SAID BY FAYSAL CALI WARABE.
Gudoomiyaha UCID Oo Ugu Baaqay Xukuummada,Axsaabtu inay Guddi heer Qaran ah ay Sameeyaan oo Wacyagelin iyo Caawimo La Gaadhaan dadka Laascaanood.
--------------------------------------------------------------------------------
(Faysal Cali Waraabe )
hadhwanaag 2007-10-15 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xisbiga Mucaarid ah ee UCID ayaa ugu baaqay Xukuummada inay gar-gaar degdega iyo kala danbeyntii sharciga la gaadho dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, iyada oo la adeegsanayo dadka deegaankaas u dhashay.Isla markaana waxa ay hanbalyo u direen Ciidamada Geesiyada ee Somaliland Jiida hore ee gacanta ka siiyey inay reer laas-caanood iska xoreeyaan Maleeshiyada Majeerteeniya ee dulmiga meesha ku haysatay.
Sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu galabta soo saaray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo nuqul ka mid ahi soo gaadhayXafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu Warsaxafadeedkiisa ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Rayaale, Xisbiyada Qaranka inay sameeyaan abaabul iyo gudi qaran oo taakuleynayd.
Waxaanu u dhignaa sidan:
“Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID) wuxuu taageero buuxda siinayaa shacbiga reer laascaanood ee ka gigishay dulmigii ay ku hayeen ciidamada ka amar qaata maamulka Cabdilaahi Yusuf iyo Mileeshyada Majarteenaya isla markaas waxaan hambalyo u diraynaa geesiyada ciidanka Qaranka Somaliland ee gacanta ka siiyay Reer laascaanood si ay iskaga xureeyaan cadadiskii iyo dulmigii ay ku hayeen mileeshiyada majarteenya.
Xisbiga UCID iyo shacbi-weynaha Somaliland waxay oo dhaweenayaan xoreynta laascaanood iyo ku soo dabaalista amniga magaalada oo wax weyn ka taraysa horumarka iyo midnimada Somaliland .
Xisbi ahaan waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in fidinta maamulka lagaadhsiiyo xuduuda; gargaar degdeg ahana la gaadhsiiyo dadweynaha, kala dambeyntiina iyo sharcigana lagu soo dabaalo iyadoo la adeegsanayo dadka deegaanka.
Dad-weynaha Reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaan ka codsanaynaa in gar-gaar hiil iyo hooba ah loo fidiyo shacbiga reer laascaanood iyo ciidamada Qaranka Somaliland.
Xukuumada iyo xisbiyada Qaranku inay sameeyaan abaabul, wacyigelin iyo abuuris guddi Qaran oo taakuleeneed”
Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
'THE SL GOVT. SHOULD TAKE GOOD CARE OF REER SOOL"
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Somalistan
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4778
- Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
- Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland
- Somalistan
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4778
- Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
- Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1285 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 3 Replies
- 808 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 1361 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 827 Views
-
Last post by yawle
-
- 3 Replies
- 483 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 7 Replies
- 118 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 29 Replies
- 4467 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 31 Replies
- 5179 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 3 Replies
- 2690 Views
-
Last post by Ducaysane_87