DEG AH GUDOOMIYIHIIHII HORE EE GOBOLKA HARGAYSA OO.........
Cismaan Hindi Iyo Laba Xildhibaan Oo Ka tirsan Golayaasha Deegaanka Hargeysa Iyo Gabilay Oo Ku Biiray UDUB
Hargeysa (Qaran)- Gudoomiyihii hore ee xisbiga KULMIYE,ee Gobolka Hargeysa,Cismaan Cabdilaahi Cigaal [Cismaan Hindi] oo ay weheliyaan laba Xildhibaan oo ka tirsan golayaasha deegaanka ee Hargeysa iyo Gabilay iyo kooxo dhalinyaro iyo Haween isugu jira oo dhawaan ka soo go’ay Xisbiga KULMIYE,ayaa maanta ku biiray Xisbiga UDUB,waxana Xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Hargeysa.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB,Mudane Maxamed Ismaaciil Bulaale,oo ku qaabilay xarunta xisbiga ayaa Cismaan Hindi iyo Kooxda uu hor kacayay ku soo dhaweeyay xisbiga,waxana uu sheegay in ay UDUB soo dhawaynayso cid kasta oo jecel taabo-gelinta Qaranimada iyo dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland.
Gudoomiyihii hore ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Cismaan Hindi,oo Xafladaas hadal kooban ka jeediyay,ayaa Xisbigii uu ka soo baxay ku sifeeyay mid baal maray habkii dimuqraadiga ahaa ee xisbinimo.
“Kulmiye wuu baalmaray nidaamkii dimuqraadiyada,markii aanu is nidhi toosiyana way naga garawsan waayeen,taladii Xisbigana waxa la jeesay dhawr nin,oo cunsuriyiin ah,oo doonaya inay beelaha cidhifyada ka qadiyaan Murashaxiinta iyo Hoggaanka xisbigaba”Ayuu Yidhi Cismaan Hindi.
Waxana uu sheegay in markii uu ka soo baxay Xisbiga KULMIYE,ay UDUB u arkeen mid ku haboon inay xubno ka nodaan,isagoo sheegay in iyaga iyo taageerayaashooduba ay ku soo biireen UDUB.
Waxana Kooxda Cismaan Hindi iyo Xisbiga UDUB kala saxeexdeen heshiis ku wajahan sidii Golaha Dhexe,Gudida Fulinta iyo Maamulka Xisbiga ee Gobolka Hargeysa,saamigooda laga siiyo,waxana heshiiskaasi isku soo dubo riday gudi farsamo oo ay si wada jir ah ugu saareen arrintaasi.
Qoraalkii Heshiiskooduna waxa uu isagoo dhamaystiran u qornaa Sidan:-
“Heshiiska Midowga Garabka ka
soo go'ay Xisbiga KULIMIYE iyo Xibsiga UDUB
Kulan ay isugu yimaadeen gudi Farsamo ee labada dhinac kana dhacay hoolka Xarunta Xisbiga UDUB ee Caasimada Hargeysa maanta oo ay bishu tahay 10/10/2007, wada hadal iyo gorfayn kadib waxa la isla gartay in midawgani leeyahay ahmiyad gaar ah.
Sidaa daraadeed, waxa lagu heshiiyey in la dhaqan galiyo heshiiskan labada dhinac oo ay gun dhig u yihiin qodabada hoos ku qoran:-
In la mideeyo lana hawlgaliyo;-
Guddiyada fulinta ee degmooyinka Gobolka Hargeysa Xisbiga KULMIYE iyo kuwa Xisbiga UDUB
Garabka haweenka degmooyinka gobolka Hargeysa Xisbiga KULMIYE iyo kuwa Xisbiga UDUB
Garabka Dhalinyarada degmooyinka gobolka Hargeysa Xisbiga KULMIYE iyo kuwa Xisbiga UDUB.
In Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta heer Qaran ee ka soo go'ay KULMIYE ay ka mid noqon doonaan Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga UDUB
In saamiga u qalma laga siiyo garabka ka soo go'ay KULMIYE xilalka iyo mansabada kale ee Xisbiga UDUB
In la soo dhaweeyo lana hawl-galiyo ururada bulshada iyo shaqaalaha ee garabka ka soo go'ay Xisbga KULMIYIE (support-Groups).
F.g. heshiiskan waxa la waafajinayaa Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB
Heshiiskan waxa soo diyaarayey guddi farsmo oo ka koobnaa Afar (4) Xubnood oo Xisbiga UDUB ah iyo Afar (4) Xubnood oo Xisbiga KULMIYE ah magacyadooda iyo saxeexooguna uu ku liifaaqan yahay heshiiska.
Alla Mahad Leh
Maxamed Ismaaciil Bullaale Cismaan C/laahi Cigaal
Xoghayaha Guud UDUB Gudd. Gobolka Har. Ee KUlMIYE
Xisbiga UDUB Xisbiga KULMIYE
Waxa liifaaqan ku cad Magacyada iyo saxeexa Guddida farso oo ka kooban afar (4) Xubnood oo Xisbiga UDUB ah iyo afar (4) oo Xisbiga KULMIYE ah. Magacyadooduna waa sidan hoos ku qoran:-
Magacyada Guddida Farsamo ee UDUB:-
Maxamed Ismaaciil Bullaale Xoghayaha Guud UDUB
Rashiid Xaaji C/laahi Xafiiska Deraasaadka iyo Cilmi Baadhista
C/laahi Maxamed Jaamac Guddoomiyaha Difaaca iyo Nabadgelyada
Maxamed Ibraahim Rijaal Guddoomiyaha Shuruucda iyo Anshaxa
Magacyada Guddida Farsamo ee KULMIYE:-
Cismaan C/laahi Cigaal Guddoomiya Gobolka Harg. KULMIYE
Sh. Maxamed Aw Gaab Guddoomiyaha Deg. Alaybaday
Ibraahim Axmed Xasan Xildhibaan G/Deg. Degmada Gebilay
Maxamed Cali Maxamuud Xidhibaan G/Deg. Degmada Harg”
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa
Cisman Hindi joins Udub...big blow to Kulmiye!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Somalistan
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4778
- Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
- Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 422 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 660 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 1 Replies
- 645 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 544 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 2 Replies
- 549 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 510 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 418 Views
-
Last post by yawle
-
- 5 Replies
- 1411 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 2 Replies
- 485 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 3 Replies
- 565 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH