Brussels: Raysal Wasaare Nuur Cadde oo qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah.
17. februar 2008
Brussels, Feb 15 - R/wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen 'Cadde' ayaa qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee Argagixisada Caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah.
Badi mucaaradka ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa lala xaajoon karo, marka laga reebo tiro yar oo gacansaar la leh argagixisada caalamka.
"Waxaan qabaa in badi mucaaradku ay yihiin kuwa saluugsan wax qabadka dawlada, rabana in isbedel la sameeyo. Qaar kale ayaa qaba in aan laga qayb galin awood-qaybsiga, jeclelna in ay iska dhex arkaan sawirka..." ayaa uu yiri R/wasaare Cadde oo ka hadlayey mucaaradka.
"Lahaanshaha dawladu waa mid bulsheed, waana mid bulshada Somalida ..." ayaa uu raaciyey.
R/wasaaraha ayaa waraysi uu siiyey wargeyska todobaadlaha ah ee Newsweek ku tilmaamay xaalada guud ee Somaliya mid qasan, aadna uga dayriyey xaalada bini'aadanimo ee dadka Somalida oo sida uu sheegay ah mid khatar ku sugan. Waxaa uu xusay in amni darida ka jirta dalku ay sabab u tahay taas, ayna adag tahay in laga badbaado haddii amniga dalku aanu sugnayn.
R/wasaare Cadde oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Brussels, xarunta Midawga Europe, shirarna la yeeshay madaxda Midawga Europe ayaa ugu baaqay beesha caalamku in ay gacan ka gaysato hawlaha dib u heshiisiinta ee ay xukuumadiisu ku baaqday, si xal siyaasadeed loo gaaro.
Dawrka dawlada Maraykanka ee arrimaha Somaliya ayaa uu R/wasaare Cadde ku tilmaamay in uu yahay mid taageero siyaasadeed, ayna dawlada Maraykanu majaraha u hayso hawlgalada ka socda Somaliya. Waxaa uu xusay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku sugan gudaha Somaliya, balse ay taageero ka helaan ciidanka sirdoonka Maraykanka ee CID-da, oo uu sheegay in ay yimaadaan dalka saraakiil ka tirsan CIA-du, aanayse ku nagaan in badan gudaha dalka Mar la weydiiyey xiriirka u dhexeeya dawladaha Somaliya iyo Ethiopia, iyo in xiriirkaasi uu yahay mid mugdi galin kara jiritaanka dawlada Somaliya ayaa R/wasaare Cadde uu sheegay in aanay taasi jirin, dhab ahaana ay Ethiopia gacan u fidisay Somaliya mar ay aad ugu baahnayd, ayna weli ka taageerto sugidda amniga.
In colaada ka aloosan Somaliya ay tahay waxa loogu yeero "proxy-war" oo ay Somaliya noqotay goof ay ku hardamaan Ethiopia iyo Eritrea ayaa R/wasaaruhu aanu inkirin, oo sida uu sheegay mucaaradkuna uu taageero ka helo Eritrea, dawlada Somaliyana ay taageero ka hesho wadamo ay ka mid yihiin Ethioipa. Waxaa uu intaa raaciyey in colaada u dhaxaysa Ethiopia iyo Eritrea ay qayb ka tahay, balse ay jiraan raadad kale oo badan oo huriya mahlakada ka taagan Somaliya.
Mar la weydiiyey R/wasaaruhu rajada uu ka qabo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay oo la geeyo Somaliya ayaa uu sheegay in QM ay u dirtay Somaliya sahan, layslana qiray baahida ciidamo nabad ilaalineed.
R/wasaare Cadde ayaa qiray in Somaliya ay mid ka tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka oo ay saddexayso Ciraaq & Afghanistan. Waxaa uu xusay in ay jirto fursad weyn oo Somaliya ay hoy ugu noqon karto argagixisada caalamka, hubka ugu weyn ee lagula dagaalami karaana ay tahay dib u heshiisiin.
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.
Il- newsweek.com
Sii baahintii AllPuntland
PM Nur Cade on talks, no compromise with terrorists..
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super

- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 469 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 486 Views
-
Last post by bashe19
-
- 2 Replies
- 731 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 15 Replies
- 29275 Views
-
Last post by Lamagoodle
-
- 5 Replies
- 1088 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 5 Replies
- 59 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 7 Replies
- 1412 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 0 Replies
- 682 Views
-
Last post by Megatron
-
- 22 Replies
- 3074 Views
-
Last post by FarhanYare