Reer Awdal supports Garaxjis in Daroor

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Hanad Mohamed
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 456
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: New Hargaisa 2 Burco Kenya

Reer Awdal supports Garaxjis in Daroor

Post by Hanad Mohamed »

February 18, 2007
Salaadiin Reer Awdal ah oo Gurmad Ahaan Ugu Amba Baxay Daroor
Abokor Hssan Afi, Harowo = Boorama, Feb 16-07-Lix suldaan oo ka socday G/Awdal ayaa maanta u amba baxay degaanka Daroor si ay uga qayb qaataan dhexdhexaadinta labada Beelood ee degaanka Daroor wada dega oo dagaalo sokeeye dhex mareen.


Waftigaasi Awdal waxaa hogaaminaya Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyadoo xubnaha waftigaana ay kala yihiin, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Yuusuf Axmed Cadar, Suldaan Xasan Xaddi Badde, Suldaan C/raxmaan C/Wahaab, iyo Caaqil Xaaji Cabdi Cali waxaanay ugu baaqayaan Labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay Deegaankaasi inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan Dagaaladaasi, waxaanay ugu baaqeen dadkaasi inuuna dagaalku faa’iido lahayn balse Wiil ku dhinto sidaasi awgeed waxaan idinku adkaynaynaa inaad dagaalkaasi joojisaan, dirirta deegaankiina ka dhacaysa.

Maahin markii ugu horeysay ee Hogaamiye dhaqameedyada reer Awdal ay ka qayb qaataan heshiisiin labo beelood oo wada dagaalamaya, waxaanay hore uga qayb qaateen joojintiisa dagaaladii ka dhacay Berbera, iyo Burco oo ay kaalin wayn ka qaateen maantana iyaga oo ka xun dagaaladan dadka walaalaha ah soo kala dhex galay waxay ugu baaqayaan in xabada la joojiyo, dib u heshiisiinta aanu usoconona aad ka qayb qaadataan.

Wariye: Caafi lughaya news Borama


Burco iyo Gaashamo

Gaashamo iyo Sirow
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”