AUN
KIsmaayo:Mid kamid ah gaadiidkii soo dhawaynayey wafdiga Xildhibaan Hiiraale oo gadoomay dadna ay ku geeriyooden
[2008-03-28 16:51:55] Hal qof ayaa ku dhintay tiro kale oo aan wali la xaqiijina waa ay ku dhaawacmeen markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnaayeen oo kamid ahaa gaadiidkii soo dhawaynayey wafdiga uu barre hiiraale hogaaminayo ee kimayo ku sojeda.
Gaari nooca ay soomaalidu u taqaan Qooqanta oo kamid ahaa gaadiid fara badan oo soo dhawaynayey wafdiga uu hor kacayo xildhibaan barre aadan shire ayaa waxaa uu ku rogmaday inta u dhaxaysa magaalada jilib iyo deegaanka Kabsuuma waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah ciidamadii soo dhawaynayey wafuuda ayadoo sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray tiro aan la xaqiiji oo gaarigaas la socotay.
Ismaaciil Maxamed Nuur Qalinle gudoomiye ku xigeenka gudiga siyaasada beesha Sadde kana mid ah mas,uuliyiintii u dhaqaaqay soo dhawaynta wafdiga xildhibaanada beesha Sadde ee kismaayo ku soo fooleh ayaa Allwariye u xaqiijiyey gadoonka gaarigaas dhimashada iyo in ay gaadiid kale u direen baabuurka rogmaday si loo soo qaado maydka iyo dhaawaca,gaarigaas ayaa la sheegay i uu ku rogmaday mel u dhaxaysa jilib iyo Kabsuuma sababtana lama oga laakiin waxaa loo aanaynaa jidka oo bur burssan iyo gaariga oo si xawli ah ku socday.
Ismaaciil Qalinle ayaa waxaa uu intaas raaciyey in ay goor dhow soo galayaan magaalada markaasna uu wafdigu ka warbixin doono socdaalkooda iyo muhiimada u leeyahay,wafdiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay xildhibaano 4 gaaraya oo kala ah Xildhibaan barre Adan shire (Hiiraale) oo hogaaminaya xildhibaan Axmed Maxamed warsame Xildhibaan Nuur mataan Biriq iyo Xildhibaan Yusuf kaanti.
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=500
Fock accident in Jilib, 1 Marehan soldier dead. AUN
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 723 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 16 Replies
- 3865 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 9 Replies
- 1465 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 15 Replies
- 1297 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 3 Replies
- 347 Views
-
Last post by quark
-
- 13 Replies
- 891 Views
-
Last post by siren
-
- 11 Replies
- 3162 Views
-
Last post by Troublegirl
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by Basra-
-
- 5 Replies
- 516 Views
-
Last post by Qumanyoo
-
- 3 Replies
- 1000 Views
-
Last post by paperino