa dadka reer Laascaanood ee gartay in dalkooda hooyo uu soomaaliland yahay, abaalkeedana waad heli doontaan iyo wax kasta oo aad xaq u leedihiin dadwaynaha kale ee Somaliland waxaan leeyahay soo dhaweeya oo istaaga walaahinaa reer Sool."

Dhinaca kalena, mar wax laga waydiiyay inay doorashooyinkii wakhtigoodii dib uga dhacayaan ayaa waxa uusheegay ka maamul iyo UDUB ahaan ba inay diyaar u yihiin kuna hanwayn yihiin in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan, inkasta oo uu carrabaabay in arrintaasi tahay mid u taal Komishanka Doorashooyinka oo iyagu hawshooda u madax banaan.

Wasiirku waxa kale oo uu difaacay taageerada xisbiga UDUB hore ugu lahaa Gobolka oo hadda la moodo in beelo iyo shkhsiyaad kaleba ka digo-roganayaan waxaanu yidhi; "Arrintaasi intii aanan halkan [Boorama] iman waan ka walwalsanaa laakiin markii aan hada la kulmay qaybihii dadwaynaha waxa ii soo baxday inaan waxba iska beddelin taageeradii reer Awdal u hayeen xisbiga UDUB kalsoonidayduna waa boqolkiiba siddeetan hadda reer Awdalna wax badan bay fahamsan yihiin."

Ugu dambayntii, waxa uu sheegay inay ka wada hadleen odayada reer Awdal ee uu kulamada la yeeshay laba qodob oo ah difaaca qarannimada Somaliland, iyo adkaynta midnimada iyo wax-wada-qabsiga reer Awdal dhexdooda arrimaas oo ay si wanaagsan isula fahmeen.



Source Jamhuuriya
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland minister from awdal says reer lasanod love somali

Post by The_Emperior5 »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”