Dad ka soo barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho oo soo buux dhaafiyey Magaalada Kismaayo
Kismaayo:-Dad isugu jiro Dumar ,Caruur iyo Waayeel oo ka soo cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Magaalad Muqdisho ayaa soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Dadkaan oo intooda badani ay ka muuqato dhibaatada iyo diif xooggan ayaa Waxaa kala sheekaystay dhibaatada ay la kulmeen inta ay ku soo jireen wadadda iyagoo u sheegay Wariye Cabdi Yare in wadadda wixii ay haysteen ay uga soo furteen kooxo burcad ah oo jidgooyooyin ay u yaalaan wadadda dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho ilaa Kismaayo.
Dadkaan ayaa qaar ka mid ah waxaa ay u gudbeen dhanka xadka Kenya iyo Magaalada Dhooblay halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo.
Dadkaan ayaa ka soo cararay dagaaladii ba,naa ee u dhexeeyey ciidamada DFKM oo ay saacidayaan kuwa Itoobiya iyo Kooxaha wax iska caabinta oo ah taageerayaashii MMI.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa baryahaan shirar wada tashiyo uga socdaa Masuuliyiinta Beesha Sade oo haatan gacanta ku haya Magaalada Kismaayo Saxaafada gudaha ayaa loo diiday inay booqdaan goobaha uu shirka uga socdo Masuuliyiinta Beesha Sade.Ilaa hadda lama garanayo waxa loogu wada hadlayo Shirarka socda walow ilo wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo ay u sheegeen Shababkada wararka Halgan.net in shirkaan uu la xiriirto dagaalada ka soconaayo Magaalada Muqdisho oo laga cabsi qabo inuu ku soo fido Gobolada Jubooyinka.
Dad ka soo barakacay oo soo buux dhaafiyey Kismaayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
Alta Vista [Bot2]
- SomaliNetizen

- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 445 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 13 Replies
- 950 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 10 Replies
- 629 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 3 Replies
- 319 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 2 Replies
- 503 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 1 Replies
- 438 Views
-
Last post by Murax
-
- 14 Replies
- 725 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 4 Replies
- 389 Views
-
Last post by juzme123
-
- 3 Replies
- 316 Views
-
Last post by gemini07