Dhaqdhaqaaqyo ciidameed ayaa tan iyo xalay laga dareemayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ciidamada ayaa heeggan sare ku jira ilaa iyo iminka, waxaana la isugu geeyey xeryaha ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo, qoryaha culculus sida midka lidka diyuuradaha ee Zuga ayaa la maqlayey inta badan manta.
Abbaanduulaha ciidamada guutadda saddexaad ee gobolada Jubbooyinka Warfaa Sheekh Aadan oo wax laga weydiiyey heegganka la galiyey ciidamada ayaa sheegay in la xiriirto kadib markii ay warar ku heleen qadadka Telephoneka iyo qeyba ka tirsan warbaahinta Somalida, kuwaasoo sheegayo in abaabullo dagaal oo ka dhan ah magaalada Kismaayo ay ka soconayaan deegaanka Dhoobley iyo degmada Jilib ee gobolada Jubbada hoose iyo Jubbada Dhexe.
"Diyaar garow ayaanu galinay ciidamadeena markaan ka war helnay dhaqdhaqaaqyo ciidan dhinacyada Dhoobley iyo Jilib wax laga sheeg sheegayo, marka ciidamadeena heeggan ayaanu gashanay, ma ogin ay nagu soo duulayaan iyo inkale, hase ahaatee waa wax aanu ka helnay taleefoono iyo warbaahinta, waanu is difaaceynaa" ayuu yiri Warfaa Sheekh Aadan, abbaaduulaha ciidamada guutadda saddexaad ee gobolada Jubbooyinka oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ku qotantay heegganka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Kismaayo sida weyn looga dareemaya.
Arrintan ayaa ka danbeysan sida muuqata kadib markii xalay Idaacadda VOAda, qeybteeda Afka-Soomaaliga uu ka sheegay mas'uul ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Amin in ay ku soo duulayaan magaalada Kismaayo oo ay ka qabsanayaan kooxaha ka taliya, hadalkaasoo uu jawaab kulul ka bixiyey afhayeenka beesha Sade Xasan Maxamed Cali (Dheere) oo VOA-du ay wada doodsiisay, Mr Xasan Dheere ayaa xusay in Alle mooye, haatan cidina aysan beeshiisu kaga awood badneyd Jubbada hoose, wuxuuna ku goodiyey in ay cagta marin doonaan koox kasta oo isku dayda in ay soo weerarta magaalada Kismaayo.
Diyaar garow ayaanu galinay ciidamadeena
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 816 Views
-
Last post by gemini07
-
- 0 Replies
- 706 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 2 Replies
- 2059 Views
-
Last post by zingii
-
- 1 Replies
- 310 Views
-
Last post by bumps
-
- 0 Replies
- 430 Views
-
Last post by newsbot
-
- 2 Replies
- 221 Views
-
Last post by yawle