Xaalada Amaanka Magaalada Caabduwaaq oo maraya meeshii ugu w

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xaalada Amaanka Magaalada Caabduwaaq oo maraya meeshii ugu w

Post by CoolPoisons »

Xaalada Amaanka Magaalada Caabduwaaq oo maraya meeshii ugu wanaag sanayd Sanadahaan.



Xaalada amaanka magaalada caabudwaaq ayaa waxaa ay maraysaa meeshuu ugu wanaagsanayd sanadihii lasoo dhaafay, waxaana sababay midaas kadib markii ay dhalinyaro u dhalatay deegaankaan waqooyiga galgaduud qaas ahaan magaalada caabduwaaq ay sameeyeen isku day ay ku qab-qabteen isbaareeys-tayaal dhigan jiray geesaha magaalada jidgooyooyin ay waxyeelo ugu geeysan jireen gaadiidka mara wadooyinkaas.

Ururka nabadgalyada magaalada caabduwaaq ayaa waxaa uu hada wadaa hawlo muhiim u ah guud ahaan deegaankaan waqooyi galkaduud, xili-walbana waxaa ay u taagan yihiin bad-baadadinta amniga magaalada.

Qaaab ahaan ururkan waxaa uu u shaqeeyaa sida maamul dawladeed oo kale waxaana udhisan dhamaan hey’adaha maamulka sida Ciidanka Boliska oo hada gacanta ku haya Amaanka. Iyo maamulka dawlada hoose.

Dadka ku dhaqan magaalada caabudwaaq ayaa waxaa ay weeyn u taageersan yihiin ururka nabda galyada walool ay jirto magaalada oo ah laba gidi ama laba qaybood oo aan isku galin.hadana qofkasta waa uu ku faraxsan yahay hawsha ay dhalinyaradaasi dhabarka u riteen.

Geelaan waxaa uu Daaqayaa Meel Magaalada Caabduwaaq u jirta 5- Kiiloo mitir.

Xaafiiska Warqabadka Allwadani

Allwadani@live.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”