Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u ambabaxay Gudashada Xajka

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u ambabaxay Gudashada Xajka

Post by XidigtaJSL »

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u ambabaxay Gudashada Xajka
December 8th, 2007 [News] |

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta u ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isaga oo ka qaybgelaya gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan.

Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore ka dhoofay Gegida Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isaga oo ay weheliso xaaskiisa, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed, waxa sii sagootiyey xubno ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha oo ay kula kulmeen qolka Marti-sharafta ee Madaarka Hargeysa weriyayaal ka socdey Radio Horyaal iyo Shabakadda Wararka ee Somaliland.org, wax yar ka hor intii aanu halkaa ka dhoofin, waxa uu sheegay inuu u baxayo gudashada Xajka, sidaas darteed aanu ka hadlayn wax siyaasad ah. Waxase uu u duceeyey shacbiga Somaliland, guud ahaan dadka Muslimiinta ah iyo xujaajta uu ka midka yahay ee sannadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in xajkaa aanu maanta u baxnay ee aanu niyeyney uu naga aqbalo. Dadka reer Somaliland iyo muslimiinta guud ahaanna waan u soo ducaynayaa oo aanu illaahay ka baryaynaa inuu caafimaad iyo nabadgelyo iyo wadajir siiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”