“Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin ee ku dagaalama” Cade Muuse
Garoowe (Ogaal) - Iyadoo maamul Goboleedka Puntland uu guud ahaan ku jiro abaabul dagaal oo qaab qabaliya loogu dhawaaqayo, ayaa hadana waxay wararku sheegeen in kulan dhexmaray Cade Muuse iyo qaar ka mid ah madaxdhaqameedka lagu kala kacay, ka dib markii la saluugay, hadal la sheegay in Cade Muuse uu ka jeediyay shirkaa.
Sida ay sheegeen wararka deegaankaa naga soo gaadhay Cade Muuse wuxuu cadho galiyay qaar ka mid ah Garaadadii uu shirka la yeeshay. “Harti wuxuu lahaan jiray, afar Garaad, laba Majeerteen ah, mid Warsangeli ah iyo mid Dhul-bahante ah, kaasina wuxuu ahaan jiray Baharar Same, imikana halkan kuma dhamidin. markaa, qolyihiinan kale ma cuqaalbaad tihiin.” Sida ay sheegeen wararka naga soo gaadhay Garoowe Sidaa waxa yidhi Cade Muuse mar uu kulan la yeeshay Sabtidii koox madax dhaqameed ah.
Wararku waxay intaa ku dareen in hadalkaasi cadho galiyay badi Garaadadii iyo Isimadii shirkaa ka qaybgalay, sida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Garaadada Beesha Dhul-bahante ee sida weyn u taabacsan maamulka Puntland. “Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin ee ku dagaalama.” Ayuu yidhi Cade Muuse sida ay nagu soo gaadheen wararka aanu ka helay Garoowe. Islamarkaana waxa la sheegay in weedhahaas iyo qaar kale oo aan laaqi ku ahayn madaxdhaqameedku ka sa soo yeedheen Cade Muuse. Islamarkaana kulankaasi burburay. Hase ahaatee ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac.
“Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin....
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: “Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin....
kufurti bilahay kuwa way uu dhamaadtay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 704 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 296 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 1584 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 12 Replies
- 3876 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 8 Replies
- 432 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 1 Replies
- 387 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 7 Replies
- 758 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 759 Views
-
Last post by libaaxyare
-
- 18 Replies
- 976 Views
-
Last post by fagash_killer
