Researching Olol Diinle
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 5212
- Joined: Mon Dec 04, 2006 11:05 pm
- Location: Vancouver, British Columbia, Canada
- Contact:
Researching Olol Diinle
I have been building a wikipedia article about the last ruler of the Imamate of the Ajuuraan, Olol Diinle. I have a pretty concise history from his 1915 alliance with Hobyo and Italy against the Darwiish forces attacking Beletweyne, to his attack on Dejazmach Beyene Merid at Goba in 1935.
http://en.wikipedia.org/wiki/Olol_Diinle
This is the timeframe that Olol Diinle played a small but important role in history, so he has left a mark, and I could write my article based on this. The Italians and Ethiopians both wrote about him and his army, so it is a detailed picture.
I don't know about his early life or what happened to him after Goba though. Does anyone know?
http://en.wikipedia.org/wiki/Olol_Diinle
This is the timeframe that Olol Diinle played a small but important role in history, so he has left a mark, and I could write my article based on this. The Italians and Ethiopians both wrote about him and his army, so it is a detailed picture.
I don't know about his early life or what happened to him after Goba though. Does anyone know?
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5212
- Joined: Mon Dec 04, 2006 11:05 pm
- Location: Vancouver, British Columbia, Canada
- Contact:
Re: Researching Olol Diinle
There is an article that seems to have quite a bit of information, but I can't read Somali. Maybe one of you guys could help me?
Hagardaamooyinkii Xabashida iyo Duudsigii Xuquuqda Soomaalida.
Ingiriisku wuxuu sidoo kale heshiis la galay Boqorkii Xabashida (Menelik) in uu duulaanka kala qayb galo, isaga oo u tusiyey in Seyidku labadoodaba nacabkooda yahay, danahoodana carqalad weyn ku hayo. Waxaana jigjiga laga soo diyaariyey 5,000 oo ciidamadii Abasiiniya ah oo ay la socdeen laba khabiir (sarkaal) oo ciidamada Ingiriiska ah. Waxaana ciidamadaas loo diray in ay tagaan "Togfaafan", halkaas oo la filaayey in ay ahayd jidka keliya ee Seyidku Ogadeen ka geli karo marka la jebiyo. Ugu dambayntiina Saddexdii bishii Diseember 1903 ciidamadii Xabashida ee Menelik u qorsheeyey in ay Daraawiishta la dagaalamaan ayaa ka baxay meesha loo yaqaan Baabiili. Isbahaysigii gumeystayaashu dagaalkii ay kula jireen Daraawiishta waxa uu socday ilaa aakhirkii 1920kii oo ahaa markii Darawiishta la jebiyey.
Gugii (1905) cabsidii Soomaalidu, gaar ahaan Banaadir Xabashida ka qabtey ayaa rumowday, ka dib markii ciidamo Xabashi ah oo lagu qiyaasay ilaa dhawr kun, aadna u hubaysnaa ?oo Fardooley ah ay soo gaadheen ilaa duleedka magaalada Balcad oo Xamar wax yar u jirta. Qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas deganaa ayaa u midoobay, halkaasna waxaa lagu jebiyey ciidamadii Xabashida. Labo sano ka dib markii Amxaarada la jebiyeyna waxa ay duulaan cusub ku qaadeen Luuq, halkaas oo ay dad ku laayeen xoolo aad u tiro badana ku dhaceen. Luuq waxa ay ka tirsanayd dhul 180 mayl ah oo ka bilaabanayey webiga Juba (waqooyiga Baardheere) ilaa laga gaadhaayo xuduudka Somaliland, hase ahaatee Xabashidu markaas sheeganaysay.
Mudadii u dhexaysay1905-1907, Waxa ay ahayd waqti ay yaraayeen dagaaladii ka dhexeeyey Soomaalida iyo gumeysigii Talyaaniga. Sida Talyaanigu aaminsanaa, xilligaasi wuxuu ahaa, xilligii xidhiidhka Daraawiishta Seyid M.C. Xasan iyo kuwii Banaadir sii kobcay. Waana waqtigii Seyidku warqadda u direy Biimaal, ee uu ku dhiiri gelinayey in ay gaalada jihaad ku qaadaan. Waxaase mudadaas dagaalo ka socdeen dhulka Soomaalida (Shabeele) ee Xabashidu isku fidineysay.
Markii taariikhdu ahayd 16 May 1908 Xabashida iyo Talyaaniga ayaa heshiis ku kala saxeexday ?ku heshiinta? xuduudyada dhulka Soomaalida ee ay qaybsadeen.. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii Xabashida Menelik, ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilowda Doolow ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhinaca waqooyi Doolow looga baxo. Heshiiskaas labada dhinac gaadheen qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas lagu heshiiyey deganaa cidina lama tashan, kala qaybsigaasuna wuxuu keenay in dhinaca Talyaaniga Raxanweyn la raaciyo, dhinaca Xabashidana Dagoodi, Ogaadeen iyo qabiilo kale oo badan la raaciyo.
Dadkii kala qaybinta iyo kala qoqobka dadka Soomaalida ka soo horjeestay waxaa ka mid ahaa Suldaankii Ajuuraanka, Suldaan Olol Diinle. Suldaanku waxa uu weeraro isdaba joog ah ku qaadi jirey dhulka Xabashidu iyo Qabiilada Soomaalida ee taageeraa degganaayeeen.
Suldaan Olol Diinle wuxuu dhashay dabayaaqadii qarnigii sideed iyo tobnaad, wuxuuna ku dhashay magalaada Shilaabo oo ka tirsan dhulka Xabashidu gumeysatyo ee hadda loo yaqaano Kililka shanaad. Halkaas oo uu dugsiga quraanka ka dhigtay kuna barbaaray. Suldaanka waxaa la sheegay in uu isaga oo lix jir ah ka soo hor jeestay Xabashidii dhulkaas imaan jirtay ee baadda (Gibirka) ka qaadi jirtay Soomaalida. Wakhtigaas maadaama dadka dhulkaas degganaa u badnaa ay xoolo dhaqato ahaayeen oo aanay lacag haysay Xabashidu waxa ay dadka ka qaadan jirtay Subag, Malab iyo wax kasta oo ay markaas anfac u arkayeen.
Soomaalidu wakhtigaas wax hub ah ma haysan oo aan ka ahayn waran, fallaadh iyo tooray. Sidaas darteed Xabashida oo hubka iyo rasaasta ka heli jirtay waddamada reer galbeedka, waxaa u suurto gashay in ay Soomaalida xoog ku muquuniyaan; dhulkoodana tartiib tartiib ugu fidaan. Wakhtigii Xabashidu dhulka Soomaalida ku fidaysay waxa ay isku dayday in ay odayaasha iyo wax garadka Soomaalida ka dhaadhiciso in ay xukunka Xabashida hoos yimaadaan, aqbalaana in ay yihiin dad Itoobiyaan ah. Suldaan Olol Diinle wuxuu ka mid ahaa odayaashii iyo wax garadkii arrintaas ka soo hor jeestay; ka dibna Xabashidu waxa ay bilowday in ay isku daydo in ay mucaaradkaas xoog ku muquuniso.
Soomaalida oo aad uga werwer qabtay in dhulkooda Xabashidu danaynaysay uu ku wareejiyo ayaa 1944kii odayaashii wax garadka ahaa ay ka codsadeen Ingiriiska in aanu Xabashida ku wareejin. Hase ahaatee, si Xabashidu u soo jiidato odayaashii ku kacsanaa ayey odayaashii qabiilada dhulkii la isku haystay degganaa mushahar kii Ingiriiska ka badan u qortay. Waxaa kale oo la weriyey in ay jireen odayaal labada dhinacba mushahar ka qaata. Waxa ay ahayd markii gabyaagii caanka ahaa ee Faarax Nuur uu lahaa:
Ingiriis Axmaariyo Talyani, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
..Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
?Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
?.Hadaad niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa
oydaan Ilaahay ka go'in hayna oodina.
Sannadkii 1947 Qabiiladii Soomaalida ee dhulka Itoobiya gumeysato degganaa oo dhan marka laga reebo Ciise, waxa ay ka soo hor jeesteen in dhulkooda Xabashida lagu wareejiyo . Waxa ayna Ingiriiska ka codsadeen in cabashadooda Qaramada Midoobay loo gudbiyo. Hase ahaatee, Ingiriisku dheg uma jalaqsiin cabashadii Soomaalida dhulkaas deggan, wuxuuna go?aansaday inuu dhulkaas Xabashida ku wareejiyo?wuxuuna Ingiriisku ku adkaystay inuu tixgelinayo heshiiskii uu Xabashida la galay 1942 iyo 1944 ee la odhan jirey Anglo-Ethiopian. Markii wareejintaas lagu dhawaaqayna waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay mudaaharaad aad u weyn, waxaana ku dhintay 25 qof oo Soomaali ah.
Markii sanadku ahaa 1949 Suldaan Olol Diinle iyo toban nin oo kale oo ahaa kuwii ay siyaasad ahaan iyo halgan ahaanba aad isugu dhowaayeen ayaa Xabashidu xidhay. Nimankaas markii hore waxaa la isugu keenay magaalada Qalaafe, ka dibna waxaa loo gudbiyey Harar halkaas oo looga sii gudbiyey Addis Ababa?Xabsiga ?Alanbaqa??xabsiga aan ka soo noqoshada lahayn. Tobankaas nin waxa ay isugu jireen qabiilo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ajuuraan, Baantu (reer shabeelle) iyo Ogaadeen. Waxaana ka mid ahaa laba nin oo Suldaanku adeer u ahaa oo la odhan jirey Cabdikariim Diiriye Olol Diinle iyo Cabdullaahi Diiriye Olol Diinle. Waxaa kale oo raggaas ka mid ahaa rag Suldaanka hablihiisa qabey. Waxaana aakhiritaankii (1953) Suldaan Olol Diinle lagu dilay Xabsigii Xabashida.
Taariikhdu markay ahayd 28 Feb. 1954 Ingiriisku isaga oo aan haba yaraatee tix-gelin Soomaalidii dhulka ?reserve area? degganayd, ayuu xabashida heshiis cusub la galay. Wuxuuna si toos ah Itoobiya ugu wareejiyey dhulalkii Hawd iyo Reserve Area. Dhammaan maamulkii (shaqaalihii) dhulkaas degganaana ee Ingiriiska waxa lagu amray in ay ka baxaan, marka laga reebo ?xafiis yar? oo ku yaallay Jigjiga. Xafiiska oo uu maamule ka ahaa nin la yiraahdo John Drysdale. Sida Ingriisku sheegtay, ujeedada ugu weyn ee Mr. Drysdale xafiiskaas loogu reebay waxa ay ahayd inuu ilaaliyo xuquuqda daaqsinta ee xoolaha Soomaalida ee dhulkaas. Arrintu siday doontoba ha ahaatee, arrintaas Ingiriisku ku tallaabsaday waxa ay lama filaan iyo fajac ku noqotay dadkii Soomaalida ahaa ee dhulkaas degganaa iyo kuwii reer Somaliland; waxaana isla markiiba la sameeyey bannaan baxyo aad u waaweyn oo dadku ku muujinayeen in ay ka xun yihiin ?munaafaqnimada? Ingiriiska. Waxaana markiiba Wefdi loo diray London si ay dacwadooda ugu soo bandhigaan.
Inkasta oo magaalooyinkii Ingiriiska ee wefdigu booqday xoogaa beer jileeca (sympathy) looga muujiyey, haddana faa?iido la taaban karo kama soo helin. Ka dib markii dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya?Talyaanigu xukunkii ku wareejiyey, dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed (S.N.L iyo U.S.P) ee Somaliland ka jiray way iska yaraadeen.
Inkasta oo dhaqdhaqaaqyadii xisbiyadii mucaaradka ahaa ay daciifeen, waxaa sii batay kacdoonkii dadka (shacbiga) ka soo hor jeeday xukuumadda Xabashida. Kacdoonkaas cusubi wuxuu xoogaa garawshiyo (sympathy) ku abuuray maamulkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey. Hase ahaatee, waxaa cadaatay in Ingiriiska arrintii farahiisa ka baxday. Waayo, wax kale iska daaye, xafiiskii Ingiriiska ee Jigjiga ku yiilay ayaa awoodiisii sii yaraatay, xuquuqdii dadkii Soomaaliyeed ee Hawd iyo ?Reserve Area? degganaana waxba wuu u qaban waayey. Heshiiskaas Xabashida iyo Ingiriisku wada galeen wuxuu ahaa mid asalkiisu ka soo jeeday, heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashidu 1897, iyo kuwii 1942 iyo 1944kii. Xoghayihii Gumeysiga (Colonial Secretary) u qaabilsanaa?isaga oo difaacaya bixinta dhulkaas iyo taageerada Ingiriisku taageeray Xabashida ayaa khudbad uu ka jeediyey 1955kii Guriga Baarlamaanka (The House of Commons) wuxuu sheegay in bixinta dhulkaas ay asal u tahay heshiiskii 1897kii ; sidaas darteedna aanay sahlaneyn in haba yaraatee wax laga bedelo.
Bishii Abriil 1956, ka dib markii kacdoonkii Soomaalidu joogsan waayey, ayaa dawladdii Ingiriisku Wefdi u dirtay Itoobiya si ay ula kulmaan Boqorka laftiisa una soo bandhigaan qorshe dawladda Ingiriisku dhulkii Hawd iyo ?Reserve Area? dib uga ?iibsanayo.? Hase ahaatee Xabashida sheekadaasi way u cuntami weyday.
Bixinta dhulka Xabashida lagu wareejiyey waxaa siyaasad ahaan aad uga dagaalamay xisbigii NUF (National United Front) ee uu madaxda ka ahaa Michael Mariama oo aad caan ugu ahaa xornimo raadinta dhulalka Soomaalida ee la gumeysan jirey. Michael Mariama wuxuu si gaar ah door weyn uga ciyaaray shirkii guddiga afarta waddan (Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska iyo Ruushka) ee dagaalkii 2aad ku guuleystay lahaa ee arrinta Soomaalida looga hadlayey. NUF waxa ay sidoo kale ku guuleysan weyday qorshe ay ku codsanaysay in xaaladda looga shiro Qaramada Midoobay, laguna dhammeeyo maxkamadda caalamiga ah ee Hague, Holland.
Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexeeyey ee dhulka ?Ogaadeeniya? ku saabsanaa (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii is-maandhaaf ka yimi habkii guddigaasi baadhitaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah)?si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan. Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xabashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkii iyo waxyaabihii labada dhinac soo bandhigeen qolona kumay qancin, xaaladdiina waxa ay ku dambeysay is-af-garanwaa, waayo Xabashidu waxa ay ku adkaysatay in khilaafka lagu dhammeeyo heshiiskii Talyaaniga iyo Xabashida dhex maray 1908 deedii; meesha Talyaanigu ku adkaystay in heshiisyadii kale ee caalamiga ahaa ee arrintan ku saabsan la tix geliyo laguna xalliyo; oo weliba la sii tix geliyo xaaladda iyo arragtida qabiilada kala duwan ee Soomaalida ku sugan dhulkaas. Wakhtigii Ingiriiska iyo hoggaamiyayaashii ?British Somaliland? wada hadalka xornimada ku jireen, wufuudii Somaliland way diideen in ay ansixiyaan heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashida dhex maray 1897kii, iyaga oo ka baqay in Ingiriisku dhulkaas dhaxal u helo. Arrinta ugu weyn ee qabiiladii dhulka Hawd degganaa khusaysey xagga daaqsinta xoolaha ayey ahayd. Xornimadii Somaliland ka hor, Xabashidu waxa ay sheegtay inaanay qabiilada reer Somaliland daaqi doonin ?Hawd.? Arrintu si kastaba ha ahaatee, wax yar ka dib maalmihii xornimada, waxa ay Xabashidu sheegtay in ay daaqsinta qabiiladaas u oggolaan doonto.
Mudadii Ingiriisku qorshaynayey in uu dadka ?British Somaliland? xornimadooda siiyo, waxa uu wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. Bevin soo jeediyey in dhulalkii Soomaalida ee markaas Ingiriiskku gacanta ku hayey ?Hawd iyo Reserve Area? iyo NFD lala mideeyo ?British Somaliland? iyo ?Italian Somaliland? oo ay noqdaan ?Soomaaliweyn.? Haddana Abril 1960kii markii Somaliland xornimada loo oggolaaday, wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriisku khudbaddii uu guriga Baarlamaanka (House of Commons) ka jeediyey wuxuu ku sheegay in arrintan (xornimada) aanay wax is bedel (xagga xuduudka) ah aanay ku abuurayn; isaga oo ula jeeday wadamada Faransiska, Itoobiya iyo Kenya. Arrintaas natiijadeedii iyo rajadii Soomaalidii reer N.F.D-na sidaas ayey ku dambeysay.
Bishii Maarj 1961, shirkii koowaad ee Wadamada Afrikaanku Qaahira ku yeesheen, weftigii Soomaalidu wuxuu la kulmay wadamo badan oo aad uga soo horjeeda fikrada Soomaaliweyn iyo in goboladii maqnaa Soomaaliya lagu soo daro. Shirkii labaad oo Afrikaanku laba bilood ka dib ku qabteen Monrovia, Liberia waxaa lagu soo gebo gebeeyey in Jamhuuriyada Somaaliya iyo dawladaha ay xuduudka isku hayaan ay iyagu khilaafkooda dhammaystaan.
Taariikhdu markii ahayd Feb. 1964 dagaal ayaa ka dhex dhacay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya iyo xukuumaddii Itoobiya. Dagaalkaas oo ka dhacay magaalooyinka ay ka mid ahaayeen, Doolow, Feer-Feer iyo Tog-wajaale, wuxuu ahaa mid muddo si goos-goos ah uga socday xuduudka dhulka Xabashidu xoogga ku haysatao. Dagaaladaas intaan ciidamada Soomaalidu tooska uga qayb gelin waxaa wadey niman gobonimo doon ah oo uu hoggaamiye ka ahaa Makhtal Daahir. Makhtal waxaa markaas ka hor Boqortooyadii Xayle Selaase (Haile Selasse) ku xukuntay dil, laakiin Boqorka ayaa mar dambe toban sano oo xadhig ah ugu bedelay. Dagaalkaas waxaa markii dambe soo dhexgalay Ururka Midowga Afrika oo dhexdhexaadiyey labada dal. Waxaana lagu heshiiyey in labada waddan ku kulmaan dalka Suudaan. Ka dibna waxa ay labada waddan isku af-garteen:
? Xabad joojin deg deg ah
? In la magcaabo guddi ka kooban saraakiil labada dhinac ka socota oo baadha sababaha keenay dagaalka
? In dhinac kast xuduudyada labada ciidanba ka durkaan masaafo dhan 20 Mayl.
Bishii Sebtembar 1968, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ra
Iisal wasaaraha Soomaaliya ahaa ayaa wuxuu ka qayb galay shir ay madaxweynayaashii Afrika (O.A.U) kaga qayb galeen magaalada Kinshasa, Zaire. Shirkaasna waxaa la sheegay in Cigaal si gaar ah ula kulmay weftigii ka socday dawladda Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda dhulka Xabashidu gumeysato. Waxaase la weriyey in weftigii Xabashidu aanay wax xiiso ah u ahayn doonaynna in dhulka ay gumeystaan lala soo qaado. Halkaasna waxaa ku dhintay rajadii laga qabey in ?Somaliweyn? iyo in la xoreejo dadyowgii Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa cadaadiska Xabashida iyo Kenyaanka.

Another article, this one also mentions Omar Samatar, the Majerteen resistance leader that was trying to restore the Sultanate of Hobyo and Sultan Kenadiid.
Sanadkii 1924 kii waxaa Talyaanigu u magacaabay Degmada Ceel buur Gobornatoore ama gudoomiye gobol oo talyaani ah lana dhihi jiray Franco Carolei waxaan arintaas diiday dadkii deganaa deegaankaas oo ka hor yimid isuna diyaariyey dagaal ka dibna shir iyo wada tashi dheer oo arintas laga qaatay waxaa eey ku heshiiyeen Cumar Samatar oo wakiil ka ahaa Majeerteen iyo Madar Warsame oo metelayey Habar gidir in gaalka iyo ciidankiisa la laayo si qarsoodiyana loo shirqoolo waxaana eey arintaas kala heshiiyeen Caqiid WArsame Xasan oo habargidir ahaa oo kaaliye u ahaa gaalka Franco,
gaalkii Franco wuxuu xafiiskiis ku qaabilay ragaasi iyo ciidan tooreeyo soo qarsaday halkaas ayaana lagu dilay Franco iyo askartiisii isla goobtiina xersi guushaa iyo maxamed goda gode ayaa waxeey meeshii ku dileen caqiid warsame xasan oo ahaay ninkii hirgeliyey in la dilo gaalka halkaasna waxaa isku dagaalay labadii kooxood oo dagaal ku dhex maray Balliga Dabare laguna jebiyey kuwii Cumar Samatar halkaasna waxaa lagu dilay Goda gode iyo Guushaa.
Intaas kadibna Cumar Samatar wuxuu heshiis la galay Boqor Xeeyle Salaase oo xukumayey itoobiya si uu garab uga helo una soo horkaco gumeysiga Amxaarada wuuna la soo saftay isagoo dagaal ku qaaday ka dib markuu ka helay saanad ciidan boqorka Suldaan Olol Diinle iyo Suldaan Xuseen Xeeyle oo xukumayey Qalaafe iyo Godeey isla markaana hortaagnaa is balaarinta itoobiya oo ku ekeeyd xiligaas Jigjiga ayaa cumar samatar u balan qaaday boqor Xeyle salaase inuu gacanta usoo geliyo dhulkaas Somali galbeed.
(waa tan maanta uu c/laahi 80 sano ka dib usoo horkacay isagoo metelaya booskii Cumar Samatar oo eey ilma adeer ahaayeen inuu u gacan geliyo itoobiya intii ka hartay dhulkii soomaaliyeed taariikhda ayaase xusi doonta welina waxaa jira dad badan oo wadaniyiin ah oo ka dhiidhinaya gumeysiga cusub)
Cumar samatar oo gumeysiga kabaha u qaadi jiray umaddana usoo hogaamin jiray Dowladii siyaad bare arimo iyo faan qabiil aawgiis waxaa loo diiwaan geliyey inu ahaa WAdani soomaaliyeed iyadoo dugsiyo iyo meelo farabadan logu magic daray waxaana loo sameeyey taariikh been abuur ah isaga iyo rag kale oo badan oo korkaas uga eg soomaali laakiin ahaa gumeeysi madow, gabay uu Tiriyey abwaan la yiraahdo qaasim oo uu uga haldayayey raga dusha soomaalida uga eg laakiin gaalka uurka kala jira ayaa ahaa:
"Dusha middabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsadee qalbigu waa diirkii faranji".
"Allahayow muxuu Faranjigii doqon fariideeyey muxuu Feyda laawiyo nin ragah feylka wada joojay muxuu nimaan aabihiis fuuli jirin faras u heenseeyey",
sow noqon meeyso hadaba "Damaca majeerteen waa Doqon Muraadle"
Aqristoow Buun buunintii Cumar Samatar bedelkeeda Bishii Abriil 1988 kii waxaa ku geeriyooday dalka Talyaaniga Mudane C/laahi Ciise oo soomaalidu si weeyn ugu taqaanay halgankiisii gobanima doonka iyo SYL kana jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qudbadii Taariikhda gashay ee Abriil 1949 kii si weeyn loogu sacbiyey looguna ogolaaday soomaliya ineey qaadato xornimo lana siiyo 10 sano oo maamul hoosaad ah si eey u gaarto xornima qaadashada wuxuuna ahaa raisul wasaarihii iyo qofkii ugu horeeyey oo madax Soomaaliyeed oo sharciya xorna ah noqda 10 kaas sano, sidoo kale wuxuu ahaa masuulkii dadaal weeyn u galay in la sameeyo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo uu weliba saxiixay derejada uu kaga mid noqday ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Maxamed siyaad bare oo isaga markii danbe dalka ka ceeyriyey
Waxaa fogeeynta heeybta qabiil uu ka soo jeedo darteed iyo marin haboowga lagu sameeyey taariikhda in meeydkiisa la keeno dalka uu u diiday siyaad bare isagoo weliba masaafuris ku joogay dalka gumeeysigii Talyaaniga uu wadanka ka xoreeyey,
Ugu danbeeystiina waxaa meeydkiisa in wadanka lagu aaso siyaad bare uga baryay oo u tegey ragii ka joogay halgamayaashii SYL oo uu hogaaminayey Maxamuud Aadan Yuusuf oo loo yaqaaney (Yuuro)
Yuuro wuxuu ahaa geesigii C/laahi ciise dartiis cirbada loogu tijaabiyey oo naftiisa u hururay si aan loo dilin C/laahi ciise markuu aadayey Qaramada midoobay.
Siyaadna sidaas ayuu ku ogolaaday isagoo ka baqaya carada dadka aawgeed in lagu duugo wadankii uu xoreeyey iyadoo warbaahinta qarankana aan wax ku saabsan wax qabadkiisii iyo magaciisa laga sii deeyn, wadanka gudihiisa iska daa taalo loo dhiso ee ma jirto xaafad iskuul, magaalo iyo goob kale midna oo lagu magacaabay C/laahi ciise
sidoo kale wax raad raaca kuma laha C/laahi ciise taariikhda iyo halganka lagu baran jiray manaahijtii wadanka oo lagu xusay kuwa aan maalina ineey dhabarka ka jebiyaan ama oof-wareemaan maahee qadiyada Soomaaliyeed aan waxba u tarin sababo xaga qabiilka iyo deegaanka u ka soo jeedo ah aawgeed.
Hadaba sow arintaani iyo kuwa faraha badan ee la midka ah maaha dagaal aan waligiis dhamaaneeyn iyo uur kutaalo aan harin oo facba fac ka dhaxli doono sidee lagu heshiin inta dhaqankaasi uu jiro?
Gabay nin abwaana uu tiriyey ayaa ahaa :
"Xaashee nin libin kaa xasdiyey xumihi waa yaabe"
Waxaa taas la mid ahaa 28 kii luulyo 1990 kii waxaa uu siyaad bare diiday in meeydkiisa la keeno wadanka DR Abuukaate Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ku geeriyooday dalka talyaaniga abuukataha oo u doodi jiray dadka uxiran siyaasada isla markaana ahaa isku xirihii Qeeybihii USC ee talyaaniga itoobiya iyo xamar arintaas oo dhalisay caro weeyn kadib markii loo diiday xamar oo uu ka soo jeedo,
ugudanbeeysiina siyaad oo lagala taliyey dhibaatada iyo foolkaanaha ka imaan kara hadii uu ku adkeeysto diidmadiisa wayo dadka degan xamar 90% waxeey ahaayeen dadka hawiyaha oo uu metelayey ismaaciil jimcaale maalintaas oo loo bixiye maalintii hawiye is bartay oo ciida oo dhan eey nuuxsatay waxaa ka soo qeeyb galay aaskiisii dad dhan 800.000 kuna dhoweeyd kala bar dadka degan xamar waxaana si dhex dhexaadin badan loo galay uu u ogolaaday siyaad bare isagoo ka baqay ineey kacdoon deg deg ah keento ayuu ogolaaday in lasoo mariyo wadada warshaddaha oo aan shacabku arag eeyna tagaan oo ku sugaan meeydka qabuuraha lagu duugayey oo ahaa Ceel Cirfiid.
Dhimashada iyo duugtiisa midna maalintaas lagumana xusin warbaahinta Qaranka oo dowlada gacanta ugu jirtay mana jirin jaraaid ama idaacad madax banaan waxana halkaas laga dareemayay sida dowlada iyo shacabkeedu ukala fogaadeen iyo iska hor imaadka qabiilka iyo jir naceeybka ku saabsan oo ka dhextaagnaa, markuu dhintay kadibna mudo 6 cisho ah ayuu marxuumku ku jiray qaboojiyaha oo loo diidanaa in la keeno wadanka(Ka fiiri buuga Somaliya Gelbiskii Geerida p 49),
xiligaas idaacadaha caalamka ayuu madaxweeynuhu(Siyaad bare ) kalahaa waa 2% kuwa dagalka ka wada gobolada sow kaaf iyo kala dheeri maaha iyo boog aan reeysaneeyn aqristoow xaqiraadaasi(La soco Q5aad).

- Posts: 5303
- Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
- Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity
Re: Researching Olol Diinle
LOOOL at the hutu piece insulting Cumar Samatar... They still have cuqdad from Boqor Kenadiids time

-
- SomaliNet Super
- Posts: 5212
- Joined: Mon Dec 04, 2006 11:05 pm
- Location: Vancouver, British Columbia, Canada
- Contact:
Re: Researching Olol Diinle
Actually it's Ogaden
http://www.ogaden.com/oolnws030907.htm
The first article is from Somaliland.org
http://www.somaliland.org/opinion/?ID=06122601
What's it say about him? Can you give a synopsis?
http://www.ogaden.com/oolnws030907.htm
The first article is from Somaliland.org
http://www.somaliland.org/opinion/?ID=06122601
What's it say about him? Can you give a synopsis?
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5303
- Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
- Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity
Re: Researching Olol Diinle
[quote="James Dahl"]Actually it's Ogaden
http://www.ogaden.com/oolnws030907.htm
The first article is from Somaliland.org
http://www.somaliland.org/opinion/?ID=06122601[/quote]
What does a shir in Magaalada Toronto have to do?
If you can read Somali (Wink Wink you Iljeex bastard) you can tell from this
"Intaas kadibna Cumar Samatar wuxuu heshiis la galay Boqor Xeeyle Salaase oo xukumayey itoobiya si uu garab uga helo una soo horkaco gumeysiga Amxaarada"
They are praising every hutu in the century but have an cuqdad against abdullahi yusuf and Cumar Samatar and don't tell me so and so wrote the piece... Somali pieces are written by one guy and are carried thru ten portals and this originated from a hutu portal

- Starscream
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2526
- Joined: Mon Sep 10, 2007 11:16 am
- Location: Qardho District.
Re: Researching Olol Diinle
AHAA!
Busted biatch, you're gonna tell us now you can read Somali too as a white boy? What a dumbass. Waryaa give it up, just give it up. Stop humiliating yourself.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Researching Olol Diinle
James,
I will contact Olol Dinle's grand daughter and get back to you.

- Ashlee
- SomaliNet Super
- Posts: 9351
- Joined: Fri Nov 04, 2005 11:49 am
- Location: The night is darkest just before the dawn. And I promise you, the dawn is coming.
Re: Researching Olol Diinle
James Dahl = AbdiWahab252. Case solved.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5212
- Joined: Mon Dec 04, 2006 11:05 pm
- Location: Vancouver, British Columbia, Canada
- Contact:
Re: Researching Olol Diinle
I'm not Somali. I have a crappy Somali-English dictionary that can help me sometimes with the lingo you guys use, and I know a few words, but I can't speak the language at all.
That's why I'm asking you for help with the article.
Thanks AW252
That's why I'm asking you for help with the article.
Thanks AW252
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5303
- Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
- Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity
Re: Researching Olol Diinle
[quote="Ashlee"]James Dahl = AbdiWahab252. Case solved.[/quote]
Exposing iljeexs for years
I can see another iljeex in your avatar with his hawiye madmadoobe complexion
Exposing iljeexs for years

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Researching Olol Diinle
James,
My grandfather met with Olol Dinle in Qalafo. Send me a PM of the questions you want answered.
My grandfather met with Olol Dinle in Qalafo. Send me a PM of the questions you want answered.
- Starscream
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2526
- Joined: Mon Sep 10, 2007 11:16 am
- Location: Qardho District.
Re: Researching Olol Diinle
Dude you browse Somali websites and find articles of your interest written in Somali. Don't tell me you can't read Somali.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Researching Olol Diinle
Olol dinle was a good chap my grand dad used to be one of his advisors. 

- Starscream
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2526
- Joined: Mon Sep 10, 2007 11:16 am
- Location: Qardho District.
Re: Researching Olol Diinle
Olol Diinle once gave me a tufaax.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1639 Views
-
Last post by cyanide
-
- 4 Replies
- 1789 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 2 Replies
- 924 Views
-
Last post by sahal80
-
- 8 Replies
- 763 Views
-
Last post by CUSHITE KINGDOM
-
- 13 Replies
- 938 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 0 Replies
- 606 Views
-
Last post by Otali
-
- 20 Replies
- 16428 Views
-
Last post by PrinceNugaalHawd