Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka hortiisa uga hadlay iscasilaada Ra'iisul Wasaaraha
Last Updated::2007-10-29 13:44:57
Baydhabo(HRNet):- Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa khudbad uu ka hor jeediyey Baarlamaanka soomaaliya uga hadlay iscasilaada Ra'iisul Wasaaraha DFKMG.
Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay inuu ka aqbalay codsiga Ra'iisul Wasaaraha iyo qoraalka iscasilaada ah ee uu soo gudbiyey.
Prof.Geedi ayaa sidoo kale Baarlamaanka Maanta kahor sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Ra'iisul Wasaarenimada kadib markuu eegay danta ummada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed oo kulankan Baarlamaanka maanta ka hadlay ayaa sheegay in Prof.Geedi uu wax badan kasoo qabtay dowlada Soomaaliya isla markaana uu yahay Xildhibaan kamid ah dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada hawsheeda sii wadan doonto,isla markaana dhamaan Xildhibaanada, xukuumada, saraakiisha, hawlwadeenada dowlada ay wadaan hawlahooda, illaa iyo inta laga soo magacaabayo Raíisul Wasaare Cusub.
Madaxweyne Yusuf ayaa ugu baaqay dhamaan mas'uuliyiinta dowlada in ay tusaale ka qaataan go;aanka uu qaatay Ra'iisul Wasaaraha, asagoo mar uu khudbadiisa sii wato yiri "...meeye ragii Xildhibaanada ahaa Qanyare meeh, Muuse Suudi meehe, Cusmaan Caato meeh,....", wuxuuna yiri Madaxweynaha waa in sida Geedi uu dowlada iyo dalka ugu adeegay ay mudan tahay in tusaale laga qaato.
Wuxuuna Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata sheegay in Prof.Geedi wax badan soo qabtay si habsami ahna uu xilkiisa u wareejiyey asagoo sheegay in danta ummada ay tahay mid laga shaqeenayo isla markaana uu hawsha u hayey Prof.Geedi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya xiligan u baahan yahay in la badbaadiyo isla markaana Ra'iisul Wasaare Geedi uu kasii wadi doono Baarlamaanka hawshii ahayd badbaadinta dalka iyo u shaqeynta ummada.
Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay inuu hada bilaabayo wadatashiyo muhiim ah oo kusoo magacaabayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka.
Khudbadihii ay Baarlamaanka kasoo jeediyeen Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degay, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayey xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kusoo dhaweeyeen sacab.
Maxamed Cabdi
HorseedNet.com


