Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaaska Beesha Sade "Hashiiya oo maa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaaska Beesha Sade "Hashiiya oo maa

Post by CoolPoisons »

Waxaa haatan ka jiro magaaladda B/dheere ee G/Gedo dhaqdhaqaaqyo maamul u sameyn., iyadoo ku sugan yihiin magaalada Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi, Shaqaale ka Socdo Wasaaradda Arimaha Gudaha,saraakiil ka kala socoto UNOPS,iyo Jubbaland oo ah INGO-ga haatan gacanta ku hayo Maamul Usameynta Gobolkani Gedo.

Hadaba, iyada oo ay Sidaa tahay ayaa hadana waxaa jiro Khilaafyo mar walba soo wajaho hannaanka maamul u sameynta Gobolkani Gedo, sababo la xiriiro Siyaasado guracan oo salka ku hayo dano gaar ah iyo kuwo xanbaarsan magac dowladdeed iyo mid Qabiil. Waxaana jiray hada ka hor dhowr jeer oo uu isku dayay in uu joojiyo Ra'iisul Baarlammaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe isaga oo markaa eegayay dacwooyin ka yimid qaar kamid ah beelaha Digil iyo mirifle oo ka Shaharsado Magaalooyinka Luuq,b/dhuubo iyo B/dheere.

Wuxuuna xilligaa xanbaarsanaa Sheikh Aadan Madoobe oo la oran jiray "Gudoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya ahna kusimaha Madax weynaha", hase ahaatee cidna dhag jalaq uma siin oo waxaa halkoodii ka sii socday hannaankii maamul usameynta G/Gedo, inkastoo ay marar badan hakadyo yar yar uu galay, Kuwaasoo uu marki danbe dhamaaday markii ay hayadda Jubbaland xal biday in ay Soo qaado Ugaas Cumar oo xiligaa ku Sugnaa tuulada Banbo-Xaliimo oo ku taal meel Caasimada G/haarey kaga began koonfur galbeed una jirto 90Km.

Waxayna ku wareejiyeen Ugaaska dhammmaan magaalooyinkii ay ka cabsi qabeen in uu muran kadhasho iyaga oo ugu danbeyntiina keenay Ugaas Magaaladda G/haarey ee Xarunta u ah Gobolkani Gedo, G/haarey. Waxaa maalmahaas ka taag-naa khilaaf sababay in ay Baydhabo isla cuskadaan Maamulkii xiligaa ka jiray G/haarey iyo qaar kamid ah Beelaha deegaanka G/haarey, hase ahaatee Baydhabo waa lagu waji gabxay oo waxaa laga wada laabtay dhammaan albaabadii Dowladda Kumeelgaarka ah, waxayna soo laabteen iyaga oo wada Caga jiid ah. Wuxuuna Ugaaska xiligaa fududeeyay in uu isugu yeero labadii garab ee Baydhabo ka soo laabatay oo uu heshiisiiyo.Waxaana G/haarey Dec/09/2007 looga dhawaaqay maamul ka hada kajiro G/haarey oo uu gudoomiyaha ka yahay Mudane Maxamed C/llaahi Xaashi Cilmi.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dadka reer Gedo badankiisa indhahooda la jiraan Magaalooyinka Luuq iyo B/dheere iyo sida ay uga baxsan karaan wax ay ku tilmaameen hangool ku gil gilidda Sheikh Aadan Madoobe.

Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
G/harey Gedo Office
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”