WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Afka hooyo :) Qaybtan waxaa loogu talagalay dadka wax ku qora luqada Soomaaliga.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Jidmareen
Posts: 3
Joined: Tue Aug 14, 2007 2:33 am

WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Post by Jidmareen »

Horta waa duni aakhiru samaan
oo lama daayo warkeedee
Balse jirabka aad mudataa
lafuhuu ku jabshaaye.........

WELI NAAG MA JECLAATAY?
OO IDINKOO WADA JOOGA
SIDUU GAARI KU JIIRAY
JUUQNA MAW CELIN WEYDEY!?

OO JABBA WAAKA DAMBEEYEE
MID BAAS OO JIIRI SITAA
OO TAGSI KALA JIIDAN WATAANA
JEMBIGA MA UGU QABTAY!?

DIB INTAY U JALEECDAY
GUDHADII MA JARTOO
QOSOL UUN JAG MA KA SIISAY!?

OO JABBA WAAKA DAMBEEYEE
MA LA JIITAY YARTII!

JAANQARAAR CARADII
LAAMAYDII JIRJIRKEEDA
KOR MAW SOO JILIBDUUBTAY!

IYADOO BARJIHII
UU SUUQII CURKA JOOGO
UMMADDII MA JUJUUBTAY!

ANNAAR JAAD I AMAAHI!
JIMCAHAYNU LAHAANE!
ADDEER JAAD I AMAAHI!

MA ISKA SOO JAMBACDAY
ALBAABKAY KU JIRREEN
OO AFAAFKU JIINGAD AHAA
AFAR GOOR MA JIBBAYSAY!? [QAC.....QAC.QAAAAAAAAC!]

IIGU YEERA JAMAAD!
IIGU YEERA JAMAAD!

MA LAGUUGU JAWAABAY
WAAR RUUXAAGAN JIBAYSANNEE
QOFKAAN MESHABA JOOGINN
JAMAADEEYDA HAYAA
HANAGU JOOGSAN WALAAL!

NAA NAGA DAAYA JALAALKOO
WAATA JOOGTA GUDEHEE
NOOGU YEERA JAMAAD!

JAMAAD, KAALAY
JAMAAD COME ON
JAMAAD WAANU KU JECELEHEE
COME HERE JAMAAD!

SODDOHDOO DOCDA JIIFTAY
INTAAD DAANKA JIIDDAY
ILKAHA JEEX MA DUMEEN!?

AFAR JAAFAA JUGLE
OO IYANA XAAFADDA JOOGAY
MA ISU KAA JABIYEEN!?
OO MA KU JIIDDEEN HAWEENKU!!!?
User avatar
ahmed_sharaf
Posts: 13
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: from: L/A...............ME

Re: WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Post by ahmed_sharaf »

haaa waan jacaladay balse heestaan baan u qaday sidaaan baay ilaa dhaqmatay

Muxuu nabaarka
Caashaqu ii geystay
Naafada inanyahay
Oo nuduufta hooyiyo
Naxariista aabiyo
Inta Gacal dadkaygii
Joog igala noogeenee
Oo nabadaa dhexdeenaa
Oo uu ilaahay inan yahay
Ii jabay cadaawahaa
Markaad ii nuglaysayoo
Ifkaa tobanka nooca hoo
Nabsi baa adeegee
Waxaad nabad hurudaba
Nabar lamaa filaaniyo
Naxdin daris ma noqoteen
Nasiibkaa ma kulanteen
Ana mayska noolahay Inantaay?

Muxuu nidiirka haaruhu
Nadi aniga iladhacay
Oo nuduubta Haarahu
Dhakhtarada i muujeen
Waa nacas Kalgacalkuyee
Muxuu igu nagaashaday
Oo nabadaa dhexdeenaa
Oo uu Ilaahay inan yahay
Ii jabay cadaawahu
Markaad ii nuglaysayoo
Ifkaa tobanka nooca hoo
Nabsi baa adeegee
Waxaad nabaad hurudaba
Nabar lamaa filaaniyo
Naxdin daris ma noqoteen
Nasiibkaa ma kulanteen
Ana mayska noolahay InantaaySong Details
User avatar
Broccoli
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 346
Joined: Sun Mar 30, 2008 9:13 am
Location: between cabbage and tomatoes

Re: WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Post by Broccoli »

maya laakin berigoo aa dameerkoo jeclaaday.
miss_isaaq
Posts: 24
Joined: Wed Feb 20, 2008 2:49 pm

Re: WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Post by miss_isaaq »

kkkkkkk looooooolz
User avatar
Broccoli
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 346
Joined: Sun Mar 30, 2008 9:13 am
Location: between cabbage and tomatoes

Re: WELI NAAG MA JECLAATAY!?

Post by Broccoli »

wtf cant believe i wrote that. cocaine is a helluva drug.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - Soomaali”