Gabyaa iyo Gabar Guurdoon ah
(riwaayad gaaban)
Gabadhii: Walaalo, waxaan maqlay waad gabaydaaye.
GABYAAGII: (oo qab iyo kibir muujinaya) Haa,ina adeer gabayadaydu way badan
yihiin. Farihii bay ka bateen. Anba iima xisaabsana. Hadda, daqiiqado ka
hor, mid baan afka ka qaaday.
GABADHII: Maxaad ka gabaydaa?
GABYAAGII: Wax walba. Maanta dhaqaale, berri siyaasad, mar kale dhulgariir
Shiinaha ka dhacay. Gabaygaygii ugu danbeeyay waxaan ka tiriyay war aan
CNN-KA xalay ka daawaday. (Caloosha qabsaday)hadda gabay baa i haya, (wuu ka
noqday) mise anaa mooday---laabjeexaa mar mar lagu qaldaa.
GABADHII: Walaal, waxaan ku waydiiyay gabayga miyaa la bartaa, ma aqoon
baad u baahan tahay si aad u gabaydo?
GABYAAGII: Maya ina adeer, aqoon haba yaraatee uma baahnid. Wiilwaal iyo
dhalinyaro hadda soo kacday, oo is gaalgaalanaya, ayaa waxaa akhriya. Waa
beentood.
GABADHII:(***) Marka ma waxaad leedahay adiga oo aan adduunka aad joogta
waxba ka ogeyn ayaad waxa ka taagan ka gabyi kartaa?
GABYAAGII: Haa, ina adeer. Qiyaas iyo waxaa kugu filan wararka aad
maqaayadaha ka soo maqasho.
GABADHII: Aniga bal gabay ammaan ah ii tiri.
GABYAAGII: Gabayada ammaanta, dumarku ayaamahan aad bay iiga soo
dalbanayeen. Ii yar sug(warqad buu gabyaagu jeebka kala soo baxay, waxaa ku
qoran magacyada gabdhaha uu gabayada u balanqaaday.) Ina adeer, dhowr
hablood baa kaa horeeya. Xaliimo iyo Sureer baa kaa horeeya. Waan ka ka
xumahay. Waanigii ku sheegay in gabayadada ammaanta ah dumarku isku dilaan.
Mid habaar ah ma rabtaa?
GABYAAGII (maduxuu xoqday) Ammaantu way adag tahay.
GABADHII: Waiting lis-ka igu dar.
GABYAAGII: Waxba kama qabo. Xarafkee baad rabtaa in gabaygu ku socdo.
GABADHII: Maxaad ka wadaa?
GABYAAGII: Ma B-daad rabi lahayd in gabaydu ku socdo, mase S-da, ma T-da,
Y-da, maxaad rabtaa..
GABADHII: Y-da iigu gabay.
GABYAAGII: Y-du way adag tahay, waa inaad sanad sugto, intaan ereyada
uruursanayo ee aan waliba isku aad aadinayo. Waa shaqo idil.
GABADHII: Sanad ma sugi karee, waxaa rabtid iigu gabay.
GABYAAGII: Waxaan kaloo ku waydiin lahaa: Maxaad jeclaan lahayd inaan
barbardhigo bilicdaada.
GABADHII: Kuma fahmin.
GABYAAGII: Ma neef geel ah baan kugu tilmaamaa, ma geenyo ugub ah,
mase roob guya oo markaa soo curtay.
GABADHII: Ma qasab baa, walaal, in wax kale la igu tilmaamo.
GABYAAGII: Haa, waa qasab, suuggaanteenaa sidaa ku dhisan. Waxaan sadexdaa
ahayn gabdhaha laguma tilmaami karo---gaar ahaan geela.
GABADHII: Adigu gabay fiican ii soo tiri.
GABYAAGII: waxaad igu leedahay gabay D-da ku socda o boqol iyo toban beyd
ka kooban. Caawaba iga soo doona guriga waalaashayy baan casho ku leeyahaye.
DHAMAAD
Ruwaayad Gaaban
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
KeligiiJabhad
- SomaliNetizen

- Posts: 939
- Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
- Location: TURMO
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 250 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 4 Replies
- 1045 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 479 Views
-
Last post by EvolSyawla
-
- 9 Replies
- 1211 Views
-
Last post by zingii
-
- 31 Replies
- 2752 Views
-
Last post by udun
-
- 1 Replies
- 461 Views
-
Last post by Ayeeyo Xilwa
-
- 5 Replies
- 551 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 952 Views
-
Last post by Cherine
-
- 1 Replies
- 1052 Views
-
Last post by ina aadan