http://www.qarannews.com/show/14785.html
Cadde Muuse Waa abaal laawe, Xiligii uu Cabdillahi Yusuf soo eryaday magan galyo ayaanu siinay, Awoowgiina Talyaaniga oo eryanaaya ayaa xiligii Ingriiska Somaliland magan galyo siisay.
Hargeysa(Qaran)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB,Md Maxamed Ismaaciil Bulaale,ayaa
sheegay in Somaliland,aanay ka joogsanayn sidii ay u sugan lahayd xuduudaha iyo
Xeebaha Dalka,waxana uu hoggaamiyaha Puntland Ku tilmaamay abaal-laawe.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB,waxa kale oo uu soo jeediyay in bulshada ku dhaqan
Gobolka Sool wax loo qabto,oo Xukuumad iyo Xisbiyaba loo wada tago,lagana qanciyo
tabashooyinkooda isla markaana iyaga dhexdooda la isu turxaan saaro.
"Waxa aan u mahad-naqaynaa Maleeshiyo beeleedkii u dhashay Gobolka Sool,ee qabsaday
Magaaladoodii,iskana dhiciyay Maleeshiyadii Puntland ee Soo weerartay"Ayuu Yidhi
Mudane Maxamed Ismaaciil Bulaale,oo ka hadlayay shir Jaraa'id oo ay maanta madaxda
Xisbiga UDUB, ku qabteen Xaruntooda Dhexe ee Magaalada Hargeysa.
Xoghayaha Guud,isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Waxa kale oo aan u
mahad-naqayaa Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool,oo
ka jawaabay codsigii gurmad doonka ahaa ee Maleeshiyo beeleedka Reer
Laas-caanood,una gurmaday markii la soo weeraray,waan ku amaanayaa Ciidamada Guushii
ay ka soo hooyeen Dagaalkii lagu soo qaaday".
"Somaliland ma weerarayso dal kale,waxase aanu sugaynaynaa xuduudahayaga iyo xeebaha
dalkayaga"ayuu intaas raaciyay.
Md Bulaale Mar uu La hadlayay Cadde Muuse,waxa uu yidhi "Cadde Muuse waxa magaciisa
la yidhaahdaa Maxamuud Muuse Xirsi Boqor Cismaan,waxa aan idiin sheegayaa in awoogii
Cismaan,uu beri hore Talyaani soo eryaday kadibna uu soo galay dhulka Somaliland
kagana badbaaday,Cadde Muusena Waxa soo eryaday C/Laahi Yuusuf,kadibna JSL,ayaa
Mangelyo siisay oo ku haysay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag,kadibna markii ay
C/Laahi Yuusuf heshiiyeen,Somaliland way sii sagootiday,markaas waxa uu
nodayabaal-laawe oo dalkii martigeliyay ee uu maganta u ahaa ayuu dhulkoodii markii
dambe ku qabsaday,Cabdilaahi Yuusufna WaxaMagaalooyinka Jawhar iyo Muqdisho geeyay
Cali Geedi,oo Villa Somalia ku soo dhaweeyay,hadana waxa uu noqday Abaal laawe oo
Cali Geedi ayuu qabsaday,nabada Somalia-na waxay u fadhidaa C/Laahi Yuusuf".
Sidoo kale,waxa Shirkaasi Jaraa'id ka hadlay Gudoomiyaha Abaabulka Iyo wacyi gelinta
UDUB Maxamuud Cabdi Faarax [Ina Cabdi Malow] iyo Gudoomiyaha Difaaca iyo
Nabadgelyada Xisbigaasi Cabdilaahi Maxamed Jaamac [Caray] oo labaduba ku dheeraaday
Hambalyada Ciidamada,oo ay ku baaqeen in Xukuumad,Ganacsato iyo Dadweyneba la
taageero.
Waxa kale oo ay taageereen Garabadii Haweenka sadexda Xisbi Qaran,ee dhawaan
taakulooyinka kala duwan ugu deeqay Ciidamada qaranka,oo ay sheegeen inay u taagan
yihiin difaaca soohdimaha Wadanka ee dhinaca bari.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa
Maxamed Ismaaciil Bulaale,says cadde muse we will save u
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
LAFO-LAFO
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2215
- Joined: Tue May 25, 2004 7:00 pm
- Location: Support The governor of the die-hard nationalist Ali Sandule
- Contact:
Re: Maxamed Ismaaciil Bulaale,says cadde muse we will save u
The_Emperior5 ,
Miyaanad ogayn in awawgiina 100yrs ka hor soo galay ceelafwen isna berigii dhawayd ceelafweyn maganta weydiistay.
Miyaanad ogayn in awawgiina 100yrs ka hor soo galay ceelafwen isna berigii dhawayd ceelafweyn maganta weydiistay.
- kambuli
- SomaliNet Super

- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: Maxamed Ismaaciil Bulaale,says cadde muse we will save u
Lafto,
Waxaan ku weydiiyey, Ma inaabtigaaba ninka avatarka ku ihi?
Waxaan ku weydiiyey, Ma inaabtigaaba ninka avatarka ku ihi?
-
LAFO-LAFO
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2215
- Joined: Tue May 25, 2004 7:00 pm
- Location: Support The governor of the die-hard nationalist Ali Sandule
- Contact:
Re: Maxamed Ismaaciil Bulaale,says cadde muse we will save u
kambuli,
Cali sandule the governor of Sool weeye waa Jamac siyaad. Markaa haduu yahay ugaadh yahan waa abtigay.
Cali sandule the governor of Sool weeye waa Jamac siyaad. Markaa haduu yahay ugaadh yahan waa abtigay.
- kambuli
- SomaliNet Super

- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: Maxamed Ismaaciil Bulaale,says cadde muse we will save u
Lafo,
Ma Ugaadhayankaa ku dhalay? Are you from Erigavo?
If he is Jaamac Siyaad then he is not Ugaadhyahan...
Therefore he is not your Abti...
Ma Ugaadhayankaa ku dhalay? Are you from Erigavo?
If he is Jaamac Siyaad then he is not Ugaadhyahan...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1284 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 9 Replies
- 1285 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 12 Replies
- 1970 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 9 Replies
- 825 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 544 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 462 Views
-
Last post by Gen.Aideed
-
- 7 Replies
- 879 Views
-
Last post by paidmonk