Dagaalka Cabdullaahi iyo Geedi ujeeddada ka
danbeysaa maxay tahay?
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Dibi geesa wayn lo,da harkuu ka saaraa isna ma harsado) hadda C/llaahi qarankii soomaaliyeed wuxuu u burburiyey oo cadawgii soo jireenka ahaa ugu gacan galiyey mar aad kursigii Maxamned Siyaad fariisatid oo ha lagu dhoho Jaalle Madaxwayne,laakiin su,aashu waxay tahay Cabdullaahi kursigii fariisaye Jaalle Madaxwayne ma layiri mise xabbaddii uu 30 sano ka hor qaranka soomaaliyeed ku bilaabay baa ku socota asagii? Waxaan filayaa inaysan ahayn markhaati ma doonto cabdullaahi inuu noqday dibigii geesaha waynaa ee lo,da harka u diiday isna harsan waayey oo waxaa alle ku salliday qolo harka u diidday.
Cabdullaahi iyo geeddi haddaan usoo noqdo lama dhihi karo nimankaan waa kala fiicanyihiin oo nimanku waa isku aragti guud waana ka midaysanyihiin aragtida guud oo ah in la dulleeyo shacbiga soomaaliyeed lana hoos geeyo Addis ababa mana aaminsani maanta Cabdullaahi inuu noqday waddani geeddina khaa,in waddan xoolihii shacabka lunsanaya inuu yahay, balse sartu nimanka waxay isaga qurunsantahay waa saddex arrimood.
1.Madax adayg- oo labada nin waa laba nin oo atooorayaal ah, attoore kastana waa duwa bistool nin kan kale amarkiisa ku shaqaynaya ama aaminsan ma jiro nin go,aankiisa kan kale uga tanaasulayaana ma jiro.
2.Qabiil-- oo attoorahaan hadda Madaxwaynaha ihi waa oday qabiil ee horta oday qaran ma ahan, kursigaan hadda uu ku fadhiyana dhib badan buu u soo maray,Markii Geeddi looga gudbay karakeeshinkii hore oo lagu baaba,shay dadkiisii ayuu wuxuu u muuqday geeddi mid ku baraarugay odaga iyo xeeladihiisa oo uu bilaabay dadkiisii uu dhiig iyo dhaqaalaba baaba,shay inuu la shiro,Cumar Caddaani oo xataa dhagaxdii hotteelkiisa ay fuqfuqsadeen malleeshiyaadka Geeddi Jabuuti ayuu kula soo kulmay, Madaxwaynihii hore ee dalka Dr Cabdiqaasin shir dheer ayuu la yeeshay oday dhaqameedyo beelaha hawiye ah waa la shiray isagoo ku beerlaxawsanaya dawladdu waa qaldantahay in la idin laayana ma ahan iwm si bal uu usugu dayo qaladka uu tolkiisa ka galay inuu dib u soxo, isagoo raba inuu kaga gudbo xaaladdaan haysata iyo marxaladddaan taagan .
Waxaase maanka odaga buur fuula ah iyo inta la joogtaa ka guuxaya geeddi waa waalanyahay waddadii looga bartay ee ahayd baabi,inta beelaha hawiye wuxuu doonaba ha dhecee inuu qaaday ahayd oo uusan ka harin waddadaas , "Geeddi intuu asagu baabi,i lahaa amay u roon tahay sii wadidda baabi,inta tolkiisa " Geeddi kama daalin baabi,inta tolkiis laakiin si bal uu uga hortago mooshinkaan ku socda waa inuu isbitaallada ku wareego oo dadkii uu dhaawacay soo booqdo, waa inuu siinka dheer iyo lafoole tago si uu shirar ula qaato dadkuu barakiciyey waana inuu ku beer laxawsado ar USC cusub aan biloowno iwm. Marka nimanku hal mid bay isku dhaamaanoo Oday Cabdullaahi tolkiisa waa dhaqaalaystay Geeddise doqonnimadii lagu sheegi jiray ciddaa ka soo baxdayoo dadkiisiiyoo la barakacshay ayuu 4 Milyan oo doolar aroos ugu dhigay wiilkiisa "Waxaasaa nina".
Labada nin Xabashidu ninna Seeddi iyo xidid bay la tahay oo waa Geeddi ninna waa asyaano oo waa raggii horay u aflaxay uguna baasay imtixaankii dargiga, inkastoo Geeddi yiri qudbaddiisii ugu danbeysay (Xabashi wax wax laga sheegaba maanta waxay arrintu maraysaa in jacaylka loo qabo xabashi darteed ay shacabkii soomaalyeed la ooyayaan)Marka waa hadal qabta nin xidid looyahay, laakiin labada nin kala diricsan, Ninna kalmadda kor buu ugu dhawaaqay ninna hoos buu u yiri oo dhagtuu ugu sheegay saraakiisha xabashida ee ku ag xeeran.
3.Dhaqaale----Oday Cabdullaahi waa nin xariifa oo yaqaanna qaabka la magaxbaxay qaybiyoo xukun,taasoo macneheedu tahay in jawaan caddayaal lacaga la diyaariyo si loo kala gatto shacabka,odayaasha, iyo inta culayska ku dhex leh bulshada.
-Geeddise.....Waa nin xiiqsan oo runtii aad u malaysid inuusanba waligiis koob biyaa cabbin, wuxuu gacanta ku dhigo waxaa la arkaa markii ay oday cabdullaahi is qabtaan oo laaluush aan sidaas u sii buurnayn ayuu baxshaa.
Ma ahan nin gacan furan, waana nin hunguri wayn, waa nin ujeeddada uu madaxda u yahay uun ay tahay lacag uruurso, waa nin aan u muuqan nin qaran raisal wasaare u ah, waana nin aan waxba xeerin hadday noqon lahayd Tolnimo iwm alleylehe isma dhaantiyo dhasheeda dheh.
Arrinka la isku hayo ee xagga dhaqaaluhu ma ahan midkood inuu leeyahay aan shacabka wax ugu qabanno ee waa lacagta wax iga sii iyo kaa siin mahayo adba kan Puntland waxba igama siisid iwm.
Muxuu ku danbeyn doonaa nizaacaan iyo buuqaan ka dhextaagan labadaan nin?
1.Geeddi oo xilka laga qaado, hadduusan tolkiisa baabi,inta uu ku hayo sii wadin lacagtana keenin.
Xilka marka laga qaado maxaa dhalan kara?
A.Abgaal oo muqaawamada ugu soo biira si aan dar alla ahayn.
Ama
B.Geeddi oo fakada lana goosta wuxuu hayey oo lacaga.
Ama
C.Xilalka oo laga qaado dhammaan wuxuu geedi magacaabay.
D.Cali mahdi oo awalba hotteelley ahaa lacag raadisna ku jira jeebkana ugu jira Duqa buur fuula ah oo loo magacaabo Raisal wasaare.
Ama
E. Geeddi oo min 30 kun oo doolar siiya dhammaan xubnaha baarlammaanka si ay ugu cusboonaysiiyaan dawladdiisa, maxaa yeelay arrinku xiniinya taabad buu taaganyahay sida geeddi aaminsanyahay.
Aragtidayda...
Markaan eegno baarlammaanka soomaaliya dadka u matalaya shacbiga waxaa la dhihi karaa runtii ma ahan dad qaddiyad fog leh oo waa dad hunguriga ka hadla waxayna u codaynayaan kii xoola bata labada oday.
Geeddina waa tab yaqaan baarlammaanka oo waqti isagama lumiyo lacag buuna u qaybin dibna waa loo dooran.
Nin aan saaxiib nahay ayaa ii sheekeeyoo wuxuu ii sheegay inuu mar lahadlay nin Baydhaba jooga oo baarlammaanka ka mid ah waxaana markaa socday Mooshin ka dhan ah Geeddi, wuxuu yiri ninkii baarlammaanka ku jiray war ninyohow dhul baan halkaas ku leeyahay kii aan ka helo xoogaa aan dhawr qol ku dhistaanan u codayn marka baarlammaanku waa wax sidaas ah oo hadda geeddi culays inaysan ku hayn ayaan filayaa maaddaama geeddi xoola badan hayo.
Waxaan ka dhursugaynnaa 12ka bishaan okt iyo meesha uu ku danbeeyo dagaalka labadaa nin..
Qore Yuusuf Cali Gureey Siyaad (Taaxug) Reer Warfaa Dalal
Reer Dalals view on the current situation!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Posts: 51
- Joined: Sat Sep 15, 2007 10:42 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by -!-Dalmar-!-
-
- 4 Replies
- 864 Views
-
Last post by qardasay
-
- 2 Replies
- 58 Views
-
Last post by Ni Hao
-
- 16 Replies
- 1677 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 18 Replies
- 1344 Views
-
Last post by Hawdian
-
- 0 Replies
- 554 Views
-
Last post by D-Runner
-
- 4 Replies
- 884 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 12 Replies
- 1265 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 574 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 8 Replies
- 947 Views
-
Last post by DawladSade