Ka dib markii uu Addis Ababa u tagay olole siyaasadeed oo ballaaran iyo xiddadadiisa inuu sii adkeesto, ayaa Geeddi markaan uu ku qanacsan yahay halka uu joogo. Waxaa dhinaca kale u muujiyay waddamada Reer Galbeed ka iyo Ethiopian inuu lee yahay awood (capacity) uu ku meel-marin karo hawsha laga filaayo inuu guto. Taas waxaa ka mid ah Qorsheeyaashii uu u bandhigay shirarka, iyo sida uu u hawl-gali doono.
Shirar badan oo is daba joog ah ayuu la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, oo ay ku jiraan Tekade Alamu iyo Siyoum Mesfin; iyo ergay yada Mareekanka, iyo EU u kala jooga African Union (AU), Safiirada Mareekanka, Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo Ergayga gaarka ah ee African Union ka ee Somalia, Mudane Ahmedu Wald Abdullah ee fadhigiisu yahay Addis Ababa. Shalay Geedi waxay is arkeen Meles Zenawi, Raiisul Wasaaraha Ethiopia. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxa uu u muujiyay Reer Galbeedka iyo Ethiopia inuu yahay beddel aad u heer-sarreeya, nin yar oo aqoon leh oo ka bixi kara mansab kaas waxa hadda uu u baahan yahay: aqoon iyo khibrad. Cali waxaa uu bandhigay qorsheyaal hawl-gallada uu damacsan yahay iyo sida uu u raaci doono Road Map ka Somalia lagu xasilin doono oo soconaya illaa 2009. Waa lagu qancay, waana muujiyay inuu ka bixi karo hawsha qorshaysan ee Mareekanka iyo Reer Galbeed ka ay wataan.
Saddex arrin ba si muuqata ayaa loogu qancay:
1.
Qorshaha Fulinta Road Map ka: Waa laga oggolaaday qorshaha uu la yimid oo ku aaddan nabadaynta iyo dejinta Somalia, ka qeyb-galinta mucaaradka "qun-yar socodka ah" iyo qorshaha Road Map ka fulin tiisa.
2.
Wuxuu muujiyay inuu noqon karo "partner" si fiican uga qeyb gali kara hawlaha la dagaalanka argagixisada. Faransiiska iyo Mareekanka ayaa aad u xiisaynayeen arrintaas shararkii uu la qaatay.
3.
Tartanka sahmiska iyo soo-saarka shidaalka Somalia loogu jiro ayaa Cali Maxamed Geeddi uu tusiyay inayna Somalia gacan u gali doonin Shiinaha damaca badan, oo fursadaha ka jira Somalia si fiican oo caddalad ay ku jirto loogu faaidayn doono dhammaan shirkadaha ku tartamaya inay baaris iyo soo-saar ka shidaalka Somalia maal-gelin ay ka sameeyaan. Waxaa jira inuu Shiinaha Gobolka Wardheer ee Is-maamulka Somalida ee Ethiopia uu ka sahminayo shidaal. Waxuu damacsan yahay in shidaal kaas laga diro dhinaca badda oo ku taal Garacad oo ah Xeebta bariga ee Gaalkacyo. Taas ayaa keentay in Madaxweynaha uu u saxiixay shirkadda Shiinaha ee CNOOC aagga Waqooyiga Mudug. Waxaa lagu qancay qorshaha ah in Shiinaha la xakameeyo dhinaca shidaalka Somalia.
4.
Cali Maxamed Geedi wuxuu ku qanciyay in asaga uu ku yimid foormulaha 4.5 oo Hawiyye mathalayo; uuna Cabdullaahi iyo koox kaleba awoodin inay ka qaaddo Raiisul Wasaaranimada Somalia. Waqtiga la joogana ay Xamar faraha ka bixi doonto haddii taas la isku dayo, oo arrimo kale oo cusub ay soo if-bixi doonaan oo ay ka mid yihiin dagaallo hor leh oo ka xooggan kuwa maanta ka jira Xamar.
Sida muuqata hadda, Cali Geeddi wuxuu Xamar ku soo laaban doonaa isagoo guuleestay, hawlo cusubna wata, awooddiisuna ay soo korodhay. Nin dad shirar la soo galay, wada-tashi soo suubiyay, meel wax soo wada dhigeen, dhaqdhaqaaq iyo fikrado ku soo biireen iyo nin Baydhaba iska jooga, waayeel aan faca hadda madaxda ah ka duqsan, xanuunsan oo jirran oo jiil kiisu shaqada ka fariistay (retired ah); kee wax lagu darsanaa? Jawaabtu way muuqataa !!!!!
Ina iikay, Markacadey.net
Geedi: "Qorshahay gii waan ku guuleestay."
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1207 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 32 Replies
- 4493 Views
-
Last post by Django
-
- 9 Replies
- 2956 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 0 Replies
- 545 Views
-
Last post by Hibonuraa
-
- 26 Replies
- 1896 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 0 Replies
- 413 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 2 Replies
- 474 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 30 Replies
- 2049 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 11 Replies
- 1202 Views
-
Last post by Hyperactive