Golaha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Sade ee Muqdisho oo maanta Warsaxaafadeed ka soo saaray dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya
Beerdhiga 07.05.2008 19:14
Canbaareyn Dhacdooyin is dabajog ah
Taariikhdu markii ay aheyd 07/05/07M- oo ku beegan H.29/04/1429, shir ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka, Oqoonyahanka, Culumaa-udiinka iyo wax garadka Beesha Sade ee ku nool magaaladda Muqdisho waxay soo saareen war saxaafadeed ay ku canbaareenayaan Dhacdooyinka kala ah:
1) Gumaadkii ay ciidamada Itoobiyaanku u gaysteen Culumaa-udiin iyo Dad kale oo shacab ah Masjidka Al-hidaaya.
2) Duqeyntii bahalnimadda ahayd ee ciidamadda Maraykanka ka Geysteen degmadda Dhooso Mareeb ee Gobalka G/ Gudood.
3) Xasuuqii ciidamada Itoobiya ay u geysteen Dadka shacabka ah ee dagan degmadda Bay-dhabo ee Gobalka Baay.
4) Waxaa kale oo aan canbaareynaynaa qab qabashadii Dadka Soomaaliyeed oo ay qab qabteen Maamul Gobaleedka Puntland una dhiibeen Ciidamada Itoobiya.
Hadaba waxaan kula talinaynaa Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, iyo Culumada reer Puntaland in ay arintaan wax ka qabtaan si ayna dhib ugu horseedin Beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah kuwaas oo muddo badan ku jiray dhibaato aad u fara badan oo aan lasoo koobi karin.
Waxaa kale oo aan umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay midoobaan kuna midoobaan Kitaabka Alle, Iskana jiraan Hagardaamooyinka cadawga iyo cadaw kalkaalka sida, Diidada Lacagta Sh. Soomaaliga ah taasoo hor seedeysa Burbur dhaqaale iyo dhimasho aan xadaysnayn isla markaana ah dagaalka ugu daran dagaaladda lagu'hayo umadda Soomaaliyeeed.
Magacyadda Odayaasha Soosaaray Bayaanka.
1) Nabadoon Bakaal Diiriye Maxamed.
2) Suldaan Cusmaan Cabdi Cabdulle.
3) Shiikh Xasan Sh. Aadam Cabdulle.
4) Shiikh Faarax Mire Rooble.
5) Aadan Xasan Muuse.
6) C/salaam Axmed Tunyar.
7) C/qaadir Maxamed Sh. Maxamuud
Mahad sanidiin
Wabilaahi Towfiikh
http://www.beerdhiga.org/index.php?acti ... =0&id=3485
Golaha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Sade ee Muqdisho
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1442 Views
-
Last post by ultratribalism
-
- 7 Replies
- 736 Views
-
Last post by Advo
-
- 5 Replies
- 353 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 425 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 5 Replies
- 853 Views
-
Last post by zingii
-
- 4 Replies
- 572 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 442 Views
-
Last post by Dab
-
- 1 Replies
- 521 Views
-
Last post by Kramer
-
- 2 Replies
- 591 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan