DAHABSHIIL The bank of Somalia/ Somaliland Soon........

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

DAHABSHIIL The bank of Somalia/ Somaliland Soon........

Post by LiQaaye_TDH »

www.Golisnews.com

Xawaalada dahabshiil waa Xalaawada ugu Wayn Soomaaliya Waxaana Rajaynaynaa in aan Samayno Bank Dhexe oo ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed

C/qaadir Xuseen "Xawaalada dahabshiil waa Xalaawada ugu Wayn Soomaaliya Waxaana Rajaynaynaa in aan Samayno Bank Dhexe oo ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed



Waxaa inoo suurto gashay in aan Waraysi la yeelano Ku Xigeenka Marketinka Xawaaalada Dahabshiil C/qaadir Xuseen Siciid Xarunteeda ugu Wayn Soomaaliya oo ku Taal Jamhuuriyada Soomaali-land.


Xawaalada dahabshiil ayaa ah Xawaalada ugu Wayn Soomaaliya Waxayna xarumo badan ku leedhay Soomaaliya sida Muqdisho oo ay ku leedahay Xarun dhexe oo aad u wayn Waxay sidoo kale ku leedahay Soomaali-land Xarunta laga maamulo inta badan xarumaha Geeska afrika hadaba Xarunta Dahabshiil ee bk u taala Magaalada Hargaysa waa Caynkee?

Xarunta ugu wayn Hargaysa waxay ku taalaa xaafad lagum magacaabo 26-juun waa 2-fooq oo isku dhagan waxaa ii muuqanayay intii aan ku guda jiray booqashada aan ku tagay Xaruntaasi Shaqaale aad u fara badan oo loo carbiyay qancinta ama soo dhawaynta Macaamiisha, waxaa ii suurto gashay in aan kula kulmo halkaasi Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu waawayn xawaalada Dahabshiil Balse waxa uu i faray in aan waraysi ka qaado mid ka mid ah maamulka.

Waxaan waraysi dhinacyo badan taabanaya aan la yeeshay C/qaadir Xuseen Siciid Waraysigiina waxa uu u dhacay sidatan.


Su’aal waa sidee xaalada Xawaaladaha dahabshiil ee ku taala Soomaali-land qaab caynkee ah ayay u shaqeeyaan?


Jawaab- Walaal Marka hore waan ku soo dhawynayaa hadaad ka socoto web-Dayniile iyo Qaranimo sida aad ka war qabto xawaalada dahabshiil waa shirkada ugu wayn Xawaaladaha Soomaaliyeed oo dhan Waxayna xarumo waawayn ku leenahay daafaha aduunka sida Yurub Maraykanka Carabta ee-shiya iyo meel walba oo caalamka ka tirsan sida aad ka warqabto shirkada dahabshiil waxay dadka soomaaliyeed u suurto galisay in aan isku xirno midkeena caalamka daaftiisa jooga iyo midka Soomaaliya Jooga baashida badana u qaba in si deg deg ah loo soo gaarsiiyo wixii loo soo diray Waxaan ku dadaalnaa in aan ilaalino Magaca shirkada.


Su’aal Waxaan ognahay in Dahabshiil ay Xarumo badan ku leedahay Soomaaliya iyo Soomaali-land Waana Xawaaladii ugu Horaysay oo ay yeeshaan Dadka Soomaaliyeed Miyay awoodaan in Qoffka Jeega wataa uu ka qaadan karo lacagtiisa daafaha caalamka?


Jawaab- Xawaalada Dahabshiil Waxay Rajaynaysaa in ay arintaasi u kuur gasho waana rajaynaynaa in dhawaanahan ay arintaasi soo dhamaato maxaa yeelay xawaalada waa Banka afrika ee aan tilmaami karo in uu ka mid yahay kuwa ugu waawayn maxaa yeelay waxaa bil walba soo mara lacag gaaraysa Bilyan oo ay u kala Xawishaa daafaha iyo dalka Soomaaliyeed Markii hore waxaa lagu shaqayn jiray buug haatana waxaa lagu shaqeeyaa aalad casri ah Marka taas waa ay soo dhawdahay, Maxaa yeelay waxaan samaynaa waxyaabo taas la mid ah qofka wax loo soo dirayo asaga oo taagay Kontarka ayuu qaadanayaa qofka kale oo la hadlaya waxaana rajaynaynaa in aan Noqono baanka ugu Horeeya oo laga sameeyo Wadanka Soomaaliyeed in uu Noqdo Dahabshiil waxaana rajaynaynaa in jeega aad sheektay in looga qaadan karo dalka soomaaliyeed caalamkana waan ku raja waynaha

Su’aal Goorma ayaa la aas aasay Xawaalada Dahabshiil Xarunteeda Magaalada Hargaysa?Jawaab- Waxaa la aas aasay 1995-tii Xarunteeda ugu Wayn Magaalada Hargaysa Waxaana ku yaala Soomaali-land 18- xarumo gaaraya dhamaan Gobolada Soomaali-land waa ay ku yaalaan maxaa yeelay dahabshiil waa mid u adeegta Dadka Soomaaliyeed Xarunta Howlwadeenka oo Hargaysa ku taala guud ahaanba waa tan .


Su’aal ma ku leedihiin xarumo ama laamo dhamaan Gobolada dalka Soomaaliyeed sida aan arkayo Xarunta ugu wayn ee Dahabshiil waxay ku taalaa Soomaali-land?


Jawaab- Haa waxaa ku leenahay Gobolkasta ama magaalo kasta oo ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed Waxaan ku leenahay maamul Goboleed sida Xamar oo ku taala suuqa Bakaaraha Boosaaso Garoowe Gaalkacyo Burco iyo dhamaan caalamka ayaan ku leenahay xarumo waaway sida Dubai iyo London.
User avatar
*jr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4992
Joined: Wed Jun 20, 2001 7:00 pm

Re: DAHABSHIIL The bank of Somalia/ Somaliland Soon........

Post by *jr »

Is this a news event?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: DAHABSHIIL The bank of Somalia/ Somaliland Soon........

Post by The_Emperior5 »

thats verry good he should have his bank
its a great potential to put have the largest bank in easta africa
xafiii haaka furto xammar Somalia HARGEYSA SOMALILAND JABUUTII JABUUTII. AND ADIS ABABA OR EVEN ASMARA
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: DAHABSHIIL The bank of Somalia/ Somaliland Soon........

Post by XidigtaJSL »

Good news for Somaliland/Somalia and Somalis everywhere at least now you can open an account and send money anywhere in the world since Dahabshiil has offices worldwide
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”