3 TFG troops join the resistance and demand Ethiopia leave

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

3 TFG troops join the resistance and demand Ethiopia leave

Post by galia »

Looks like the tide is changing as sno somalis can no longer watch their people get sluagtered by etiopian troops.

Hadal-haaynta ugu weyn magaalladda Muqdishu, ayaa maanta noqotay Askar ka tirsan kuwa DFKMGS oo maanta isku dhiibay Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federalka ee ku sugan Isgoyka H/wadaag ee magaalladda Muqdishu.

Askarta soo goosatay oo tiradoodu dhan tahay saddex Askari, ayaa waxay wateen Gaari Tekniko ah oo uu ku rakiban yahay qoriga Dhaashiikaha, iyadoo uu Gaarigaasi ahaa mid tuuteysan.

Kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federalka, ayaa la arkayey iyagoo gaarigaasi si ddhoola-tus ah kula dhex mushaaxaya qeybo ka mid ah Waddooyinka ku yaalla deegaannadda ay Kooxahaasi ku xooggan yihiin.

Ilo-wareedyo madax-bannaan ayaa waxay sheeegayaan inay Askartaasi ku hubeysnaayeen labo qoryaha fudud ee AK47 iyo qori Boobaha fudud ee BKM, waxaana la sheegay inay jireen xiriiro hoose oo Askarta soo goosatay iyo xubno ka tirsan Kooxaha Mukhaawamadda u socday, si ay Askartaasi ugu soo biiraan Mukhaawamadda.

Ma cadda inay Ciiddamaddani ka mid ahaayeen kuwii horey ugu sugnaan jirtey Isgoysyadda H/wadaag iyo Aadan Cadde, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Ciiddamadaasi ka mid ahaayeen kuwa Villa Somalia deggan.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddamo ka tirsan DFKMGS isku soo dhiibaan Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasadda DFKMGS iyo joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”